Ilhaan Cumar oo ku Guuleystay doorashada Aqalka Congresska Mareykanka

Ilhaan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka soo hoysay doorashada Mareykanka ee xilliga dhexe, kaddib markii loo doortay Kursiga Aqalka Hoose ee Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii u horeeyay oo Soomaali ah ama Muslim ah oo taariikhda Mareykanka ku guuleysatay Xildhibaan Kursiga Aqalka Congress-ka.

Guushan ayaa ka dhigan in Ilhaan ay wixii ka dambeeya fadiisan doonto magaalada Washington, gaar ahaan kursiga Aqalka Congress-ka Mareykanka oo ay ku matali doonto Xisbiga Dimoqraadiga ah.

Sidoo kale waxaa doorashada Xilliga Dhexe ee Mareykanka guuleystay Soomaali kale oo kala ah Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur, kuwaasoo ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.

Soomaalida degan Minnisotta ayaa soo dhoweeyay guushan taariikhiga ah ee ay soo hoyeen Soomaalida, gaar ahaan Guusha Ilhaan Cumar ka soo hoysay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa si aad ah isha loogu hayay, waxaana dabaal degyo ka bilowday Gobolka Minnesotta oo ay u badan tahay Soomaalida.

Advertisement

Ku Xayeysiiso