Maamulka Jubbaland oo Kismaayo ka horistaagay inay galaan dibna uga celiyay Taliye Ay u Magacawday Maamulka Muqdisho + Jubbaland Oo ka Hadlay Sababta ay u celiyeen

Maamulka Jubbaland ayaa saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo ka celiyey Wafdi Saraakiil ciidan ahaa oo ka tagay magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka dalkaasi Jen. Cali Bogmadow.

Saraakiisha Amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa is hor-taagay wafdigan inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, kuna amray inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo kicitimeen.

Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay magacaabida Taliyaha cusub ee qeybta 43aad.

Qoraalka ay soo saareen Maamulka Jubaland ayaa u dhignaa Sidatan:-

Laamaha Amniga ee Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka celiyey Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacowdey taliyaha qeybta 43aad ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada.

Qodobka 20aad ee heshiiskaas ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo .

Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow .

Jubbaland State Official
Mahadsanidiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso