Wado Hadaladii Somalia Iyo Somaliland Waxay Noqdeen Mudac Mudac Ku Taag Iyo Ijiid Aan Ku jiidee -Siyaasi Cai Guray .

(Toggaherernews)-Wado Hadaladii Somalia Iyo Somaliland Waxay Noqdeen Mudac Mudac Ku Taag Iyo Ijiid Aan Ku jiidee -Siyaasi Cai Guray .

Siyaasi cali guray ayaa naqdiyey wado hadaada somalia iyo somaliland u dhaxeeya,shirkii uu faysal cali wareebe dalka dibadiisa uu kua qaatay madaxda somalia ,siyaasiga cali oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Horta faysal ayaa arkay madaxweyne somalia kolay intaan ogahay waa markii saddexaadba ee uu madaxweyne saddexaad uu arko markaasi wax iga yaabiya uma arko waxaan xasuusanahay mar ayaa la waydiiyey waxaad salaantay sheekh shariif wuxuu ku jawaabay ma Eboole ayuu qabay kolkaa isaga wuu arkay xasan sheekh oo wasiirkiisii khaarajigu ee fosiya  la socoto london ayuu kula kumuu waliba hudheel ayuu khasbaday isagana wuu arkay haddii uu madaxweynaha farmaajo arkayna anigu uma arko madaxdaasi hore ee uu la kumay wax ka duwan

uma arko wax dhibaato ahna uma arko. Wada hadaladu ijiid aan ku jiido iyo mudac mudac ku taag ayey  noqdeen wado hadaladii u dhaxeeyey somalia iyo Somaliland waxaanay wax ka qaldan yihiin mowqifka somalia dowladahooda ee kala dambeeyey midnimada soomaalidu waa muqadas eraygaasi ayaa u siyaasad ah muqdisho midnimadaasi waxaa looga yaqaanaa oo ay tahay midnimadii lixdankii ee somaliland bilaashuruuda ay kula gashay somalia ,kow iyo soddon sannadood wixii dhacayna way ka boodaan markaasi mowqifka somalia inta uu sidaasi yahay marka halkan shaaraca hargaysa laga dhagayso ee ay yidhaahdaan midnimada somalidu waa muqadas waa lixdankii sidii aanu idiin cunay aan idiin cuno halkan shaarica hargaysa jawaabtu waxay noqotaa hooyadiin u sheega oo jawaab kale uma hayaan reer hargeysi markaasi wax kale may ahayn waar aqli keenoo aan dowlad qudha noqono iyo labo dowladood aynu noqono ayeynu isku haynaaaye colaad kale ma jirtee mowqif ka duwan midnimadii lixdankii ma haysaan mise ma haysaan weeyi.

Dhowr sasabood horta madaxweyne waba waqtibaan siiyaa oo ma dhaliilo oo axmed sianyo labo sannadood la maan hadal maalintaan kala gonay xukuumada axmed silanyana taariikh cadbay eedahay oo inbadanna waan sheegay waxaanay ahayd maalintii cabdiraxmaan cabdiqaadir oo uu sida uu u jeclaa aan ogaa dhabarka laga jabiyey hute mansoor maalintaasi ayaanhorta kala gonay maalintaasina labo sanno iyo dheeraadbay ahayd tan kale waxaa weeyaan shalay markaan a hadlaayey dee waxaan ahaa xisbi mucaarid ah oo Gudoomiye ku xigeen baan ahaa Ucid baan ahaa mucaarid dowlada ka soo hor jeedaybaan ahaa maanta ma ihi xisbi kale waxaan taageersanahay kulmiye iyo xukuumada markaasi taasina sidii aan shalay u hadli jiray umma hadli karo xukuumada inkastoo wixii caddaalad daro ah iyo sharci daro ah midna aanan ku taageeraynin .

Doqobka saddexaad ee aan ogaaday waxa weeyaan dalkan inta ugu mucaaradsanaan jirtay waxay ahayd intayadii Snm-ta ahayd raggii iga hadalka adkaa ee Ibraahimdhago weyne lahaa maxamed xaashi cilmi lahaa ee aanu wado mucaaridka ahaan jirnay shalay maanta wadaadka way ka meermeeraanoo labadaasi askari way ka meermeeraan).

Diyaarinta-Caydaruus Cismaan Mr(Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso