Xildhibaan Mahad Salaad oo Fariin u diray Farmaajo una Sheegay in Somalia ka gudubtay xiligii Kacaamaynta jirona qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka Tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Dalkaasi Somalia ayaa ka soo horjeestay wareegtooyin maamulka Xamar soo saaray waxaanu fariin u diray Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya kasoo gudubtay xiligii kacaameynta oo aysan habooneyn in loo soo jiido dib u dhac iyo dowlad la’aan. 

Waxaanu Qoraalkiisu u dhignaa Sidatan:-

Soomaaliya xiligii kacaameynta waa kasoo gudubtay ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina!

Waxaan maanta aqriyay wareegto uu soo saaray Duqa Mogadishu Eng Yariisow oo uu ku sheegayo in dib loogala noqday, isla markaana la baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka ah ee magaalada Mogadishu.

Lkn waxaa isweydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!

Ujeedu hadii ay tahay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa dowlad aniga igama horeyn. Ama run ay tahay hadal heynta maalmahaan ka jirtay magaalada Mogadishu ee ah in uu jiro qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood. Taasi micnaheedu waxay tahay dulmigii iyo takoorkii dadka lagu hayay ee burburiyay dowladnimadii Soomaaliya oo mar kale la rabo dalka in dib loogu celiyo!

Lkn waxaan rabaa inaan idiin sheego inshaa’allaah waad ku gungoobi doontaan sidii kuwii idinka horeeyayba ay ugu gungoobeen ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina.

Advertisement

Ku Xayeysiiso