Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay?

“Ninku yidhi sinaan mayno

adna buri sarayntiisa

sedka waad wadaagtaane

 ma sagaashan baa tiisu.”

(Abwaan.Mohamed Ibrahim warsame “Sirta noloasha ).

Waa su’aal adag oo u baahan jawaab nool, oo qancisa guud ahaan dalka oo dhan, waana masuuliyad saaran hadba cidda haysa hogaanka dalka iyo hayadaha dastuuriga ah ee dalka.

Ugu horayn waxa waxa loo baahan yahay in uu hogaamiyaha dalku dareensanaado in ay jirto wada lahaansho iyo sinaan cadaalad ku dhisan oo loo siman yahay dalka hayadihiisa oo dhan min madaxweyne ilaa waashmaan waa in loo sinaadaa shaqada dawlada iyo wadalahaanshaha dalka guud ahaantiisba.

 

Waxa aynu ka soo dagaalanay waxa ugu waynaa waa cadaalad daro laynoo geystey intii uu jirey maamulkii Afweyne ee xukumaddii Siyaad Bare ee iyo kuwii ka horeeyeyba ay kula kaceen shacabkii keenay xoriyadda ee waqooyi dal jacayl iyo midnimo darteed u sidqeeyey qaranimadii aynu ka qaadanay Gumaystihii Ingiriiska.

Haddaba Soddon sano ka bacdi waa arin aan inoo cuntamin in aynu ka haddalo saami qaybsi iyo sinaan loo simanyahay sharciga iyo dawladnimadda.

Burburkii somalilia waxa aynu la soo noqonay xoriyaddii aynu lixdankii hibayney ee aynu midnimadda dhaafsanay, dhiig badan ka dib waxa aynu helay dal iyo dad madaxbanaan oo dawladnimo doon ah inkasta oo aynaan ictiraaf helin, haddana waxa aynu helay waa qaran taabo gal ah oo qaan gaadh ah, oo aan maanta cidna marti uga hayn dawladnimadiisa. Balse waxa ayaan daro ah in Afartii hogaamiye ee qaranka maamulkiisa soo qabtay aanay ku bixin dedaalkii iyo kartidii loo baahnaa in la geliyo Midnimada dalka iyo Raadinta Ictiraafka aynu soddonka sano raadinayney oo ninba meel uu diirada saaraayey balse aanu nina ku guulaysan. 

Balse waa halxidhaale looga tegey Madaxweynaha maanta haya hogaamintii  dalka oo looga fadhiyo ku dhicii  iyo geesinimadii iyo go’aan qaadashadii loogu codeeyey looguna ololeeyey, su’aashu se waa ma muuqataa hogaamin arintaasi iyo hawlaha gudaha ee cakirn ka fal celinkartaa oo dalkan u jeexi karta diriiq lagu guulaysan karo.

Haddii uu madaxweynuhu la yimaado karti iyo dedaal aqooni ku dhisantahay, oo uu hanto quluubta shacbigiisa min daraf ilaa daraf, geesino iyo hawlkarnimona ku darsado, cadaalad iyo sinaan sharci oo muuqatana oo la iska wada dhex arkona uu sameeyo horaa loo soconayaa waa dhab. Laakiin haddii kale horusocod daaye dibaa loo noqonayaa alle kama dhigee, guusha siyaasadu waxa ay ku jirtaa furfuran iyo bisayl siyaasadeed oo ku dhac wata.

Cadaaladu waa laf dhabarta jiritaanka iyo sinaanta umadda, soomalidu waxa ay ku maahmaahdaa ” Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaac”, waayo haddii la waayo cadaalad iyo sinaan iyo midnimo, waxa imanaysa in aan loo sinaan Sharciga, shaqada, xilalka dawlada, xukunada maxkamadaha iyo hayadaha garsoorka iyo sinaanta ganacsiga dalka oo noqda in kooto cid gaara loogu xidho,ama lagu wada qaato waxkasta oo adeega bulshada ah sida iminkaba aynu horaanteeda aragno.

 Arintaasi waxa ay dhaawacaysaa jiritaanka dalka iyo dawladnimada jirta taabo galkeeda iyo soo koritaankeeda iyo hiigsa fog ee qaranka lagu soo wadey 27 kiisano ee hore, Haddaba waxa looga fadhiyaa maddaxweynaha maanta hogaaminaaya qaranka dhiiranaan siyaasadeed iyo go’aano cadaaladeed oo qanciya bulshada Somaliland oo dhan min lawyacado ilaa qaw. Wayo horaa loo yidhi “ Raqba waa ku rageed”, markaa maanta ninka la doortay ee la wada eegayaa waa adiga Madaxweyne ee si cadaalad iyo hufnaan ah ugu garsoor Qaranka oo dhinacna ha u eexan.

La soco qaybta danbe…

By: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)

Email: bullaale999@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso