Waxay Dileen 292 Yaxaas Iyaga oo u aar-gudaya Saaxiibkood!


Dadka Degan Magaalada Sorong, gobolka galbeedka dalka Indonisia ee Papua ayaa dilay dhammaan yaxaasyadii ku noolaa Beer maxali ah iyaga oo u aar-gudaya Saaxiibkood oo uu dilay Yaxaas.

Sida ay faafisay Wargeyska “The Jakarta Post” mid ka mid ah shaqaalaha Beerta soo saarta Caanaha ee Tofu lana yidhaahdo Sogito 31 Sanno jir ah ayaa isaga oo u ururinaya Caws ayaa uu soo weerary Yaxaas 13 July.

Dhamaan Dadka Degan deegaankuna waxay maqlayeen qayladiisa waxayna u soo yaaceen in ay badbaadiyaan,se mar dambe ayay soo gaadheen waxayna u yimaadeen isaga oo Mayd ah.

Dhamaan Asxaabtii Sogito ayaa maalintii labaad markii ay aaseen saaxiibkood ayaa waxay weerareen beerta ay ku noolaayeen Yaxaasku iyaga oo sita mindiyo iyo majooyin iyaga oo dilay dhamaan Yaxaasyadii joogay mid yar iyo mid weynba.

Goobjooge ayaa sheegay in ay u ugaadhsadeen Yaxaaskii mid mid ilaa ay u yaaceen qooriga halkaas oo ay ku garaaceen ilaa ay ka dhimanayeen, waxay ahayd arrin adag in la arko.

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Ilaalinta Deegaanka ee Gobolka Papua galbeed ayaa sheegay in dilka Yaxaaska si wadar ah ay tahay sharci jabin, sidoo kalena uu Yaxaasku yahay Makhluuqaadka Alle ee ay tahay in la ilaaliyo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso