U Fariin Caafimaad Fayadhorka biyaha

 

Warshadaha biyaha waxsoosaarkoodu waxa uu qayb laxaad leh ka qaata  fayadhowrka  nadaafada biyaha  markaa waa in la dhiiri galiyaa waxsoosaarkooda sida tayada biyaha iyo la socodka taariikhda isticmaal waxa dalka baryahan kusoo kordhaya warshado soo saara ganacsi biyo warshadeed oo aan lahayn  taariikhdooda isticmaal  taas oo sababtay in aad suuqyada caasimada hargeisa aad ku arkayso laamaha fayadhowrka oo ururinaaya biyaha aan taariikhda lahay

 Waa in had iyo ggoor aynu helaa cabista biyo nadiif ah oo la hubo tayadooda isticmaal  si looga badbaado xanuuno soo wajahi kara caafimaad qabkeena maadama uu jidhkeenu u baahan yahay biyo nadiif ah

Biyaha waa in xoog loo cabaa gaar ahaan waqtiga subaxdii  1 litir oo biyo  nadiifa  waxa in badan ay saamayn waxtar u leeyahiin caafimaadka qaybaha jidhka

Biyahu waa furaha noolasha  bina aadamiga  biyaha marna kama maarmi karo  waxa nabigeeni inoo sheegay in shay kastoo nool ka samaysan yahay biyo

 Xidhiidhka wayn ee aadamahu la leeyahay biyaha  ayaan manta qormadeena kaga hadlaynaa

Waxa  aadamuhu dhamaan isku raaceen in  caafimaadka biyaha qodobka ugu horeeya uu yahay in biyaha la cabaya ay nadiif noqdaan 97% sababta oo ah sida lagu helo ayaa adag

 Biyo intaas ka tayo fiican  qodobka labaad ee soo raaca waa in ay dheeli tiraadan macdanaha biyaha ku jira ee ay ka kooban yahiin  oo runtii aad u qaaliya una fiican caafimaadka iyo difaaca qaybaha jidhka aadamaha

Ogow waxa ugu qaalisan biyaha roobka iyo heerka nadaafada ee ay soo maraan sida diintenu sheegtay

 Intaanay biyaahasi dhulka taaban  sii toos ah marka uga yimaadan cirka  waxay waxtar badan oo ay   ka daawo yihiin caafimad qabka aadamiga

Waxa  loo baahan yahay in aynu had iyo goor ka shaqayno  nadaafada biyaheena iyo weelasha wadooyinka ay soo maraan oo  aynu ka shaqayno waxa wax tar badan ka yahiin fayaqabka bulshadeena

 Sida kormeer iyo u kurgal ay ku sameeyen dad isku hawla arimaha biyaha waxay ka diyaariyeen  halka manta ay marayso nadaafada biyaha  biyaha laga cabo dhijaamaha baliyada  qulqulka fog  ceelasha ee ay ka yimaadan biyaha roobku marka aad u sii fiirsato aad fahmi karto  fiditaanka magaaloyinka  iyo qashinka ku baahay miyi iyo magaalo  uu calaamad u yahay  sida dhibta yare e daadku u qaadi karo ee uu qaadhsin karo meel fog

Dadka reermiyaga marka aad ka waraysato arimaha biyaha waxay ku sheegayaan  marka ay dhoobo qaadayan  baliyadooda  ay ku arkaan qashin iyo wasakh soo raaca oo aanay garanayn madaama ay ku nool yahiin miyi fog  halka qashinkan magaaladu uga yimid 

Biyaha hadaan si gaara loo ilaalin waxyaabaha fadarayn kara ee sida weelka kaydinta iyo jirikamada aynu ku shumano biyaha  oo aan si fiican loo ilaalin nadaafadeena waa waxyaaba uu shubanku u layey ubadkeena maalin kasta

Sidoo kale waa in taangiyada biyaha aynu ku kaydsano iyo weelka biyaha aynu darsano si fiican loo ilaaliya had iyo goor nadaafadooda  sida furarka jirikaamada oo si fiican loo maydho

Biyaha waa in si fiican loo kariyaa ama lagu rido daawada biyaha safeeye oo si fiican u dili kara jeermiska biyaha soo raaca

 

Fariin caafimaad

 

 

 

 

 

 

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux02010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso