Tajikistan : Ugu Yaraan 27-qof oo lagu dilay shaqaaqo ka dhacday xabsi.

Ciidamada ammaanka ee dalka Tajikistan ayaa dilay ugu yaraan 27-ruux oo ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Khujand ,ka dib shaaqaaqo saacadihii dambe ee maalinimadii Arbacada ka dillaacday halkaasi sida warar laga helay ciidamada ammaanka ay u sheegeen warbaahinta caalamka.

Maamulka magaaladaasi oo xidhiidh la sameeyay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa xaqiijiyay in waxa dhaliyay dilka dadkaasi maxaabiista ah ay ahaayeen shaqaaqo gacan ka hadal ah oo ka dhex dillaacay gudaha xabsiga ,mana jiraan warar kale oo la shaaciyay in ay lug ku leeyihiin arimahaasi.

Magaalada Khujand waxa ay masaafo dhan300-km Woqooyiga kaga beegan taahay caasimadda Dushanbe ee dalka Tajikistan .

Sanadkii 1997, isla magaaladaasi Khujand ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa dilay 24-qof oo maxaabiis Ah ka dib markii halkaasi ay ka dillaaceen shaqaaqooyin gacan ka hadal ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso