Doorashadii 2017 maxaynu ka baran karaa

Salaan ka dib

Doorashaddii Madaxtooyada ee 2017, waxaynu ka dheefnay qabyaaladda oo sicir barartay, inkastoo mar kasta oo hogoomiyayaashii SNM tartan u galaan aynu soo aragnay saiyaasad qabyaaladaysan; haddana tii ugu dambaysay way ugu darrayd, Bal ila eeg xaqiiqooyinka hoos ku qoran.

Xisbiga Kulmiye wuxuu taageeradda ugu badan ka halay degmooyinka Gabailey (92.5%), Lughaya (84.2%), iyo Garadag (82.6%).; halka uu Xisbiga Wadanina uu taageeradda ugu badan ka helay degmooyinka Oodweyne (89%),  Laas Caanood (72%), iyo Ceergigabao (67.2%, iyo Borama  (59.2%). Xisbiga UCID-se degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo keliya ayuu ka helay cod gaadhay 10%.

Dhinaca kalena, degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo keliya ayay saddexda xisbiba ka heleen cod gaadhay 10% iyo ka badan. Ugu dambayn, ma jirto degmo keliya oo uu xisbiga Kulmiye ka helay cod ka yar 10%, balse xisbiga Wadani degmada Gabiley ayuu ka helay 6.7%.

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa is0abaabulkoodu aad uga sareeyay xisbiyadda kale, waxaana ugu abaabul yaraa taageerayaasha xisbiga UCID. Waxaana cadaynaya degmooyinka uu Kulmiye kaalinta koowaad galay, dadkii is-diiwaan geliyay 66.2% ayaa codeeyay; kuwa Wadani uu kaalinta koowaad galayna 61.4%, and halka kuwa uu xisbiga UCID kaalinta koowaad galayna ay codeeyeen 51.4% dadkii is-diiwaan geliyay.

Districts won by

Percent of registrants, who actual voted in 2017

Advertisement

Ku Xayeysiiso