BAAQ NABADEED iyo TALOOYIN KU WAJAHAN NABADAYNTA CEEL-AFWEYN “Talo mar kuu toostaa, tagoogga ilmaha ku jiray tabantaabisaa” WQ: Jaamac Gaabuush

BAAQ NABADEED
iyo
TALOOYIN KU WAJAHAN NABADAYNTA CEEL-AFWEYN
“Talo mar kuu toostaa, tagoogga ilmaha ku jiray tabantaabisaa”
WQ: Jaamac Gaabuush
Assalamu Calaykum WW.
Aniga oo aad uga xun in aanay ii suurtogelin in aan ka qaybqaato nabadaynta labadaa beelood ee dad isugu xiga lagu dhexgalayo, ayaa igu dhalisay in aan waxa ugu yar ee aan ku kordhin karo oo talooyinkan ah usoo gudbiyo qaybaha kala duwan ee hawshan nabadaynta wax ka galaya oo kala ah, waxgaradka xaajada galaya, waxgaradka labada beelood, waxgaradka beelaha labada beelood la dhashay ee xidhayaasha u ah, waxgaradka Somaliland guud ahaan iyo xukuumadda intaba.
Maxaa igu dhaliyey talooyinkan?
Waxa ugu weyn ee igu dhaliyey waa iyada oo ay jirto, sida cilmi-baadhis tiro badani muujisay, in aan inta badan si QOTO-DHEER loo xallinin khilaafyada noocan ah taasina dhaliso in ay soo NOQ-NOQDAAN, sababtuna tahay dhibaatada oo aan xididada loo siibin, dusha laga dhayo, lana xaliyo waxyaalaha muuqda ee markaas dhiiladu ka taagan tahay sida dilka, dhaawaca, dhaca/furka, bara-kaca iwm. lana ilduufo oo laga tago waxyaalihii marka horeba dhibka keenay. Dul-ka-dhaygaasina waa midka dhaliyey in khilaafkan iyo kuwo kaleba soo noq-noqdaan kolba marka kasii dambaysana xalkoodu sii durko. Dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyey waxa aan ku hawlanayaa kana shaqaynayey darsidda iyo wax-ka-qabashada khilaafyada. Waxa kale oo aan si fiican u garanayaa deegaanka dhibku ka jiro oo si gaar ah ayay ii damqaysaa.
Kaar-jebin (pain-killer) mise dawo dhab ah (antibiotic)?
Soo-noqnoqoshada khilaafkani waxa uu calaamad u yahay habacsanaanta iyo god-daloolooyinka qaababka aynu wax u xalinno oo aan ahayn kuwo si dhab ah wax uga qabanaya dhibaatooyinka waqtigan jira, kuwaas oo u baahan qaabab ka duwan kuwii aan hore ugu tacaali jirnay. Waxa ay ka dhigan yihiin kiniinka kaarjebinta ama xanuun-baabiiyaha oo kale, halka looga baahan yahay xanuun-dile ama anti-biyootik. Kaarjebin waxa lamid ah qaabka loo xaliyo khilaafyada oo dusha laga dhayo, iyada oo lagu soo koobo ugu badnaan afar qodob oo kala ah; 1) xabad-joojin iyo ciidamada oo la kala durkiyo, 2) guddiyo labada daraf ah oo la dhaariyo, 3) wixii dhacay oo la qiimeeyo (qudh, qoon, fur) iyo 4) mag-dhaw la kala qaato. Waxa laga tagaa iyada oo aan ishii dhibku kasoo burqanayey ama xididadii mushkiladda waraabinayey aan waxba laga qaban. Dhammaan afartaa qodob ee xallinta lagu sheegaa waxa ay kamid yihiin midhihii, max-suulkii ama wixii ka dhashay dhibka dhacay ee MA AHA wixii dhibka marka horeba keenay! Mushkiladdii marka horeba colaadda dhalisay haddii ay sideedii tahay oo aan waxba laga qaban, miyaanay ka dhinnayn nabar balastar la saasay isaga oo gudaha ka buka. Somalidii hore “NABAR GUUDKII LAMA DHAYO” ayay odhan jireen.
Kaar-jebinta waxa kamid ah odayaal la dhaariyo, boon ama ganaax la dejiyo, xoog iyo awood lagu hanjabo, wacdi iyo waano lagu celceliyo. Mar haddii aan la isweydiinaynin wixii dhibka keenay oo aan sida basasha marba laqab la diiraynin, oo aan waayahay iyo duruufaha nololeed, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo nidaam la eegaynin, waa iska lug-gooyo Illaahayna ma idinka dhigo kuwo tacabkoodu bilaash noqdo.
Maxaa soo celceliya colaadaha noocan ah?
Dhammaan qodobadaasi waxa ay lamid yihiin kaarjebin sababta oo ah khilaafka ayay qaboojinayaan haseyeeshee wixii dhibka sababay sidoodii ayay u jirayaan sababta oo ah lama dawaynin wixii dhibka dhaliyey ee waa la qaboojiyey. Waxa la sheegaa in khilaaf kastaa sida geedka leeyahay caleemo, laamo, jirid iyo xidido. Mag-dhaw la kala qaatay, xabad-joojin, odayaal la dhaariyey iyo ciidamo la kala durkiyey waxa ay lamid yihiin laamaha iyo caleemaha geedka, waxyaalaha dhibka keenay oo ay kamid yihiin xumaanta la isu qabo, waxyaalaha la kala aaminsan yahay, cabsida la kala qabo, shakiga, nacaybka la isu qaaday, dhaqanka aargoosiga, habacsanaanta sharciga, awoodda dowladnimo ee daciifka ah, cadaaladda, kala-qaybsanaanta siyaasadda iwm. Waxa ay kamid yihiin xididada iyo jiridaha khilaafyada.
Sheekadii Aqoonyahan/Abwaan Xaaji Muuse Galaal ee “Faaliyihii La Bilkeydey” ayaa si fiican u iftiiminaysa dhibka iyo duruufaha dhala!
Mawqif, dan iyo baahi?
In kasta oo aynu ku faanno in aan leenahay qaab soo-jireen ah oo khilaafaadka lagu xalliyo, qayrkeenna kugu faanno, haddana waxa iyaduna xaqiiq kale in mushkiladaha iyo khilaafaadku innagu badan yihiin, kuwii hore oo xal loo la’yahayna kuwo kale kusoo biirayaan kolba mark aka dambaysa, welibana ay heerka aan caalamka kaga jirnaa markhaati ka tahay in dhibaatooyin wax laga qaban waayey oo isbiirsaday uun halka aan joogno inna gaadhsiiyeen welina iska soo daba-dhacayaan. Haddaba, mushkilad kale oo la ogaadayna waxa ay tahay in marka arrin la galayo xoogga la saaro waxyaalaha muuqda ee markaas ka-hadalka u baahan, sida dilalkii dhacay, dhaawacyadii, barakicii, hantida la kala haysto iwm. Arrimahaasi waa kuwo si fudud loo ogaan karo sababta oo ah darafyada is-haya yaa badka soo dhiga. Waxa aan se la eegin lagana fikirin, danaha is diidan iyo baahiyaha dhabta ah ee darafyadu kala qabaan.
Qisadii Kacbada ee Saadiq al-Amiin
Waxa tusaale inoogu filan qisada aynu wada naqaan ee Xabiibkeennii (SCW) ku xaliyey khilaafkii Quraysh ee ku saabsanaa dhismihii Kacbada ee ay isku khilaafeen cidda Xajar-aswadka dhigaysa meeshiisa. Iyaga oo jiq isku ah ayay arkeen Rasuulkeenna (SCW) isaga oo aan weli waxyi kusoo degin, markaasay gartii u dhiibteen. Waxa cajiib ahaa, Maxamed Ammiin ma uu ku mashquulin wixii ay isku hayeen ama dooddihii ay kala haysteen ee mid walbaaba ku doodayey in reerkoodu xaq u lahaa in uu Xajar-aswadka meeshiisa saaro, iyagoo qaar lahaa ”annaga ayaa hore u dhigi jirnay”, qaar lahaayeen ”waa markayagii”, qaarba wax ku daadayeen. Xabiibku mawaaqiftoodii iyo tasriixaadkoodii kumuu dhegin oo muu u kala abtirin, taariikhdoodana muu warsan waqtiga kuma lumin ee MUSHKILADDA XIDIDKEEDII iyo DANTII ka dambaysay ayuu abbaaray. Waxa uu ogaaday in DANTA meesha taallaa tahay CIDDII SHARAFTA QAADAN LAHAYN. Waxa uu ogaaday in MAGAC, MAAMUUS, SHARAF iyo DARAJO la isku hayo, markaas ayuu isna abbaaray. Waxa uu ogaaday in aanay xumaan kale ka dhaxaynin, dhib kalena jirin, ee midba isagu isla rabo sharaf iyo magac. RASUULKU waxa uu qaybiyey oo uu WADAAGSIIYEY magacii, sharaftii, haybaddii iyo taariikhdii ay rabeen, waxaana uu mushkiladdii ku dhammeeyey waxa afka qalaad loo yaqaan ”win-win”.
Fikradda iyo Ficilka
Dhinac kale marka laga eego, ee si gaar ah loo eego khilaaf kasta oo u dhexeeya laba beelood oo Soomaali ah, waxa dhibkooda u aabo ah, WAXYAALAHA AY KALA AAMINSAN YIHIIN (oo afafka qalaad lagu yidhaaho perceptions, attitudes). Waxa la yidhaahdaa, ficil kastaa ama dhaqan kastaa (suluug ama behaviour) waxa uu kasoo maaxaa fikrad ama wax uu qof aaminsan yahay (attitude). In kasta oo qofka lagu waaniyaa ama lagu wacdiyaa in uu fal ama ficil mucayina joojiyaa waxba kama tarto ilaa uu fikirka qofku aaminsan yahay isbeddel ku yimaaddo. “Nimay meel u caddahay, meeli ka madow” ayay Soomaalidu hore u tidhi.
Haddaba, mushkiladda Ceel Afweyn taalla ee soo celcelinaysa, ee dhaar iyo dhimasho, iyo qax midna wax ka tariwayday waa iyada oo nabar hoosta ka buka dusha laga dhayayo oo nabad gunaadka ka buka la duub-duubayo. Hadalku waxa uu ku dhan yahay, ilaa ay waxgaradka labadaa beelood waxa ay quluubka ku kala haystaan wax iska bedelaan, ganaax, dhaar, hanjabaad iyo baryotoona waxba kama tarayaan. Haddaba su’aashu waxa weeye, sidee waxyaalaha ficilka cunfiga ah ee nacaybka abuuraya meesha looga saaraa? Waa su’aasha aad u baahan in waqti la geliyo lana helo xididada waraabinaya mushkiladda Ceel Afweyn.
Intaasi hordhac ahaan ayaan u dhaafay, waxa aan u gudbayaa talooyinka.
KU: WAXGARADKA XAAJADA GALAYA
1. Culimo, cilmi iyo caqli midna ma idinku yara. Waayo-aragnimo ma idinku yara, wadcigana waad ka dharagsan tihiin. Weliba, shuyuukhda qaar idinka mid ahi, sida Sh. Ismaaciil Dheeg, muddo kahor ayay nabadayn ka galeen deegaankan. Haddaba, marka laga yimaaddo daacadnimadiina iyo aqoonta aad diinta u leedihiin:
2. Waxa la idiinka baahan yahay in aad mushkiladda diirka dhishaan oo sida basasha laqabyadeeda kala koreeya xaajada dhishaan oo hoos ugu dhaadhacdaan waxa dhabta ah ee mushkiladdu ama mushkiladuhu salka ku hayaan ee kasoo burqanayaan.
Geedba geedka uu ka weyn yahay ee uu ka baaxad weyn yahay, ayuu ka xidida dheer yahay. Geedka iyo jiridda weyn, xidida waraabiya ee dhulka ku qotomiya ayaa jira. Colaaddan culayskeeda la isku raacay, tiirarka ay cuskanaysaa ma yara ee yaanay idiin dhuubnaanin.
3. Waxa aad iska ilaalisaan go’aammada aan duruufta iyo waayaha tixgelinayn ee fiqiga qallalan ku fadhiya idinka oo wax ka baranaya qodobadii dhibka uga sii daray Kalshaale, ee culimadii markii hore arrinka gashay, iyaga oo aan maslaxadda, curfiga iyo waaqaca tixgelinin ay xukumeen in berkadihii qodnaa kuwo kale laga dhinac qodo, kedibna lagu rogmaday! Go’aammadiina iyo talooyinkiinnu ha noqdaan kuwo ku qotoma xaqiiqda dhabta ah xal fogna keenaya. Waxa aad talo badan ka helaysaan culimada deegaanka ku sugan ee wadciga og.
4. Waxa ugu mudan ee idinla gudbooni ma aha in aad go’aamo dusha ka saartaan oo ka tagtaan, ee waa in aad iyaga gogol u dhigtaan oo is-dhagaysiisaan iyaga. In aaf fursad u siisaan in daraf kastaa, weliba sida ugu qadhaah waxa uurkiisa ku jira usoo bandhigo, cabsida, tabashooyinka, rajada, qorshaha, horumarka iwm. ay rabaan in ay soo bandhigaan.
5. Ha aqbalina kana DIGTOONAADA in odayaal, culimo, waxgarad iyo dad markooda horeba akhyaar ahaa oo labada dhinac ka socda, oo iyagu marka horena nabadda waday haddana jecel, IN AY NOQDAAN KUWA AAD HESHIISIINAYSAAN! Ka digtoonaada middaas! Kuwaasi, marka horeba dhib may wadin. Waa kuwii idinka ka hor dhibka la tacaalayey. Waa kuwii la jiidhay ee cidda dhibka wadaa ka xoogaysatay. Waa kuwii hore u galay ee qaarkood laga yaabo in la dhaariyey. Dadka loo baahan yahay in ay GOOBJOOG noqdaan waa kuwii dhibka waday ama hadda wada, waa kuwa dhibka gaystay ama loo gaystay. Ilaa kuwaasi nabadda qaataan, ma xasilayso nabaddu. Waa meelaha dhaqanka Soomaalidu ka qaldan yahay! Miyaad aragtay cid wakiil uun laga yahay. Dad akhyaara oo marka horeba saaxiibo ahaa, meel ku wada shaahaynjiray, masjid ku wada tukan jiray, dhibkii yimaaddaba ka wada hadli jiray oo is af iyo addin yaqaan, in aad isu keentaa macno weyn ma samaynayso. Hadday Samir tahay kuwii dhibka loo gaystay ha qaataan, hadday culays tahayna ashkhaastii dhibka gaystay ha qaataan. Laakiin, odayaal markooda horeba dhibku daashaday awoodna aan haysanin in culays kale dusha laga sii saaraa waa geed-kaga-kac!. Weliba, dadka dhibka wadaa hoggaan ayay leeyihiin madax ugu ah waxa ay wadaan, hadday horjoogayaal hubaysan tahay, ganacsato tahay, odayaal tahay. KUWAASI WAA IN AY XAADIR AHAADAN. “Kolka ceelalyo heshiiso, ayaa xoolo cabbaan!”. Waa in raggii colaadda ceelalyada ka ahaa ee hormuudka ka ahaa nabadda qayb ka noqdaan.
Waxa tusaale idiinku filan khilaafkii Ceel Bardaale in markii dadkii ay tooska u khusaysay ka wada-hadleen uu soo afjarmay (Allah ha u naxariisto Wasiir Garaad iyo Sheekha).
• Labada daraf odayaashooda akhyaarta ahi, khaas ahaan culimadooda deegaanka ku sugani waa muhiim, laakiin waxa ay idiin faa’iidayn karaan in ay xog idin siiyaan, hawsha idinla galaan oo eesha idinla raadshaan. Haddii kale waxa aad ka talindoontaan wax aydaan guntooda gaadhin. Dadka nabad-doonayaasha ah ee labada dhinac lagama maarmaan weeyaan laakiin waxa aan uga jeedaa kalidood waxba ma tarayaan haddii ay si kasta u dhaartaan! Waxa idiinka markhaatiya dhaarihii hore. Horta, bal arrinta ah in QOF U DHAARAN KARO QOF KALE, ama haku dhaarto ama haka dhaartee ama ha u dhaartee, waxtarka ay u leedahay nabadda hala hubsado.
• Waxa aad si gaar ah u waraysataan oo wax weydiidaan, akhyaarta labada dhinac ee labada beelood iska dhaleen! Kuwaasi ayaa war ku dhan yahay. Weliba kuwooda colaaddu faquuqday ee aan ku milmin. Xikmaddii Aadan Carab (haddii aanuu magacu iga qaldanayn) ee laga sheegay in uu yidhi colka intii abti beesha kale u tahay ayaa dagaalka galaya ayaa tusaale inoogu filan.
• Wararka la sheegaya ee tilmaamaya in waxgarad colaad ku maqani jiraa waa arrin aan la dhayalsan karin. Waxa aad ogaataan, maalinba ninka waayaha iyo wadcigu u hiilinayo ayaa taladiisu socotaa. Maanta colaad ayaa aloosan, tabashooyin ayaa jira dhinac walba, sidaa darteed, maanta taladu waxa ay agtaallaa inta xadhiga giijinaysa, nin-nabdeedkii waa la muquuniyey maanta. Kuwaas taladu agtaallo yaan laga yeelin maqnaanshahooda. Horaa loo yidhi, ”geel oonbaa aroorsha ee uli ma arooriso”!
KU: WAXBARADKA LABADA BEELOOD
1. Idinka waano iyo wacdi ma idiin dhinna, cid kastana idinka ayaa uga fara-dhuudhuuban dhibku waxa uu yahay, hase ahaatee, manta fursad ayaan haysataan oo tolkiin iyo dadkiinii ayaa cidhif-ilaa-cidhif idiinka soo gurmaday. Ka faa’iidaysta oo yaan si fufud inta go’aamo la idiin rido halkaa la isaga kiin tagin. Yaan culays xaqiiqda ka fog iyo go’aamo aan gun-dheerayn la idiinka tagin berrina la idinku eedaynin
2. Waxa aad xoogga saartaan in aad intiina wanaagga jeceli is raadsataan, shirar gaar ah gashaan, ka fikirtaan xalal qoto-dheer oo mustaqbalka fog ku aadan. Xalal aan dab-demis ahayn oo gurmadka maanta idiin yimid aan ka iman ee idinka idinka dhashay. Wax aad isla qaadateen ayaad wax ku dhammayn kartaan. Waa halkii Abwaan Cabdi Shubee, ”sida aad tidhi maaha, sida aan idhina maaha, waa waa sida aan isla nidhi!”
3. Waxa xaqiiqo lagu ogaaday, in dadka meel wada degani isku dan yihiin, isku mustaqbal hiigsanayaan, isku wanaag rabaan, waxa ay wadaagaan aad uga tiro badan yahay waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, hadda kahor ayaa labada dhinac ee Gaalkacayo (koonfurteeda iyo waqooyigeeda) dhalinyartooda la waraystay oo la weydiiyey, bal in ay 30 (soddon) sano kedib sifeeyaan sida ay jeclana lahaayeen in ay Gaalkacyo noqonlahayd. Waxa ay labada dhinacba sawirteen iyada oo barwaaqo ah, nabad ah, amni badan, horumar dhaqaale, aqooneed iyo bulsho leh, aan kala xidh-xidhnayn, dhammaan adeegyada nolosha ay cadaaladi u horayso leedahay, dadku walaalo yihiin iwm. Hase ahaatee, waxa xaqiiq noqotay in markii la weydiiyey duruufaha iyo waxyaalaha socdaa in ay wanaaggaa ay sawirteen gaadhsiinayo iyo in kale, waxa ay isku raaceen in wadciga ay ku sugan yihiin in ay kasii karto mooyee wax kale dhalaynin! Halkaas waxa inooga muuqda, in dadkiina wada-dhashay ee reer Ceel Afweyn iyo inta ku xeeran ee la danta ahi, isku wanaag rabtaan, laakiinse belaayo kale oo aydaan rabinin isku kiin dirayso oo ay idinka dhantaalayso wanaagii aad rabteen. Midkiinna wanaagga aad hiigsanaysaan ee aad laabta ka rabtaan ee laga yaabo in aad habeen iyo maalin ku ducaysanaysaan ma helaysaan ilaa iyo aad idinku isla raadsataan. Bal sawirada labadan xayawaan u fiirsada iyo cibrada ku duugan:
Sawirka 1aad: Midba iskii ayuu rabaa in uu u gaajo beelo!

Sawirka 2aad: Midna kalidii ma gaajo-beeli karo! ”Dani waa seeto!”

Sawirka 3aad: Labadiiba way isla daaleen. Midna wuxuu rabay heliwaa.
”isku daalnaye, maxaynoo dana?”.

Sawirka 4aa: Waxa ay go’aansadeen in ay isla gaajo—baxaan oo marba mid isla cunaan

Sawirka 5aad: Markii ay mid isla cuneen ayay midkii kalena isla cunayaan!
”Wadajirbaa lagu dhargaa”

Dee hadalba gam! Inta labadaa dameer garteen garta oo wanaagga nolosha adduun iyo midda aakhiraba isla raadsada.

4. Insha Allah nabadi way iman, waadna heshiindoontaan, sidii horeba aad u heshiin jirteen, hase ahaatee, waxa aad waqti gelisaan sidii aad nabaddaa dhidibada ugu aasi lahaydeen.nabadda oo aad usoo celin lahaydeen kalsoonidii, is-aaminaaddii, wax-wada-qabsigii iyo wadajirkii. Hal midna xaqiiq ha idiin noqoto, inta aad kala qaybsan tihiin, oo yuhuuntiinu kala tagsan tahay, oo kolba nin meel kale kasoo cimaamatay mid kamid ah la shirayo oo wax gaar ah u sheegayo, shaki iyo calool-xumo ma idin daynayso. Isku daya in aad yeelataan HAL AGENDA, kaas oo ka turjumaya baahiyaha gaarka ah ee deegaankiinnu qabo sida Waxbarasho, Caafimaad, Biyo, Waddooyin iyo Mashaariic.
Waa in aad ogaataan in kala-qaybsanaantani maanta tahay mid isa soo biirsatay. Kala-qaybsanaantiinnu waxa ay soo socotay muddo.
5. Heshiiska kedib waxa aad samaysataan Guddi Horumarineed oo aad wada leedihiin, ujeedadeeduna tahay in aad marka hore cayintaan baahiyaha dhabta ah ee deegaankiinu qabo. Marka xiga in aad qorshe dejisataan oo kala-horaysiisaan sida ay u kala mudan yihiin. Marka xigtana in aad dowladda hayadaha kala duwan ula tagtaan oo kula xisaabtantaan. In aad dejisaan qorsheyaal lagu soo celinayo.
Waa xaqiiq la ogaaday, meelo tiro badanna laga tijaabiyey, mar haddi dadkii is taagtaagnaa isku qorshe noqdaan oo isla hawlgalaan, waxa qarsooma waxyaalaha kala kaxeeya waxaana abuuranta yuhuun isu meel u jeedda. Waxa ka tusaale ah Burco, oo maalintii Guddida Horumarinta Burco la sameeyey ayay cagta saartay wadadii nabadda iyo horumarka waxaana ay abuurto jawi degan waxaanay qabsatay waxyaalo waaweyn oo ay kamid yihiin Dhakhtarba Burco oo dib loo dhisay, Jaamacadda, Biriijka 2aad iyo waxyaalo kale oo badan. Waa taas markii ay guddidaasi naaqustay isu-fiirfiirsanaysa ee hal koox oo kubadeed wada yeelanwayday, haddana sii kala durugtay ee haldoorkeedii kala ciil-iyo-khajis mildhaabaayo!
6. Labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan waxgaradkooda waxa la gudboon, ay dantooda iyaga oo ka eegaya guul ku dhammeeyaan khilaafkan si aanuu iyaga ugu fidin oo wadanka ugu fidin. Waa in ay waxgaradka iyo hogaanka sare ee labada beelood ee jufooyinka is haya xidhaha u ahi iyaguna is arkaan oo wax iskaga ogaadaan. Haddii kale, waxa xaalku noqonayaa, ”ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo”. Suurtogal maaha, iyada oo beelaha sare ee xidhaha ahi, iyaga oo aan wadahadal, in meeshaa lagala tagaa wax waara oo cidhib-dheeri.
7. Waa in aad ogaataan, in dhibkii dhacay dhaymo idiinka baahan yahay. God haddii la qodo, kolna ciiddii laga soo guray laguma wada celin karo! Sidaas oo kale, dhibkasta oo dhacaa, dhaawac ayuu ka tagayaa, in aad dawaysataan ayaa idinla gudboon. Magdhaw caam ah oo dadka wada gaadhaya, mustaqbalkiinana wax weyn ka taraya ayaa idiin fiican. Haddii ay noqoto in la sameeyo wax dhibkii aad isu gaysateen idin ilawsiiya, waxa malaha haboon intii geel iyo mag kaliya la bixinlahaa, in aad isla samaysaan wax aad u wada aydaan, sida biyo-gelinta Ceel Afweyn oo aad biyo macaan idinka oo wadajira u samaysaan.
8. Waxa ugu weyn ee dhayaysaan waa shakiga, beenta, xumaanta iyo calool-xumada la kala aaminsan yahay, waayo waa midda marka wax dhacaan cirka sii gaynaysa dhibka. Da’yar badani waxa ay ku koreen xumaan, shaki iyo ku-tidhi-ku-teen dhinacba dhinaca kale ka aaminsan yahay. Middaas waa in tixgelin dheeri ah la siiyaa. Marka wax la kala aaminsan yahay, ee wax yari dhacaan, dhibka ayaa weynaada. ”Calool buuxda fiiq baa kicisa”. Waxa ugu weyn ee wax lagu daweeyaa waa hadalka iyo ficilka wanaagsan. ”Finka caloosha ku yaal, carrabkaa lagu daweeyaa”
KU: XUKUUMADDA SOMALILAND
1. Shaki kuma jiro in ay Xukuumaddu aad uga damqatay khilaafka Ceel Afweyn juhdi badanna ku bixisay. Dadka reer Somaliland oo dhamina way ku taageereen acyaantiisiina waataa maanta xaajada ku jirta. Iyada doorkeedu waa fududayn iyo sugidda amniga iyo in ay wixii carqalad ku ah nabadda wax ka qabato.
2. Waxa kale oo aan shaki ku jirin, in ay ku kaliyaysatay oo hay’adihii u xilsaarnaa sida Guurtidu ay toos u muuqatay in aanay waxba ugu filnayn dalka, maadaama ujeeddadii koowaad ee golahaasi u jiray ay ahayd nabadda ay xattaa cidina xagiisa eegi wayday.
3. Marka runta laga hadlo, duruuf aanay xukuumaddu samaynin oo waayaha iyo wadciga ku xeerani dhalay ayaa caqabad ku ah. Duruuftaas oo ah sida marar badan la sheegay, Madaxweynuhuna tan iyo maalintii caleemo-saarkiisa ku soo celceliyey, oo ah in ay dadka reer Somaliland doorashadii dhacday kala qaybisay. Duruuftaasi culaysna way ku tahay xukuumadda, fursadna way u noqon kartaa. Marka hore waa duruuf ay Somaliland kusoo siqaysay tobankii sano ee u dambeeyey haddana fiktii ayay duruuftaasi gaadhay. Duruuftaasi waa ”qabyaaladaynta siyaasadda” ee aan lala gabbanayn. Waxa markaa caqabad ka dhigaya markan, iyada oo aanay dad badani, khaas ahaan aqoonyahanku jeclayn in la dooxo mushkiladda oo si qoto-dheer looga hadlo, in uu hadalkii halyeygii Hindiga ahaa yidhi meesha ka muuqato, taas oo uu yidhi, “One man cannot do right in one department of life whilst he is occupied in doing wrong in any other department. Life is one indivisible whole”. Taas oo la micne ah, in aan isla qofkii kali ahaa marna si gurracan wax u wadikarin marna si qumman. Dee waaba tii Illaahay lahaa, ”ata’muruuna bil macruufi, wa tansawna anfusakum”.
Haddii aan leenahay waa gabaygii Abwaan Qaasim ee “Macaan iyo Qadhaadh”, waa mid la garan karo. Laakiin Qaasim
Laakiin, sida aan sheegay, waa duruuf aan ku koobnayn oo baahsan, hase ahaatee aan wada ognahay in aanay inna dhaqaynin. Waa tanaaqud surma-seegto ah. Haddana kuma qasbanin, misana cid ay faa’iido gaar ahi ugu jirtaa ma jirtol
4. Xukuumadda waxa la gudboon in ay DHAMMAYSTIRTO nabadda oo ay xaqiijiso in aan meesha laga tegin ilaa laga gaadho nabad dhab ah. Waa in ay xukuumaddu daraasad cilmiyaysan (conflict analysis/profile) ka samaysaa gobolka iyo dabcan meelaha kale ee khilaafyadu ka jiraan. Ma aha naasnuujin iyo hebelow wax samee ee waa in Mac-had gaar ah oo wadanka dhan xariiradeeda khilaafaadka ka jira (conflict mapping) xogtiisa oo dhan lagu diyaariyo, waxna lagaga qabto laga dhiso. Waa in xukuumaddi qaabkii dab-demiska ahaa ee khilaafaadka wax looga qabanjiray ka gudubtaa. Dhalinyaro badan iyo aqoonyahan culuuntan bartay ayaa jira, kuwaas ha lagu hawlgaliyo, hadba midna wax ha laga qabto.
5. Golaha deegaanka ee Ceel Afweyn hala tayeeyo oo shaqaale xirfad horumarka iyo nabadda ha lagu soo kordhiyo si ay degmada iyo deegaannada colaaddu saamaysay wax uga qabtaan.
6. Guddiga Horumarinta ee labada beelood isla samaystaan ha xoojiso hana tayeyso qorshahoodana wax ha ka qabato si ay midho deg deg ah u keenaan.

KU: WAXGARADKA SOMALILAND
1. Runtii mushkiladda Ceel Afweyn ma aha midda kaliya ee maanta taagan. Tukaraq ayaa iyana dhiilo ka taagan tahay oo Illaahay ma qarxiyee haddii ay qaraxdo maanta noqonaysa ”wixii hore quba”. Utunta, cadaawadda iyo calool-xumada ka dhalan karta ayaa qarniyo sii jiraysa. Illaahay ha innaga qaboojiyo!
2. Buugaag ayuunbaa lagu soo koobi karaa dhibaatooyinka jira, ama ha noqdeen kuwo dhawaan dhashay ama kuwo hore u jiray. Waxaase marag-ma-doon ah, in ay waajib tahay, in qofkastaa wanaagga wax ku darsado. Dad badan oo waxa aad la yaabaysaa aad aqoon iyo wax-garasho ku tumaysay, laakiinse aad la yaabaysid ficilkiisa ama fikirkiisa. Hase ahaatee, waxa badan inta wanaagga la aamusan. Edmund Burke ayaan maqlay in uu hadda kahor yidhi, “The only thing necessary for the triumph of evil is for good men to do nothing.”(waxa xumaanta saraysaa waa in dadka wanaagsani waxba qaban waayaan). Rasuulkeenniina (SCW) wuxuu yidhi, “wanaagga ha yaraysanin”.
3. Wax badan ayaa qaldan, marka aan sidaa leeyahay waxa laga yaabaa in dadka qaar u qaataan in aan waxa maanta jira ka hadlayo. Muddo laga joogo 9 (sagaal) sano iyo 10 bilood ayaan qoray in Somaliland ka leexatay jihadi ay mudnayd loona baahan yahay in laga weeciyo meesha lagu wado. NASIIB-DARRO, aad ayay ii dhibaysaa, in ay weli jihadi qalloocnayd kusii socoto ilaa iyo haddana aanay helin cid Jiho-beddel u samaysa. Halkan ka eeg qoraalkii hore: http://ireport.cnn.com/docs/DOC-153490 . ”Guushu ma aha in aad wax disho, haddii waxyaalihii aad ka dagaalamaysay ku haystaan guul uma arko”, Muj. Cali Gurey.
Jaamac Gaabuush
jgabush@yahoo.com
17.7.2018

Advertisement

Ku Xayeysiiso