Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa qaabka loo xulay Komishanka Xuquuqda Aadamaha

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka walaacsan tahay qaabka loo xulay xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland.

3dii July 2018 waxa madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu magacaabay xubnaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha.

 Xaruntu waxaay si dhow ula socotay hanaanka xulista si loo xaqiijiyo in loo maro qaab waafaqsan Xeerka Komishank Xuquuqal Aadanaha iyo Mabaadida Baariis (Paris Principle). Mabaadida Baariis (Paris Principle) waa mabaadi ay Qaramada Midoobay u dhigtay qaabka loo xulayo iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha qaran ee xuquuqal insaanku.

 Hanaanka xulistu ma ahayn mid daah furan oo loo maray si waafaqsan Xeerka iyo Mabaadida Baariis (Paris Principle).

 Waxaanu aad uga walaacsanahay maqnaashaha daah-furnaanta iyo in la iska baal maray habka iyo shuruudaha sharcigu dhigay.

Gudi qaran oo xuquuqal insaan oo madax-banaan islamarkaana dhex-dhexaad ahi wuxuu ka ciyaaraa door muhiim ah kobcinta iyo ilaalinta xuquuqal insaanka.

Talo-soo jeedin

Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi inuu dib u eegis ku sameeyo magacaabista oo uu dabaqo Mabaadida Baariis (Paris Principle) si loo abuuro gudi qaran oo madax-banaani iyo dhex-dhexaadnimo leh.

 Waxaanu u soo jeedinaynaa Golaha Wakiilada inay raacaan Mabaadida Baariis (Paris Principle).

 

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Twitter: @GuleidJ

Advertisement

Ku Xayeysiiso