Ciidanka Iraan : Sacuudiyiintu Nooma babac Dhigi karaan Wax ka badan 48 saacadood haddii Dagaal Qarxo!!!!

Lataliyaha Taliyaha Sare ee Ciidamada Iran, Admiral Khoram Tusi, ayaa sheegay in Sacuudiyiintu aanay u babac dhigi karin awoodda militariga Iran wax ka abdan muddo 48 saacadood ah haddii ay dhacdo iska horimaad hubaysan oo u dhexeeya labada dhinac.

Tusi ayaa sheegay mar uu wareysi siinayay Idaacadda rasmiga ah ee Iiraan Arbacadii: “Erayadaydii si toos ah ayaan ugu diraya madaxda Sucuudiga waanan idiin xaqiijinayaa, ha odhanina hadal aan ku haboonayn xajmigaaga iyo awoodaha milatari.”

“Sacuudiyiintu ma hor istaagi doonaan awooddeena militariga in ka badan 48 saacadood, sidaa daraadeed ma ahan inay wax ka yidhaahdaan arrimahaas,” ayuu yidhi.

“Istaraatiijiyadayadu waa inaan ka hor tagno Ameerika oo ah Cadawgayga Koowaad, ee ma ahan waddamada gobolka,” ayuu raaciyey.

Digniintan ayaa timid ka dib hadal uu yidhi dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna wasiirka gaashaandhiga Mohammed bin Salman, oo ka hadlay dabayaaqadii bishii Maarso suurtagalnimada iska horimaad toos ah oo dhex mara labada dal ee ugu awooda badan gobolka Gacanka 10 ama 15 sano ka dib.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso