GOOLAHA DEEGAANKA HARGEISA OO HAGRADAY HORU MARINTII CAASIMADA. W/Q: GEELE CUMAR COOFLE

GOOLAHA DEEGAANKA HARGEISA OO HAGRADAY HORU MARINTII CAASIMADA. W/Q: GEELE CUMAR COOFLE

 

Waxaan aan qalinka u qaatay iskuna dayi doonaa in aan wax yar ka taabto ama Bulshada uga iftiimiyo dar xumada iyo dayaca fara badan ee ku habsaday magaalo madaxdii dalkeena ee Hargeysa.

Magaalo madaxda dal kasta oo aduunka ka mida waa muraayadiisa laga daawado ama tilmaanta dalkaas bilicdiisa, qurux diisa ama fool xumadiisa mid walba waxa laga dheehdaa Caasimadiisa.

Haddaba Hargeysa oo caasimadii dalka ah waxa ku habsaday ayaan daro iyo nasiib xumaan ay weyday cidii la tartan siin lahayd asaageed ama caasimadaha Gayiga iyo qaarada ay ku taal ba.

Jidadka waa weyn ee Hargeysa markaad dhex socoto ee aad aragto dayaca iyo Wadooyin ku nooca ay yihiin is odhan maysid tani waa caasimad Wadooyin ka qaar dayac tir waxa ugu danbaysay dawladii Siyaad Barre

Halka Wadooyin ka qaar na aad ka arga gaxayso markaad marto oo aad is odhanayso halkani malaa Weligeed malaa wado ba may ahaan jirin oo aad arkayso in raadkii iyo aasaartii laamiduba ay sal guureen

Xiliyada roobka markaad Hargeysa dhex marto is odhan maysid tanaa dal u caasimad ah ama ummad u magaalo ah

Tan iyo markii ay somaliland madax banaanideeda dib ula soo noqotay 18 May 1991 oo ah 28 sano

Mudadaas 28 ka sano ah mar qudha magaalo madaxda dalku nasiib umay yeelan gole degaan ama Maayar heerkeedii Caasimad nimo gaadhsiiya ama la mahadiyo oo shacbiga reer Hargeysi ay sii majiirtaan in badan ama ay bulshadu hadal hayso

Mar walba Maayar ama gole deegaan in badan Ummadu inkaarto oo danta guud cuna oo shilling urursi iyo musuq maasaq ku bilaaba ayaa ku soo beegmayay.

in tii aynu qaadanay nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan ee dimuquraadiga ah ee sanadkii 2002 dii.

Hargeysa waxa u kala danbeeyay laba gole deegaan oo ku yimi doorasho xora oo dimuquraadiya shacab kuna soo doorteen laakiin lagu hungoobay oo aan la mahadin labadaba.

2002 – 2012

waxa la soo doortay goolihii deegaanka ee u horeeyay ee doorasho dadweyne ku yimaada Waxa Mayor u ahaa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir

Waxay golaha fadhiyeen mudo 10 toban sano ah intaba Eng Jiciir ayaa maayar u ahaa.

Mudadaas waxay shacabkii soo doortay ee maalinta dhan bacadka u taagnaa ugu abaal gudeen

-hanti boob

-musuq maasuq

-cashuurta oo la cuno

-Wado la’aan

-Biyo la’aan

-Garoon la’aan

-iskuulo la’aan

-Dhulka danta guud ah oo la cuno

-Qashinkii iyo xashiishkii oo markay magaalada buuxiyeen cidina ka qaadi weyday ay shirkado qandaraas ku siiyaan.

Mudadaas 10 ka sano ah Maayar Jiciir iyo golihii saasi hal wax oo shacabkii soo doortay ku xasuustaan uga may tagin aan ka ahayn in ay fooqyo waa weyn ka jeexdaan.

28 November 2012 Ayaan daradii 2aad

Waxa la soo doortay goolihii deegaanka ee labaad oo ah ka ilaa imika fadhiya.

Ayaan darada 2aad ee Hargeysa heshay waa golaha deegaanka imika fadhiya Maayar kana u yahay C/raxmaan Soltelco oo ah kii abid ugu xumaa uguna wax qabadka liitay ee Hargeysa soo mara

Goolaha Deegaanka Hargeysa ee hadda joogaa waa golihii ugu fadhiid sanaa abid uguna musuq maasuqa badnaa ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa soo mara.

Waxa uu wax qabad xumaanta ku darsaday in uu xaafado iyo Degmooyin u kala qaybiyo Hargeysa

Degmooyinka qaar cashuurta laga qaado Wadooyin dhiso, dhul Iskuulo looga dhiso iyo dan guud na  loogu sameeyo.

Halka degmooyinka kale na aan waxba kaga soo noqon cashuurta laga qaado oo aanay lahayn wax

-Wadooyin

-dhul dan guuda oo looga dhiso  iskuulo, Xabaalo, MCH, Malcaamado, masaajido iwm

Xildhibaanadii goolahan deegaanka Hargeysa ee dadku soo doorteen waxay noqdeen badan koodu in Maayar Soltelco daba dhilif u ah oo ugu guul wadaysa si uu wax uga siiyo Hantida ummada ee la boobayo

Wax yar oo fara guud kood ahna uu u tuuro uguna sacab tumaan.

Inta soo hadhay goolihii deegaanka Hargeysa oo ah intii ka soo hor jeeday boobka iyo musuqa maayar Soltelco waa in yar oo 25% noqonaysa oo ay ka xoog bateen inta Xaaraan ku naaxa iyo musuq doonka ah ee hogaamiyo Soltelco oo noqonaysa aqlabiyada goolaha deegaanka Hargeysa .

Isku soo wada duuboo Caasimadii dalkeenu weli wey aradan tahay oo daryeel la’day  waxayna sugaysaa BILE RAFLE dabadii kii u hagar bixi lahaa….

By:- Geelle Cumar Coofle

Advertisement

Ku Xayeysiiso