Tixdani waxay ina xasuusinaysaa In aduunyadu geedi tahay, inaguna aynu socdaal gaaban ku nahay. Tixda magaceedu waa:ADUUNYO Curiye:Omar Ali Abdi

Tixdani waxay ina xasuusinaysaa
In aduunyadu geedi tahay, inaguna
aynu socdaal gaaban ku nahay.

Tixda magaceedu waa:ADUUNYO
Curiye:Omar Ali Abdi
Taariikh 31.07.2018

Aduunyadu geedi weeye
Giraamo wareega weeye
Goor iyo godolo is bedelaya
Balaayiin sano gudbaayey
Gunteeda allaa yaqaana
Rabuun baa garan xogteeda

Mar waa subax soo geleysa
Mar waa gabal sii dhacaaya
Mar waa gudcur iyo habeeno
Mar waa qorax guudka joogta
Gadiid iyo maalin weeye
Ku guura xisaab mudaysan
Marnaba aan gaabinaynin
Intaa gooshaaya weeye

Dadkuna guul ooman weeye
Darkuun soo yara gelaaya
Gadaalna u laabanaaya
Sidaa wakhtiguun gudbaaya

Garoo sano waa tusmeeye
Bilaa tiradooda guud ah
Gugii tegey dib u xasuusin
Inuu cimrigaagu guuri
Ayaa guntimuhu tilmaami

Halkani gurigeena maaha
Goobtii rasmi loo degaayey
Gabaadkii hoyga maaha
Halkii gogosheenu taalay
Garoo ruux kuma negaado

Intaan aakhiro la gaadhin
Godkii lagu sii dhaxaayey
Qofkaan gogosha u diyaarsan
Su’aasha jawaab u goobin
Midkaan allaheen gargaarin
Garoo wuu guul daraystay

Socdaalkuna waa mid gaaban
Markuu soo gaba-gaboobo
wixii aad waajib gudatay
Guulaha amarkiisa fulisay
Ayuun-baa kuu gasiina

Ilaahaw xaqa na waafaji..amen

Advertisement

Ku Xayeysiiso