Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay Inuu Aasaasayo Ciidamo Xirfad Leh Oo Ka Madax Bannaan Siyaasadda

 

Addis Ababa(Togaherer)- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay inuu dhisayo ciidammo xirfad leh oo aan dhex gelin siyaasadda dalkaasi.
Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed waxa uu ku dooday inuu ka shaqeyn doono dhismaha ciidan ka madax-bannaan siyaasadda, waxaanu sidaas ka sheegay mar uu shalay ka qaybgalay qalinjabinta 130 sarkaal oo millatari ah oo dhammaystay shahaadada diploma iyo shahaadada labaad ee jaamacadda ee (master degree), kuwaasi oo toban sarkaal oo ka mid ahi ay ka socdeen dalalka jaarka la ah Itoobiya oo ay ka mid yihiin Somaliland Brundi,Sudan iyo Puntland.
Waxa kaloo Abiy Ahmed uu ammaanay sida sharciga iyo kala dambaynta ay u soo celiyeen ciidammada gaashaan-dhigu deegaanno ka tirsan bariga Itoobiya oo rebashado ka dhaceen.waxaanu ku baaqay in laga waantoobo wixii wax u dhimaya ammaanka Itoobiya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso