Gudoomiye Ciro: Hakuu kala Qalaadaan Qudh-gooyada qaranka iyo Qalacaada Muuse Biixi. Qalinkii: “Yuusuf Ilkacase”

Gudoomiye Ciro:

Hakuu kala Qalaadaan Qudh-gooyada qaranka iyo Qalacaada Muuse Biixi.

Qalinkii: “Yuusuf Ilkacase”

Geedi-galka iyo guulka ooman ee loogu jiro sidii qarankan Somaliland uga  mid noqon lahaa qowmiyadaha nasiibka u helay inay ka qayb noqdaan bulshada caalamka waxay u baahan tahay  midnimo, higsi iyo hadaf ku salaysan wadaninimo, qaranimo iyo qorshe laga wada shaqeeyey, lagana dhowray wixii qalacaada iyo qardoofa ah. 

Sababtu waxay tahay qaran guulaystay ama qaranimo waa bulsho degan oo ku aas aasantay qiyam diineed, luqad, xuduuud, hanaan dhaqan-dhaqaale, jinsiyad iyo dhaqan qudha kuwaasi oo ku wada nool sali dawladnimo  iyo midnimo. Balse taa bedelkeeda hadii ay isku qasmaan damaca danta gaara iyo qadarinta danta guud, taasi waxay ka dhigan tahay ” Karis xun iyana wax ku la'”.

Dhawaaqa Dhagaraysan

Qalinkaygu waxa uu daaran yahay dhawaaqa dhagaraysan ee ka soo yeedhaya Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi- ciro oo hogaaminaya xisbi qaran  oo quudaraynaya inuu qaranka hogaamintiisa masiiriga hanto, islamarkaana ay ku dhowaad 250, 000 qof codkooda ku aamineen si uu ugu hago wadada qaranimo aan soo xusnay. Dhawaaqyadaasi oo ay ugu cuslaayeen; Khiyaamo qaran ayaa dhacday, Muuse biixi hays casilo, Siilaanyo Maxkamad hala geeyo, doorasho hala qabto, Imaaraadkii waa ina xaqiray, Komishanka hala kala diro iyo doorashadii waa lagu shubyay.

Xaqiiqada dooda

Iyada oo aanan la odhan karin  dhaliil ma lahayn dawladii hore ee Kulmiye iyo tan maanta jirtaaba, ayna dabciga hogaaminta ku jirto in hogaamiye kastaa leeyahay meel uu ku fiican yahay iyo meel uu ku liito, hadana xaqiiqadu waxay u janjeedhaa in arimahan kor ku xusani oo dhami ay ku salaysan yihiin kala kacsi iyo ku jiqsii lagu miji-xaabinayo geediga masiirka umada, islamarkaana siyaasiyiinta Somaliland ay dhaqan ka dhigtaan jah wareerka bulshadan jilicsan ee caalamku indhaha ka qarsaday.

Nuxurka dooda Gudoomiye Ciro

Nuxurka hadalka gudoomiye  ciro waxa uu ahaa Imaaraadkii waa diiday aqoonsiga iyo heshiiska DP World ee dekada Berbera iyo in laga been sheegay  asalka heshiiska  darafyada saxiixay, isaga oo soo xiganaya hadalkii Wasiiru dawlaha Arimaha dibada UAE. Taasi maaha mid inaga qarsoon in Imaaraadka iyo bulshada caalamku aanay aqoonsanayn Somaliland, balse siyaasada dibada ee Somaliland ku dhisan tahay suubaa-salaax, hadhi- waa iyo indho adayg loo xidhay Okiyaalo madmadow si khajilaada laysaga ilaaliyo, taasina laguma xujayn karo Siilaanyo, Muuse  Biixi iyo Sacad Cali  Shiretoona.  Waxaan xusuusan karaa hadaladii hogaamiye Cigaal ee ku saabsan arintan ee ay ka mid ahayd ” Caalamkii dhabarka ayuu inoo soo jeediyey, Duul dumara ayey ku yidhaahdeen qaabila iyo iwm”.

Su’aalaha Taagan

Hadaan si kale u dhigno, miyey qarsoonayd cidii saxiixday heshiiska  Dekada berbera?  Maxaa ka qaylisiiyey dawlada Somalia ee ay hordhigtay Qaramada midoobay iyo jaamacada Carabta?  Maxay horey u yidhaahdeen Imaaraadka  carabtu arinta Somaliland  markay heshiiska saxiixayeen? Hadii muuse biixi is casilo yaa ku fadhiisannaya kursiga loo xiiqsan yahay? Haddii doorasho la qabto maxaa cadaynaya inaadan odhanayn waa lagu shubtay? Maxaad dadweynaha u horkeeni wayday cadaymihii muujinayey in doorashadii  hore lagu shubtay? Maxay ahayd cadayntii aad ka bixisay buugii codbixineed  ee komishanka ee laga xaday goobta  Saaxil ee aad gudoomiye ahaan soo bandhigtay? Siilaanyo, Muuse biixi, adiga, aniga iyo kuwa kale ee denbi geli kara maxaa  12 sano oo sharci-dejinta aad hor-jooge u ahayd uga tegtay in lagu xukumo hadii loo baahdo? Maxay 84 xildhibaan ay gacanta u taagteen xiligii heshiiska DP World la horkeenay baarlamaanka ee ee aad gudoomisay? Jawaabaha su’aalahan waxaan u dhaafaynaa inay akhristayaashu go’aan ka gaadhaan cida uga jawaabaysa iyo jawaabta lafteedaba.

Gunaanadka Qormada

Arintu si kastaba ha noqotee waxaan meesha ka madhnayn in dooda Gudoomiye ciro aanay waxba ka duwanayan hanaankii siyaasada mucaaradada madhalayska ah ee siyaasiyintii horey aan u  dhegaysanay,  ee xiliyadii la soo dhaafay ee ragaadisay qadiyada Somaliland, Dhegaha iyo indhahana ka tuurtay sumcadii iyo mustaqbalkii umadani ka dhursugaysay iyada oo qasdigoodu yahay ku xumee iyo laaca kursi-doonimada, balse aan qorshe kale ku lamaanayn.

Waxaase Gudoomiye cirro oo aan qiimeyn iyo qadarin u hayaa haystaa fursad taagan oo aan weli tegin, taasi oo u baahan inuu ka baydho jihadii ay qaadeen siyaasiyiintii ka horaysay ee xisbiyada ama ururada ee aan soo sheegnay, oo uu  abuuro qorshe mucaaradadeed oo wax dhisaya, kuna kasban karo quluubta shacbiga iyo  kalsoonida hogaaminta qaranka,  ayna u kala qalaadaan hadimooyinka qudh-gooyada ku ah qaranka iyo qalacaada  cadhada kursiga madaxweynenimo ee Muuse  Biixi ku fadhiyo.

Qalinkii:

Yuusuf  Ibrahim Warsame

(Yuusuf Ilkacase)

Advertisement

Ku Xayeysiiso