Muwaadinka Wuxuu u dhexeeyaa Xaqa Uu Leeyahay Iyo Wajibaadka Lagu Leeyahay

 

Sheekadan Ayaa Ka Jawaabaysa

Berri Waxa Iswaraystay Sheeko Laba Nin oo Mid Reer Djibouti Yahay Midna Jarmal Yahay

 

Ninkii Jarmalka Ahaa Ayaa Weydiiyay Jabuutaawigii Waa Maxay Riyooyinkaaga Mustaqbalku ?

 

Jabuutaawigii Wuxu ku jawaabay Waxaa Rajaynayaa Shaqo Fiican Guri Hantiya Gaadhi Iyo Xaas Aan Guursado …

 

Ninkii Jarmalka Ahaa Ayaa Ugu Jawaabay Kumaan Weydiin XUQUUQDAADA “waxaad soo taxday oo dhan Dawladu inay kuu diyaariso xaq ayaad ugu leedahay”
Dawladahan Dunida 3aad In Ka Fog Intaa Uma Haystaan Inay Jirto Waayo Nolosha Intaasaa Loo Fahamsiiyay !!!

 

Nin Siyaasi ah oo Reer Somaliland ah Ayaa Ku Dooday In Aan Dawladda Xil Ka Saarnayn Baahiyaha Asaasiga ah ay ku leeyihiin Shacabku, Sidaan Arkaayay Kamay Ahayn ula kac 

JAHLI Ayay Ka Ahayd “Dalkayga Qabyaaladda Oo Keliya Ayaa Denbi ah Jahligu Ceeb looma arko”

 

Dalalka Diktaatoorku Weli Hor Joogo Waxa Lagala Dagaalamaa Aqoonta Dhabta ah

Sidaa Awgeed Muwaadinku Si Aanu u Kala Garan Wixii Isaga Xaq Loogu Leeyahay iyo Wixii Isaga Waajib Saaran “iftiin yar ayaa loo ogolyahay”

 

Bilaahi Tawfiiq

 

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso