Daawo :Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shaaciyay Qodobo Dhawr Ah Oo Ku Aaddan Hawlaha Nabadaynta Colaadda Ceel Afwayn .

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxman C.laahi saylici oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin  ayaa halkaasi ka shaaciyay qodobo dhawr ah oo kala ah .

1: in Dhamaan Ciidan-beeleedyada ay tagaan jiidihii loo qondeeyay, iyadoo laga taxadarayo in inta hawshu socoto, aanay dhib dambe dhicin, ilaa inta go’aamada kama dambaysta ah soo baxayaanna aanay halkaasi ka soo dhaqaaqin .

2: in Cidii lagu arko meelaha loo asteeyay, meelo ka baxsan, waxaa loo arkayaa in ay nabad-galayada jabiyeen .

3: ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidanka hubaysan iyo nabad-galyada guud ahaan waxaa ka masuul ah ciidanka kala duwan ee qaranka Somaliland .

 

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso