Barnaamij Xiiso iyo Xamaasad u Yeeshay Dadweynaha By: Cumar M. Faarax

 

Waa  barnaamij furan oo loo dhan yahay , waana mid kor loogu qaadayo aqoonta guud ee bulshada Somaliland. Waxaa qiime u yeelay qof kasta oo ka qaybgalaa waxa suurtogal ah inaanu ku qadin oo uu la hoydo qadar lacag ah oo ku xidhan dedaalkiisa shakhsiga ah, nasiibkiisa iyo aqoontiisii hore.

1-dii bishan Ramadaan, waxaa wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelintu daah-furtay barnaamij la magac-baxay “Kobci Garaadkaaga”oo si dhow u soo jiitay dadweynaha una xiiso iyo xamaasad geliyey. Waa barnaamij muddo saacad ah habeen walba ka baxa Muuq-baahiyaha qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxa looga  gol leeyahay in kor loogu qaado aqoonta guud gaar ahaan dhaqanka, diinta iyo taariikhda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadka qaar ayaa barnaamijkan ula baxay  “Kobci jeebkaaga” waxaanay uga jeedaan in si fudud lacag loogu kasban karo bandhigan. Waxaa daadihiyeyaashu tartame kasta u asteeyeen shan su’aalood oo mid kastaba  lagu helayo  100.000 SL Sh. Lacagtaasi waa ta kor u qaaday yiddidiilada lagu qaabiley barnaamijkaas oo ay ka qaybgaleen in ku dhow 300 oo qof, kuwaasi oo qaarkood ay  soo horfadhiisteen daadihiyaha halka  qaarna ay telefoonkooda kaga qaybgaleen iyagoo loo furay khadka telefoonka ee istuudyaha idaacadda Radio Hargeysa.

Waxa kaloo barnaamijkan macaaneeyey Oday Maxamed Xasan Weji oo habeen kasta si dhextaal ah qisooyin iyo sheekooyin maad leh ugu soo bandhiga ka qaybgalayaasha tartankan.

“Barnaamijkan oo uu fikirkiisa iyo fulintiisaba ku dhiiraday Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo suugaanta, waxa barnaamijku diiradda saaraa aqoonta guud sida diinta islaamka, taariikhda, juquraafiga dalka, dhaqanka iyo suugaanta,”ayuu yidhi Maxamed Xasan Cali Weji.

Saddex meeloodoow laba, qaybgalayaashu xoogoodu waa dhallinyaro u badan da’dii ku kacaantay  rubuc-qarnigii Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya., kuwaasi oo iskugu jira wiilal iyo hablo wax ka barta ama dhammeeyey  dugsiyada sare, jaamacadaha iyo qaar muruqmaal ah.

Sidaas si la mid waxa  masuuliyiinta warfaafinta farxad geliyey  in tirada hablaha u soo baxay kaqaybgalka tartankan ay aad isu soo tarayaan, waxaanay habluhu muujiyeen in aanay waxbarasho ahaan ka hooseynin wiilasha.

Barnaamijkan waxa kaalmo lacageed kaga qaybqaadata shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, waxaanu noqday mid dhinaca ka qaybgalka iyo aqoonta uu gudbinayaa tahay mid naadir ah oo aan hore dalka ugu jiri jirin marka laga eego xagga abaalmarinta iyo tayada su’aalaha.

 

“Kama qaybgalo balse si joogto ah ayaan idaacadda uga dhegaystaa barnaamijka kobci Garaadkaaga, waxaanu I xasuusiyey dhaqankii iyo barisamaadkii sidii bulshadu iskugu xujayn jirtay dhaqanka oo aroosyada dadka lagu weydiin jiray hal-xidhaaleyaal dhaqanka la xidhiidha,”ayay tidhi Hooyo Safiya Cabdi oo 63 jir ahi.

Waxa barnaamijkani  meelmaray himiladii wasaaradda warfaafintu ka lahayd oo ku wajahnayd  in la soo nooleeyo dhaqankii soo jireenka ahaa iyo in  bulshada lagu guubaabiyo barashada dhaqanka iyo suugaantooda hodanka ah.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso