“Waar Bakhtiyimaysaanoo [Annaguba] Suuqa Waanu Joognaaye [Idinkuna] Iska Soo Gala Oo Dadkan Sidii Aad Uga Hor Dhaqaaqi Lahaydeen Ka Taliya!”

“Waar Bakhtiyimaysaanoo [Annaguba] Suuqa Waanu Joognaaye [Idinkuna] Iska Soo Gala Oo Dadkan Aad Maant Xoolahoodii U Soo Dhigateen Sidii Aad Uga Hor Dhaqaaqi Lahaydeen Ka Taliya!

“Is-haysadka Golaheennan Iska-joog sii-joog Annagu Is-qabsi Uma Aragno’e Waxaanu U Aragnaa Qaran Dumin… ..Qofku mar buu xil-dhibaan yahay, mar kale ayuu xil-ma-dhaad noqdaa aan xilba qaadi Karin”

 “Waxa La Yaabka Lihi Waxa Weeye Waxbixintii Oo Shirguddoonkii  Oo Maxakamad Noqonaya, Oo Odhanaya  Waa Laga Soo Dacwooday Oo Warbixintu Waxaas Bay Ku Qaldanayd”  “Waxay Inna Leeyihiin Guddida Baadhistu Waxay Dabagashay Xisaab-Xidhkii 2016-Kii, Miyaanayse Ka Haboonayn Inay Guddida Baadhistu Daba-Gasho Waqtigan Ay Ka Cuntay Ummada” Boobe Yuusuf Ducaalle

,

Hargeysa (Togaherer) – “Dastuurka waan aqaanaa isagoo wax “Xaal-marin” la yidhaahdaa kuma jiro laakiintii Xeer-hoosaadka wakiilada ma aqaan inay ku jirto iyo in kale……. Haddii aynu Qaraamkii dib ugu noqono waxaa jiray bayd odhanaya: “Ilaahay baa hayoo Hedaada jara” waar bakhtiyimaysaanoo suuqa waanu joognaaye iska soo gala suuqa oo dadkan aad xoolahoodii, xaagaantoodii, xeerarkoodii, xushmadooodii iyo xurmadoodii maanta u soo dhigateen ka hor dhaqaaqa oo sidii aad uga hor dhaqaaqi lahaydeen ka taliya taas!” sidaas waxaa yidhi Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo shalay si adag uga hadlay muran ka dhex dilaacay golaha wakiillada kaasi oo ka dhashay warbixin uu mid kamid ah guddi hoosaadyada golahaasi soo saaray oo musuqmaasuq huwanayd, warbixintaas oo sababtay in shirguddoonka goluhu raalli gelin ka siiyo qaar kamid ah shirkadihii ay duraysay isla markaana uu guddoomiyaha goluhu xilkii ka qaado  guddoomiyihii guddi hoosaadkaas. Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe oo shalay ka hadlay qaddiyada ka dhex bilaabantay golaha wakiillada ee salka ku haysa warbixintii musuqmaasuqa xambaarsanayd ee guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranku ka soo saareen xisaab xidhkii miisaaniyaddii 2016-17, iyagoo ku suntay meelo badan oo ay guddidu sheegeen in ay ka muuqatay wax is daba marin iyo  lunsi hanta qaran, fartana ku fiiqay qaar kamid ah wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo iyo shirkado gaar loo leeyahay oo ganacsi. Waxaana uu xaallada hadda taagan ku macneeyey mid aan ka turjumayn masiirka ummadda balse ay u arkaan mid qaran dumis ah oo mid kamid ah hay’adihii ugu sarreeyey qaranka ku timi. Ugu horeynse Mujaahid Boobe oo shirkiisa jaraaid ku ballaysimay tuducyo kamid ahaa gabay uu alla ha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) tirshay sanadkii 1964kii, xilligii  dawladihii rayidku ka jireen dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee  waxqabad xumada lagu dhaliili jiray xukuumadahaas. Waxaanu yidhi isaga oo ku soo hal qabsanaya gabayga Abwaan Qaasin “halkii  dad aan ururshiyo darajo  eegaayay, Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacar miyaan leefay, Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay, Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay”. Sidaas ayuu yidhi Mr. Boobe, waxaana uu intaas ku ladhay “waxa lagu jiraa dayowgaas iyo habawgaas, waxaynu arkaynaa golihii wakiillada oo muddo shan iyo toban sanno ku dhaw fadhiya, kuwaas oo isku haysta  guddi baadhineed oo iyagu ay leeyihiin oo golaha  wakiilladu saaray warbixin ay soo saartay. Caqliga fayoobi wuxuu inna siinayaa marka guddi la saaro  ee ay warbixin soo saarto ee uu gole dirto inay guddidaasi warbixinta golaha u keento oo  uu golahaasi ogolaado ama diido. Waxa la yaabka lihi waxa weeye waxbixintii oo waxay doontaba ha ahaatee soo baxday  oo shirguddoonkii golaha wakiilladu soo fadhiisanayo  oo uu odhanayo waxbixintaasi waxaas iyo waxaas bay ku qaldanayd  oo waa laga soo dacwooday, oo dabadeed uu shirguddoonkii maxakamadii noqonayo. Anigu ma garanayo golaha wakiillada xeer hoosaadkooda, laakiin distoorka waan aqaannaa oo kuma jirto xaal marintaasi, laakiin ma aqaanno xeer hoosaadka golaha wakiillada marka uu guddoomiyuhu leeyahay  raalli gelin baan ka bixinayaa in uu xeer u cuskanayo iyo inay waxani iska tahay [wax kale]”. Ayuu yidhi  Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Geesta kale waxaa uu Mr. Boobe ka hadlay sooyaalka golaha wakiillada iyo arrimo lagu xasuusto oo uu soo maray “markaad taariikhda dib ugu noqoto  golaha wakiillada iyo wixii uu soo maray  dee maynaan arag guddi baadhineed ama daba gal oo warbixin inoo soo saarta, waxaanay illaa immika umadu ay la yaaban tahay  guddidan daba galku waxay daba socotaa waa xisaab xidhkii  2016-kii, muxuu kaga duwanaa 2017-kii. Dadku way iska aqbaleen oo waxay sugayeenba inta la badalayo [golaha hadda fadhiya wakiillada] laakiin dee xeer iyo xaagaan iyo wax uu ku fadhiyaa ma jirto. Qofku mar buu xilkas yahay, marar kale ayuu xil-kad noqdaa…dadku mar buu xildhibaan yahay oo uu xildhibaanno yahay, mar kale ayuu xil-ma-dhaad noqdaa aan xilba qaadi Karin. Golaheennan wakiillada ee iska-joog, sii-joog, ee aan diyaar u ahayn ee aan marna umada soo hor fadhiisan ee aan ku odhanin xaal baanu ka bixinay muddadaas dheer ee aanu joognay iyo waqtigii iyo wixii ay ku tagri faleen. Imika waxay inna leeyihiin guddida baadhistu waxay daba gashay xisaab xidhka miisaaniyaddii 2016-kii, miyaanay ka haboonayn inay guddida baadhistu daba gasho  waqtigan ay ka cuntay ummada. Xaallada aad maraysaan iyo haysadka maanta taaganina is qabsi annagu [ummada hadaanu nahay] una aragno ee waxaanu u aragnaa qaran dumin, [waayo] waa hay’adihii ugu sarreeyey ee ay ummadani lahayd mid kamid ah”. Ayuu yidhi  Muj. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

Advertisement

Ku Xayeysiiso