Ardeyda Dugsiyada ka Saaqida(II) W/Q:-ABDIFATAAH M.AHMED

Ardeyda Dugsiyada ka Saaqida(II)

W/Q:-ABDIFATAAH M.AHMED

Waxbarashada waxa laga dheefa aqoon,xirfad shaqo,barashada hab-dhaqan wanaaga iyo qiimeynta kuwaasi oo la rajeynaayo in ay nolosha mustaqbalka wax inooga tarayaan.waa Aqoon,Xirfad shaqo iyo Hab-dhaqan wanaag,Saddexdaasi ayaa lootartamayaa.si aynu saddexdaasi u helno ayeynu waxbarasho ugu tartaney,Casharadii iyo buuggaagtii aynu habeenada badan xifideyney ka dib Ayaa warqada Shahaadada la inagu abaal-Mariyey.

kuwa dugsiyada ka baxaa waxa ay faraha ka qaadeen nidaamka iyo qaab-dhismeedka waxbarashada bulshadu u dejisatey ama loogu dejiyey waxbarashada oo la aaminsan yahay in jidkaasi oo qudha guul-lagu gaadhi karo.tiradaasi badan ee Ardeyda ah dugsiyadana macasalaameyey haddana waxa ay inala wadaagayaan nolosha oo ay ku heystaan waxba badan oo kii jaamacaddaha ka baxey heysanin Mararka qaarkood,waxaaney ku nool yihiin nolol ay u arkaan xor oo ah in ay xitaa marka ay doonaan waxa ay doonayaan keliya bartaan.

Ardeyda wax dhiganeysa ee Dugsiyada ku Jiraa buuggagta iyo qeybaha imtixaanka laga reebo ma akhriyaan waxna kuma falaan wax badana wey ka saaqidaan iyaga oo haddana fasalka weli jooga,kuwaasiba waa saaqidin aqoon been ah sheeganaya.Ardey badan ayaa Jecel in ay bartaan wax ka baxsan Casharadan buuggaagta Manhajka dugsiga lagu uruuriyey ku qoran,Ardey badan ayaa Jecel in ay raacaan wixii qalbigoodu xiiseynaayo oo aan dugsiga u joogi karin 20 sanno oo kala wareeg sannado ah,kuwo badan oo kalena waxa ay iskuba arkaan in ay ka gaaraad iyo caqli badan yihiin in ay meel u fadhiyaan aragtiyo maskaxdoodu ka weyn-tahay.

Wax kasta bulshadeenu waxa ay ka doorbidaa in ardeygu soo dhammeysto sannadaha badan ee manhajka dugsiyada,in nolol fursado badani ay jirto wey iska indho-tiraan marka  laga hadlaayo ardeyga wax-baranaaya.qofku wuxuu xiiseynaayo ayaa jira oo uu rabo in uu ka midho dhaliyo,waxan kale oo dhami  waxa ay ku taageraan sidii u gaadhi lahaa waxaa uu xiiseynaayo.

Caddaalad daraa Ardeyda dugsiyada ka baxda ka qabsada meelo badan oo caalamka shaqada ah waxna ay ka garanayaan xirfadahaasi,taasi ayaana ku qasabta ardeyda dugsiyada ka baxa in ay tartan nololeed galaan si ay guul u gaadhaan.

 

 

Dadka nolosha ku guuleystey haddana aan dhameysan dugsiyada ama ka baxey waxbarashada sannadaha manhajka dheer ku socota ayaa faraheena ka badan,Maqaalkan Qeybtiiisa Labaadna waa dhiiri-gelin ku socota ardeyda dugsiyada ka baxa si ay u ogaadaan in weli adduunyada ay meeli uga furan tahay ardeyga waxbarashada ka hadha.

 

La soco……………………… Qeybaha dambe ee Maqaalkani,Guud ahaana ku xidhnow Maqaallada waxbarashada ee Toddobaadlaha ah ciwaankooduna yahay “Jidka Aqoonta”.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso