Sawir muujinaya xilligii Khashoggi uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul


Wargeyska Washington Post ayaa daabacay sawir laga qaaday wariye Sacuudi ah oo la la’yahay Jamaal Khashoggi isaga oo sii galaya qunsuliyada dalkiisa ee Istanbul Salaasadii la soo dhaafay.

Sawirka ayaa waxa qaaday kamarad dibada dhismaha waxayna muujinaysaa Khashoggi oo xidhan bedled madaw siina galaya dhismaha qunsuliyada 1-da duhurnimo iyo 14-daqiiqo, hortiisana ka soo muuqdo ruux kale meel u dhaw albaabka ruuxaaa oo aan la aqoonsan.

Jamal Khashoggi ayaa tagay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul Salaasadii la soo dhaafay si uu u soo saaro dukumenti , dhinacooda Sucuudiga ayaa sheegay in uu ka tagay markii uu soo galay qunsuliyada, laakiin xaaskiisa oo reer Turki ah ayaa xaqiijisay in ay maalintii oo dhan sugeysay iyada oo hor taaganayd qunsuliyada kana soo bixin.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso