Bilicdii hargaysa maanso by hal-abuur qoraa xamse riiraash

Bilicdii hargaysa maanso by hal-abuur qoraa xamse riiraash

Baladkan  hargaysi    
Waa cad ceed bayaantee    
Loo bogay dhankeedee 
Baydadkaygan ila dhugo 

Buurtan  gacan libaaxiyo      
Adnadaa bidhaantiyo     
Bilic xaawo laydaa 
Bal sidaa U daymoo 

Meesha aadan baradhiyo  
Barxadaa  staar iyo
Ay boodh  dhankiisiyo
Bundadaa xawaadliyo
Idaacada baxaysana
Bal xageeda sii eeg 

Xaafadaasi  kood -buur         
Biriijkaa jig -jiga yar 
Stadium baahsaniyo
Bartankaasi qudhac dheeriyo
Biyaha qul qulayana
Bal sidaa usii dhuggo 

Xadaaradii bislaatoo  
Baryo hore jireysiyo  
Bunuudiyo   hunuudii
Bildhinkii dhisaayeen  
Baaqigoodii sii arag   

Culimadii burhaantiyo  
Balaaqada Ku dheeraa
Dirir Iyo  bahdiisuna  
Meeshanay kasoo baxeen 

Balaayadu siday tahay  
Hargaysaay Ka Bari noqo   
Salaam 

Hamse Riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso