Gabayga waa: DOWLAD XUMO CURIYE: Omar A. Abdi

Gabaygan Dowlad xumo wuxuu ka hadlayaa duruufha
Iyo dareemada ku xeeran Somaliland iyo kala rajo xumada
jirta wax yaabaha u sababa, wuxuu ka digayaa cawaaqib
Xumada ka dhalan karta ama hadaba bilowga, haddii aan
Wax laga bedelin siyaasadaha qaloocan ee qabiilaysan ee
Lagu dhex ubuuray umada isku noosha iyo walaalaha ah.
Gabayga waa: DOWLAD XUMO
CURIYE: Omar A. Abdi
Epost: Omar.a.abdi@gmail.com
Taariikh: 24.09.2018
Gabayga oo Cod ah: https://youtu.be/29QnqQ0zE4Q

Gabaygani dadweynuu u yahay tebin dareenkoode
Wuxuu daah ka yara feydayaa dowshadaa jira’e
Denbi ku hadlimaayiyo afxumo dheguhu diidaane
Dan ka hadal digniin iyo wax sheeg aan isugu duubo
Oo aan dhaliilaha dulmaro doorkan hoganaaye
Raguun baa qabiil daadahshee doodu waa qarane

Indhawayd waxbaa nagu dednaa dowlad xumo weyne
Kulmiyaa darjiidhoo arlada damiyey leydhkiiye
Kala dide dadkii wada ahaa ul iyo diirkeede
Debediyo waxay naga xidheen deriska jaarkii
Dekediyo waxay naga dunsheen xeebta noo dihin
Carab ayaaba deyr loogu xidhay daayinwaa marage
Hawadiina waatay dar kale duhur ka qaadeene
Intuu deyrku kuu xidhan yahaa dano la dhowraaye
Mar haddii daleeluhu bataan waa dukaan furane.
Doraad iyo wixii shalay ka dhacay daalo dhinaceede
Duruus iyo iyaba noogu filan digasho naanayse

Dr. Gaas intuu Badhan ka degey loo diyaafadiye
Duhur buu shirkiisii qabasaday dowlad goboleede
Digreetona saxeex Badhani ay duudka kaga taale
Dib u noqoy dantiisii markuu fuliyey doorkeede
Muusena digreetada kufsiga how dabaaldego’e.

Haweenkuba doboolkay indhaa dacal baneeyaane
Dibnahaa sharood lagu xidhoo diiday hadalkiiye
Waa daahir yaa shamis inuu mooskii daad galaye
Dugsi nooma xeeriyo waxaan daawo ku lahayne
Durbaan qaranka laysugu tumaa waa dantay fuliye
Dareen saxa hadaan lala imaan dowlad qaramaysan
Oo aan miis dushii lagu heshiin deyrna la adkaynin
Dulmidiid wuxuu diidanyiyo danaha loo showrin
Darkaliyo inuu Caare iman doorkan la hubaaye
Qardho nimanka degay waxa didshoo daahiraa jira’e

Waxay Baaxad ugu duulayaan waa dibnaa xidho’e
Isagoo dalkiisii ku sugan oon dil cid u geysan
Dibindaabyo isagoon ninaba doorar kaga leynin
Dagaal inaad Kamaal kula kuftaan waa damiinimo’e
Xaqu dirir digtoon looma tumo daf iyo agaane
Inkastaan dabaabaad la socon amase diigaanyo
Kamay didin digto weerarkee diilintaw gale
Daafece dabaalada istidhi doorkan waad qabane

Wax la diidanyoo doora baa daacidii badane
Dani iyo qabiil laysku xidho derejo qoysaysan
Inta ruux dareenkiis cabiray jeelka loo dirayo
Dalbataye halkii ina Siyaad duuga bal aan dhowro
Haddii aan run lagu daajinoo ay xaq dihan waydo
Dabka aad shideen iga waluu dib u qaboobayne

Doqon baan halkow daran aqoon deyina meeldheere
Indhaheedu waxay daalacdaan waa dadkow xiga’e
Maahmaah da’weyn oon mar hore deeley ugu sheegay
Waxay daaranayd aan iyana kuugu sii daro’e
Doqon baan dab qiiqliyo ka kicin meel u sii darane
Waxay daamanka u leexisaa weyga degi wayday

Doorshaan dikh iyo saalo iyo qudhunka deyn waaye
Inta uu sibraha daysho iyo duubiyada xooga
Ayuu dib u duduucaa xumaa meel dantiisa ahe.
Duf ku baxe dirkaa waxa ka dhigan daymo gaabyada’e
Duub qaran hadaad xidhato oo derejo weyn qaado
Waa laga dikhoodaa qabiil doonyo qaadnimo’e

Dadku wuxuu layaabaa jiriyo dawshad xoog badane
Nimankii durbaanada sitee doobta lalinaayey
Ee qaran u dood sheegan jiray daahi qarin waaye
Damacoodu wuxu daaranaa daaf u soo baxe’e
Maantana durbaanada qabiil daasadow tume
Haday doob qabiil wada ridaan Muse daaficide
Oo doonyaqaad wada yihiin dowlad qoysnimo
Duqii maxamed xaashiyo calaa qoys ku daakira
Ninkii aayadaa duurxulka ah dumar ataagaayey
Hadda uma damqado diinta ay xeer ku dumiyeene
Diricyaddii walaalaa ahaa waa difaac adage
Diirdiiranaan kuma baxshaan doodihii qarane
Hadal dalable iyo gaangi baa laga dareemaaye
Boobena dilaalkii kufsiga noqon damiinkiise
Demanaha qabiileystihiyo dowdarkaa badane

Da’yar waa hantida dowladnimo qaran daneeyaaye
Kuwii ubad tahriibta u diree didiyey awlaada
Ee dumarka caayiyo qabiil duubki baw xidhane

Dadkuse wada walaaliyo xigaal duulku waa gacale
Waa deris islaamoo is dhalay oo dar wada yaale
Deyr iyo in loo kala xidhaa daarad ma ahayne
Ninku yidhi xigaalkaaga doox diiday baw furane
Dabuudhyaw naxligaad daajisaa kuu danbeen adi’e
Ina ilayba daartuu ku jiray deyrtan laga saare
Dabandaabyo uma geysan karo duul xigaalo ahe
Ninkii diric ismoodaba marbaa deyrku soo xidhi..

……Wabilaahi tawfiiq….

Advertisement

Ku Xayeysiiso