Maqaalka qormadan oo ka mid noqon doona maqaalo siyaado ah oo aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN!

Maqaalka qormadan oo ka mid noqon doona maqaalo siyaado ah oo aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN! Mooganaanta aynu ka hadlaynu waa mid uu sheegay rasuulku SCW isaga oo ku leh USAMA IBNU SAYID oo weydiiyay rasuulka su’aal ahayd “Rasuul ALLAW waligay kumaan arag bil aad ka soon badan tahay SHACBAAN markaas ayuu ugu jawaabay bishani waa bil ay dadku moogan yihiin  oo u dhaxeysa RAJAB iyo RAMADAN.” Dadkuna waxa ay kaga mashquuleen bishan labadaas bilood ee qiimaha badan. Sidoo kalena waxa dhici karta in dadka bishani ay xumaantu ku badato. Waayo waxa ku xigta bil qiimo badan.

Maqaalkan waxaynu si kooban ugu  soo qaadan doonaa arrimo ku saabsan bisaha SHACBAAN.

  • Camalada dadka waxa ALLE xagiisa loo qaadaa maalin-kasta laba jeer , toddobaad kastana waxa la qaadaa laba jeer. Sidoo kalena Bisha SHACBAAN waa bisha camalka sanadka oo dhan ALLE xagiisa loo qaado. Sidaa awgeed rasuulku waxa uu badin jiray soonka bishan isaga oo odhan jiray “ Waxaan jecelahay in camalkayga la soo bandhigo aniga oo sooman.”

  • Waxa wanaagsan sida ay culimada islaamku sheegeen in qofku ku dedaalo samaynta wanaagyada kala duwan sida soomka iyo quraan akhriska xilliyada camalada xaga ALLE loo qaado. Sidoo kalena waa in aynu ka feejignaano dambiyada maalmahaas iyo bishaas.

  • Waxay tusaale u tahay bishani in xuska ALLE wakhtiga ay dadku mooganaanta , ilawga ama caajisku hayo , in cibaadada ama wanaaga xilligaas lala yimaado ALLE jecel yahay. Tusaale ahaan sida salaatul leylka oo ah xilli ay dadka intooda badani hurdaan.

  • Cibaadao in bishan lala yimaado waa mid ay adag tahay. Waayo qofku inta badan waxa uu ku deydaa bulshadu waxay samaynayso. Sidaas darteed waa ay adag tahay inaad adigu cibaado la timaado halka ay dadka intooda badani ramadan ugu sii diyaar garoobayaan cunista cunno badan ama u raaxaynta nafta ee ay ka mid noqon karto ku dhicista xumaanta.

  • Xilliyada ramadaanta oo kale dadka intooda badani waxay isku dayaan inay la yimaadaan camal wanaagsan. Waayo waa bil dadka intooda badani camal wanaagsan la yimaadaan. Waxaana dhici karta in dadka qaar uu qalbigooda galo xanuunka la yidhaahdo ISTUSNIMO. Sidaas darteed inaad ALLE dartii u samayso camalo wanaagsan xilliyada ay dadku mooganaanta ku jiraan waxa aad ku qiyaasi kartaa in camalkaagu yahay ALLE dartii . Sidoo kalena waxay kaa ilaalin doontaa xanuunkaas IS-TUSNIMADA.

  • Qofka lagu leeyahay qalo rammaddan waxa ku haboon inuu qaleeyo inta aanay gaadhin rammaddanta kale. Sidaas darteed bishan SHACBAAN waa fursad ay cidii soon hore lagu lahaa ay qalayn karto.

Dhacdooyinkii dhacay bisha SHACBAAN waxaynu ka xusi doonaa:

  • In ay tahay bishii la waajibiyay soomka Rammaddan . Taas oo ahayd bishii labaad ee hijriyada.

  • Nabigu SCW waxa uu guursaday XAFSA BINTU CUMAR bishii SHACBAAN sanadkii saddexaad ee hijriyada.

Acmaasha kheyrka ee bishan la samayn karo tiro ahaan lama soo koobi karo. Balse waxaynu u qaybin doonaa laba : camal qofka ku kooban sida soomka iyo mid bulshada saamayn ku leh sida qorista maqaal ama bixinta sadaqo. Tusaalayaal dhawr ayaynu raacin doonaa maqaalada dambe. Balse maqaalkan waxa la socdaa sawir AF-CARABI oo camalo dhawr ahi ku qoran yihiin.

( ka daalaco hadaad rabto degelka MEDIUM)

Xidhmada maqaalka waxaynu ku soo koobi doonaa in bishan aynu ku camirno camalo wanaagsan. Sidoo kale dadaalka iyo cibaadada qofku la yimaado xilliyada ay dadku ilawga , mashquulka , jacaylka adduunyada  iyo mooganaatu ku bataan in ay ina gaadhsiin doonto jeceylka ALLE , inagana badbaadin doonto aafooyinka saameeya camalka qofka ee ay ugu weyn yihiin inuu la weynaado camalkiisu iyo inay ku dhacdo is-tusnimo.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay labadan buug :

لطائف المعارف ( ابن رجب الحنبلى)

٣٢ فائده في شهر شعبان

محمد صالح المنجد

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:

http://Www.Medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso