Wasiirka Wasaarada Shaqo galinta Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo-Hinda jaamac Gaani Ayaa Shirjaraaid Oo Ay Ku qabatay xafiiskeeda Ku Bogaadisay Madaxweynaha Qaranka Somaliland-Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Mudanayaasha Golaha Wakiilada Iyo Golaha Guurtida Somaliland Oo Meel Mariyey Xeerka kufsiga .

(Toggaherernews)-Wasiirka Wasaarada Shaqo galinta Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo-Hinda jaamac Gaani Ayaa Shirjaraaid Oo Ay Ku qabatay xafiiskeeda Ku Bogaadisay Madaxweynaha Qaranka Somaliland-Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Mudanayaasha Golaha Wakiilada Iyo Golaha Guurtida Somaliland Oo Meel Mariyey Xeerka kufsiga .

Wasiirka Wasaarada Shaqo galinta Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo-Hinda jaamac Gaani Ayaa Shirjaraaid O .Wasiirka Oo Arrintaasi ka hadlaysa ayaa hadalkeedii ku bilowday sidan:

(Waxaan Mahad Eebbe Aan ugu naqayaa kulankan saaka iyo ka soo qaybgalkiina haddii aan u gudogalo mowduucayga wuxuu ku saabsan yahay shirkan aan subaxan saaka ah aan ku qabanaayo xafiiskayga anigoo ah wasiirka shaqogalinta ,arrimaha bulshad iyo qoyska wuxuu ku saabsan yahay in aan uga mahadceliyo madaxweynaha qaranka iyo golaha wakiilada qaranka Somaliland ,Golaha Guurtida Somaliland ,intaba in aan uga mahadceliyo dhammeystirka iyo ogolaanshiyaha loo jiheeyey in lagu ilaaliyo xuquuqda dhammaan tacadiyada oo dhan gaar ahaan siyaabaha kale u dhacda ,taas oo lagu xadiday ama xeer iqaabeed loogu sameeyey xeer lr-78,soona baxay 2018ka ,runtii waxaan marka ugu horeysa uga mahadcelinayaa Golayaasha qaranka Somaliland ,kuwaasi oo muddo dheer lafogur ku hayey in loo sameeyo xeerka tacadiyada haweenka iyo inta ay awoodoodu hoosayso xeerkaasi waxaa uu ku saabsan yahay waa xeerka xadidida jinsiga   ama ilaalinta xuquuqda jinsiga runtii waxaan si aan la koobi Karin halkani anigoo ku hadlaaya magaca haweenka qaranka Somaliland aan ugu mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka Somaliand Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ansixiyey xeerkani fulintiisa 25kii  Augost 2018ka,waxaanan leeyahay jasaakumulaahu khayr oo Ebbe ha kuugu daro miisaanka xasanaadka rintii waxaad ilaalisay intii aad ka masuul tahay intii ugu nug layd ayaad ilaalisay xuquuqdooda waxaana leeyahay madaxweyne mar labaad iyo mar sadexaadba anigoo ku hadlaaya magaca haween weynaha qaranka Somaliland waan kaaga mahadcelinyaa waxaanan runtii rajeynayaa in uu dhaqangalo oo uu ka dhaqangalo xeerkani dhammaan maxkamadaha qaranka Somaliland uu leeyahay waxaanan si gaara u la dardaarmayaa shaqaale weynahayga ,gaar ahaanna agaasime waaxeydeyda oo aan leeyahay waa in aad si kasta oo ay ku suurto galayso in la qabto xaflad oo lagu soo bandhigo xeerkani oo aynu ugu qaybino bulshada reer Somaliland oo aynu ku ogeysiino waxa uu xambaarsan yahay oo sida ugu dhaqsaha badan bi idmi laahi raxmaan aad u qabataan waanan jeclaa in aanan ka hordhicin oo aan xaflada ka cadeeyo mahadnaqayga balse anigoo howl shaqo insha allaahu jecel in aan ubaxo ayaan waxaan jecleystay in waqtiga intaasi ka badan ku sii lumen sidaasi darteedna aan u mahadceliyo madaxweynaha qaranka Somaliland iyo golaha sharci dajinta Somaliland intaba waxaanan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin ,waxaana nalaga sugaa waa in aanu gaadhsiinu bushada reer Somaliland meel kasta oo ay ku sugan tahay si ay ugaadho xeerkani loo jideeyey ee ilaalinaya iyaga xuquuqdooda gaarka ah waxaan runtii jecelahay in aan la wadaago munaasibadeydan shirkaasi oo aan iyagana ku bogaadiyo dalada isku xidhka haweenka ee nagaad oo aan leeyahay waxaa  inoo soo hoyatay guul weyn oo aan la soo koobi kareyn waana in aynu u diyaargarownaa oo aynu guntiga dhiisha iskaga dhignaa fulintiisu sidii uu dalkoo dhan u gaadhi lahaa iangoo gacmaha ishaysana aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin xeerkinana kii guulaysta ayaan Eebbe uga rajeynayaa).

Diyaarinta-caydaruus Cismaan(Mr-Ayuubi).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso