Muuse Biixi Iyo Talada Dalka ABC SIYAASADA (Qaybtii 25aad) By Maxamed Xoosh”

Madaxda Siyaasiga ah Waxay Bulshadeenu u Taqaan Inta Xilalka Haysa Ama Soo Qabtay Ama Xubnaha  Saraakiisha Ka Ah Xisbiyada Wadanka Ka Jira

Dalka Dhibaatooyinka Haysta Ee Aanay Bulshadu Dareensanayn Waxa Ka Mid 

Waxa Isku Garaad Iyo Aqoon Ah Madaxdii Bulshada Hogaanka u Qaban Lahayd Iyo Shacabkii Caamada Ahaa Ee La Hogaamin Lahaa !!!

Bulshooyinka Dunida Ka Jira Marka Laga Faaloonaayo Arimaha Xidhiidhka la Leh Nolosha Bulshada, Siyaasi, Dhaqaale,Diin,Aqoon,Dhaqan,Cudurada Bulshooyinka Ka Dhex Dhasha ……  Waxa u Xil Saaran Inta Madaxda u Ah Ama Hogaanka u Haysa Dhinac Walba

Waxaan Aad  uLa Yaabay Dhawr Nin u Sharaxnaa Kuraasida Ugu Saraysa Dalka Oo Tacab Badan Kaga Baxay Siyaasida Siday u Hanan Lahaayeen Kursiga Ugu Sareeya,  Dhawr Jeer oo Kala Duwan Ka Maqlay Waanay Ku Celceliyeen odhaahda 

Soomaalidu Waxay Tidhaa “Siyaasadu  Cadaw  Joogta Ahna  Ma Leh  SXB Joogtana Ma Leh , Balse Dan Joogta Ah Ayay Leedahay” Isagoo Ka Dhigaaya In Soomaalidu Dhaqan u Leedahay Odhaahdan Ama Ay Tahay Maahmaah Dhaqanka Soomaaliga ah Ku Jirta , Hadalkan Waxa Iska Lahaa Siyaasigii Weynaa Ee Reer  Ingriiska Winston Churchill !!!

Madaxweynaha Waraysiyadiisii Markii Dalka la Soo Galay Hadaad Dhagaysatid Ayaad Ogaan Siyaasada Siduu Ku Ahaa “Berigigaa Ayuu Doonaayay Nidaamka Xisbiyada Badan,Dimuqraadiyad, Saxaafad iyo Ganacsi Xor Ah,Sadex Ha,yadood oo Is Ceshada…..

Waxaan Aayo La,aantooda Ka Yaabay Umadda Ninka Hogaanka Siyaasada Isku Soo Qaaday Aanu        ABC SIYAASADA Uga Baxsanayn Ama Diyaar u Ahayn Inuu Wax Barto Isagoo Isku Haysta Inuu Figtii Ugu Saraysay Gaadhay 

 

Garaadka Siyaasiga ahi Kuma Dhismo Sanad Iyo Toban Dawladaha Qaar Si Bulshadu U Kala Garato Siyaasiga Hogaamin Kara Iyo Waxa Laga Rabo Waxay Qaadatay 150 Sano,  Aqoontu Waa Wax Is Urursada Oo Isbiirsada

Waxa Hubaa Keliya In Jihadii Saxda Ahayd Loo Socdo

 

Maxamed Xoosh

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso