Hambalyo , Bogaadin iyo Taageero Shirka Tolweynaha Garxajis ee Tolwanaaje (2) JAALIYADA BEWLWEYNTA GARXAJIS EE KU DHAQAN WADANKA QATAR

Hambalyo , Bogaadin iyo Taageero Shirka Tolweynaha Garxajis ee Tolwanaaje (2)

JAALIYADA BEWLWEYNTA GARXAJIS EE KU DHAQAN WADANKA QATAR

Hadaanu nahay Gudida guud ee beesha garxajis , dhamaan jaaliyada beelweynta garxajis eek u dhaqan wadanka Qatar noocyadeeda kala duwan , odayaasha , aqoonyahanka , haweenka ,dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka beesha , waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaadhamaan beelwaynta garxajis , gdida guud ee beesha garxajis , gudidii qabanqaabada ee shirweynaha beesha garxajis ee Tolwanaage2 , dhamaan ergooyinkii ka qayb galay , dhamaan cidkasta oo ka qayb qaadatay habsami u socodka shirkaas , dhamaan siyaasiyiinta beesha , waxaanu leenahay waad mahadsantihiin waxaad dhidibada u aasteen taariikh cusub oo la mahadin doono dad iyo dalba.

Waxaan kale oo hambalyeynaynaa ,una mahadnaqaynaa dhamaan bulshada kala duwan ee Somaliland ee lagu soo casuumay shirka ee qaybta weyn ka ahaa , haday tahay siyaasiyiinta , iyo ergooyinka beelaha Somaliland ee yimid shirka ,igana waxaanu lenahay waad mahadsantihiinsida wacan ee aad uga soo jawaabteen martiqaadkii shirku idiin fidiyey.

Ugu danbayn waxaanu taageersanahay , ayid sanahay , soo dhaweynaynaa dhamaan qodobada muhiimka ah ee shirka ka soo baxay oo aanu aaminsanahay inay yihiin kuwo loo baahnaa ,nasteexana u ah qaranka , midnimadiisa iyo wax wada la haanshihiisaba.

AllA MAHAD LEH.

Beelweynta Garxajis ee wadanka Qatar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso