ufiirso Liiska hantidii qaranka ee lagu wareejiyey il-duuf sharci iyada oo aan loo cuskan xeer nidaamiye dawladeed. qalinkii A/Rahman fidhinle UK

Maadaama Madaxweyne Muse Biixi Abdi uu qiray in aanay dalka  jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaar ka ah ( PPP Act ).

A)- Maadaama aanay jirin Xeerarka iyo xeegaanada Maalgelinta Madaniga ah ee lagu wareejin lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawlada. 

B)- Maadaama aanay jirin Xeerarka Maareynta iyo Maalgelinta Hantida Guurtada iyo ma guurtada ee qaranka. C) Maadaama aan loo cuskan wareejinta hantida qaranka xeer-nidaamiye dawli ah oo ummadda u qeexaaya waajibaadka masuuliyayeed ee saaran shirkadaha lagu wareejiyey hantidii ummadda.

D) Maadaama  yoolka Shirkadaha lagu wareejiyey aanay ku saleysneyn istiraajiyad qaran oo xukuumadu ku leedahay saamiyo badan oo waafiya.

E)  Maadaama aanay jirin heshiisyo marag-gal iyo marag-fur ah oo ku saleysan  tiir sharciyeed heshiis laba dhinac ah. 

F) Maadaama aan loo marin hab-wareejintoodii tartan hufan oo xor iyo xalaal ah (fair competition) oo ummadda iyo ganacsatada dalka oo dhan loo soo bandhigay-Waxaa dhamaan Heshiisyadan Hoos ku taxan lagu bixiyey il-duuf sharci, taa soo lagu-tagri falay Kaabeyaal dhaqaale oo qaranku wada lahaa, sidaa daraadeed dawlada madaxweyne Muse Biixi Waxaa looga fadhiyaa  in ay dhamaan hantidii dawlada ee la wareejiyey  iyo mashaariicdan hoos ku taxan dib loo eego oo lagu soo celiyo gacanta dawlada iyo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd.
 

Rusqada Shirkada Beenyada iyo xabkaha dalka ka gurata
Rusqada Shirkaddii Laydhka ee HargeysaRusqadaha shirkadaha Laydhka ee Borama iyo  BerberaHeshiiska lagu wareejiyey Dekeda Berbera oo aan sadex sano waxba laga qaban ( from 9th may 2015 – 3/10/ 2018 )Heshiiska lagu wareejiye Madaarkii Berbera oo aan wax qiimo leh la dhaafsan khatarna lehHeshiiska Shirkada daabacda Kaadhka dhalashada (Teysarada Muwaadinimada) Rusqada shirkadda Diiwaan-gelinta Madaniga ah. Rusqada Shirkadda  daabacaada Manhajka Waxbarashada.Shirkada keenta qalabka kala duwan ee xafiisyada Dawlada Shirada keenta Raashinka Ciidamadda QarankaShirkad ku sheegta keenta Direyska Ciidamada  QarankaRusqada Wakaaladda Biyaha ee BooramaShirkada qaabilsan tigidhada dibadda ee Madaxda Dawladda.Shirkada daabacda Baasaboorka Somaliland – waa la soo celiyeyShirkada Kootada ku haysata Internetka Fiber OpticShirkada Kawaanka Xoolaha ee Hargeysa oo fayo -dhowrkoodu xumaadayShirkada Kootada ku haysata  Maxjarka Xoolaha Al-jaabiriShirkada ama Macradka dawladdu ka Qaadato Baabuurta.Shirkada Makiinadaha  Dawaarisa Raashinka WFP.Qandaraaska Dhismaha Wershada hilibka ee BerberaShirkadaha Qashinka ee Borama iyo Hargeysa oo aan shaqadooda gudan.Shirkada hagista gaadiidka iyo Nadaafada Dekeda BerberaShirkada talaalka xoolaha la dhoofiyo oo aan si hufan loo wadinShirkada  daabacaada warqada cashuur bixinta Gaadiidka (Road tax ) -waa la soo celiyeyShirkada netfishka Berbera oo shaqsi gaar ah maquuno loo siiyeyShirkada daabacda Liisanka  gaadiidka ee lafta ah – waa la soo celiyeyShirkada bixisa lambar bileydhka Gaadiidka dalka soo galaShirkada bixinta foomamka customka ( custom entry forms)

Shirkada bixinta buugaagta lahaanshaha Gaadiidka-waa la soo celiyey

Shirkada daabacaada istiikarada visaha dalka laguu soo galo

Rusqada shirkada batroolka dilaasha / fadhateysata ee Betro Soma

Rusqada Shirkada Batrolka baadha / dilaasha ee East African Resource group

Rusqada shirkada Anglo Somaliland resourse loo siiyey in ay Kaluunka dalka keligood maamulaan.

Ruqsada Shirkada Somaliland Hono Group loo siiyey in ay Macadanta dalka ku gurtaan

Qandaraaska dhismaha Saldiga Berbera oo cid gaar ah loo xidhay

Ruqsada Shirkada Macdanta ka fadhataysata Buurta Simoodi.

Dhamaan Qandaraasyada DPW ee ay xukumadii Siilaanyo bixisay  sida :

Qandaraaska fayo-dhowrka raashinka ka soo dega Dekeda Berbera ( quality control )

Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera iyo Suqa xorta ah (free Zone )

Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda,shaqaalaha DPW iyo suuqa xorta ah

Qandaraaska Xawilaada iyo sarifka lacagta Dekeda Berbera ka soo xaroota

Qandaraaska dhismaha suuqa xorta ah ( free Zone ) ee Berbera

Qandaraaska Keydka qaboojiya-yaasha Dekeda Berbera

Qandaraaska dhismaha iyo maamulka parkinka baabuurta ee Dekeda Berbera

Qandaraaska Dayactirka Gaadiidka DPW iyo daabulaada shaqaalaha DPW

Qandaraaska quudinta shaqaalaha DPW ee dekeda Berbera

Qandaraaska qalabka xafiisyada, rasiidhada iyo istiikarada DPW

Qandaraaska Zaadka shirkada DPW iyo shaqaalaheeda u gaarka ah

Qandaraaska Nadaafada Guud ee Dekeda Berbera iyo suuqa xorta ah

Qandaraaska Dayactirka guud ee Dekeda iyo qalabkeeda

Qandaraaska Carbinta iyo Tabo-barida Shaqaalaha Dekeda  ee DPW iyo Free Zone ka

Rusqada bixinta dhulkii Gaandi libaray

Rusqada wareejinta Hotelka Hargeisa Club

Rusqada bixinta dhulkii Hargeisa Womens Club.

Waxaa Madaxweyne Muse Biixi lagu mahadinayaa go’aanka adag ee bar bilowqa ah ee uu ka qaatay soo celinta heeshiisyadan hoose waxaana aanu leenahay Madaxweyne Faanoole fari kama qodna ee halkaa sii kawad!!

1- Heshiiskii Haamihii keyd ka shidaalka ee Berbera. 2- Sheybaadhkii shidaalka, Parking kii gegida dayaaradaha Cigal international airport. 3- Dabacaada dokumintiyada dawlada sida Passporka, Cashuurta wadada Road tax, Cashuur ku dhejinta (stamp duty) , liisanka lafta ah ee gawaadhida , buuga dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo Adeega Amniga ee Madaarada.  Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walba  badbaado qaran iyo in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan dib tendher loo wada  mariyo oo tar tan xor ah oo xalaal ah loo soo wada maro cidii ku guuleysatana la siiyo ama gacanta dawlada lagu soo wada celiyo si dhaqaalaha dawladu u koro oo shaqo abuurka dhalinyaraduna u fududaato.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! ee Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso” !

         Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso