Wasiirka Warfaafinta Gacantiisa Ku Dumiyey Dabakaayo Ay Hooyo Danyar Ahi Ku Haysatay Xayndaabka Wasaaradda

Mr guri barwaaqo oo ka dumiyey hooyo xaliimo digaale meherad yar oo ay ku lahayd xayn daabka wasarada sababo la xidhiidha cunfi uu ka buugii sooyaal iyo khilafkii wasarada warfaafinta.

Wasiirka wasaarada warfaafinta cabdiraxman cabdilaahi farax guri barwaaqo ayaa si cad oo badheedh ah u dumiyeyy meherada ay leedahay hooyo xaliimo digaale taas oo ahayd goodhi yar oo sandaqada ah oo ay ka dhisatay dayirka ama xayn daabka wasarada warfaafinta waana markii labaad ee uu wasiirka wasaarada warfaafintu hor istaago xaliimo digaale iyadoo ay jirtay in bishii barakaysanyd ee ramadaan uu wasiirku amray in laga joojiyo qandaras afur ay shaqaalaha wasaarada u samayn jirtay isagoo amray in laga dalbo maka al mukarama waa markii labaad ee uu wasiirku tacadi iyo caga julaglayn kula kaco hooyo xaliimo digaage oo ah islaan dan yar ah una soo ololaysay xisbiga kulmiye waxaanu wasiirku ku sababeeyey in ay hooyadaasi ka mid ahayd dadkii uu cambaaraynta xun kala kulmay xiligii ay wasiir guri barwaaqo ku kacsanayd duufaantii wax lagaga sheegayey buugii uu qoray ee sooyaal kaas oo ay aragtiyo kala duwan bulshadu ka bixisay laguna naqdiyey wasiirka in uu qoray wax milgaha iyo anshaxa ka baxsan oo aflagaadaynaya bulsha waynta haweenka reer somaliland, waxa kale oo uu wasiirka wasaarada warfaafinta cabdiraxman guri barwaaqo u cuskaday diidmadiisa sida ay xaqiijiyeen ilo u dhaw dhaw wasiirka in hooyadani la safnayd shaqaalaha wasaarada warfaafinta xiligii uu jirtay murankii iyo xurguftii soo kala dhaxmartay qaar ka tirsan shaqaalihisa oo wasiir guri barwaaqo ku eedaynayey in aanu wasaarada maamulin ee ay jiraan shaqsiyaada wasiirka ka awood sareeya oo wax u yeedhiya taaas oo sababtay in uu mudo 3 bilood ah shaqada ka caydhiyo xubnahaas shaqalaha ah ee uu khilaafku ka dhaxeeyey inkasta oo ay arintaasi oo afjartay hayeda shaqaalaha dawlada iyo ergooyin kale oo dhaxdhaadiyey laba dhinac.
wasiirka wasaarada warfaafinta mudane cabdiraxmaan cabdilaahi guri barwaaqo ayaa sida ay sheegeen dad badan oo la kulmay iyo qaar ka tirsan shaqaalihiisu in wasiirku wali ka  cadhaysan yahay shaqaalihiisa iyo cidii isku dayday inay wasiirka uga caqli celiso gardarada uu ku hayo shaqaalihiisa iyo inuu wax hubsado waxaanad moodaa in uu wasiirku caloosha ku haysto cadho iyo cunfi ka dhashay arimahaas taas oo dhib ku ah ilaa hataan habsami u socodka shaqada wasaarada warfaafinta oo ah muraayada qaranka, dhinaca kalena qaar ka tirsan shaqalaha wasarada warfaafinta ee hadh iyo habeenba u heegan shaqada ay qaranka u hayaan ayaa ka welwelsan maamul xumada la soo daristay wasaarada warfaafinta iyo sida ay ula sii shaqayn karaan wasiir guri barwaaqo oo colaad wayn u haya.
guntii iyo gabo gabadii shaqaalaha wasaarada warfaafinta ayan wax daryeel ah ka halin maamulka wasaradooda iyadoo ay u dheertahay tacadi iyo mamul xumo sababtay in qaar ka tirsan shaqaalaha wasaarada warfafintu ay xaalada caafimad ama xunuun la soo darsay sida maxamed xuseen cali oo ka mid ahaa tiirarka laxaadka leh ee wasaarada warfaafinta kadib markii tacadi lagula kacay ayku keentay wariyaa wayn in dhiikar ku dhufto halka qaar kalena oo xanuunsanayey mudo badan aan war iyo wacaal toona laga hayn, waxana tusaale inoogu filan alle ha u naxariistee marxuum eng sicid casayr oo dhawan lagu aasay magalada hargeisa ayaa mudo 13 sano ah xanuunka faaliga la il darnaa iyadoo ay adag tahay in ilaa imika la soo hadal qaado agoontii uu ka tagay marxuumku madaama uu wasiirka wasaarada warfaafintu cadowgiisa u haysto shaqalihiisa iyo cidkasta oo kala hadasha danahooda taasina waa ta keentay in hooyo xaliimo digaale uu cagta mariyo dhawr jeer oo hore ka xaasido shaqadaa yar ee ay masaariifta ubadka kala soo baxdo, waana mid nasiib daro ah in masuul qaran uu la yimaado falalka noocan oo kale ah.

Cabdi Maxamed Faarax ”Cabdoo”

Cabdi99@gmail.com
poop

Advertisement

Ku Xayeysiiso