XUUKUMADA SOMALILAND IYO HAAYADAHA QARAMADA MIDOOBAY OO KULAN WADA YEESHAY

(Toggaherernews)-XUKUMADA SOMALILAND IYO HAAYADAHA QARAMADA MIDOOBAY OO KULAN WADA YEESHAY…

Qaar ka mid ah Golaha wasiirada somaliland ayaa waxay kulan caasimada somliland kula qaateen wafti ka socda hay-adahaqaramada midoobay iyoqaadhaan bixiyayaasha taakuleynta u fidiya dalka,kulankaasi ayaa waxaa kaqabgalay wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka somaliland  cawaale ibraahim shirwac ,wasiirkawasarada xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga somaliland ,wasiirka wasarada horumarinta beeraha somaliland iyo marti sharaf kaleba.

Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka cawaale ibraahim shirwac waxaanu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wado hadleen waftigaasi qaramada midoobay ka socday ,waxaanu wasiirku yidhi:

(Halkani waxaanu ku joognaa xubno ka tirsan golihii wasiirada somaliland wadamada qaadhaan bixiyayaasha yurub,wfp,fao iyo wafti kale oo la socda kulankaasi ama booqashadaasi waxay daaran tahay in aanu ka wado hadalo waxyaabaha muhiimka u ah iyaga iyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka somalilandin aanuka wado hadalo mashaariicda dalka ka socotay oo ay lafdhabarka ahaayeen sida ay u socoto waxyaabaha dowlada cusub ee uu hogaaminaayo mudane Muuse Biixi cabdi u ah muhiimada kowaad aynu siinayno waxaa kale oo aanu kala hadalnay deeqaha aysiiyaan labada wadan eesomaliland iyo somalia in ay si cadaalad ah u sameeyaan waxaanu waftigaasi hordhignay waxyaabaha jira statiticka ah ee ay ku jiraan celcelisku ee mararka qaarkood khaladaadku ku jiraan waanay nala qaateen in ay dib u eegaan waxaa kale oo aanu kala hadalnay in somaliland u siidurkayso xagga horumarka shaariicda waaweyn ee aanu danaynayno ,waxaa kale oo aanu kala hadalnay xagga wax soo saarka beeraha ,kalluumaysiga ,xoolaha nool,iyo waxyaabihii wax soo saark ahaain aanu kalahadalnay waxaa kale ooaanu kalahadalnay sidii loo diyaarin lahaa ka hor tagmasiibooyinka iyo sidiidiyaar loogu ahaan lahaawaxyaalahaasi oo dhan way nala qaateenwaxaa kale oo aanu hor dhignay waxyaabihii ka soo baxay duufaanadii salal iyo awdal ku dhufatay,waxaanay aad ugu bogeen dariiqa ay somaliland hayso xagga horumarka iyo mashaariicaha waxaanajareynaynaain kulankaasi uu wax badan dhali doono).

Diyaarinta-Aidarus Osman -(Mr- Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso