Koboca dhaqaale ee Qaarada Africa & Dagaalka Reer Galbeedku Kula Jiro.


___________________________________________

Reer galbeedku dagaalkooda Africa yaa uga shaqaynaaya ?. Yayse kala dagaalamayaan Africa?.

Nuxurka Aragtida:

* Weerarka lagu hayo Dekedaha istaraatijiga ah ee Africa , sida BerBera , Boosaaso, congo, dekedu ku yaala nigeria iwm. Ee Imaaraadku hogaaminaayo ,waxuu hordhac u yahay dagaalka dhaqaale ee lagula jiro qaarada Africa.

*Dakadaha Geeska Africa sida Berbera ,boosaaso , jabouti, Asmara iyo kuwa Africada kale gaar ahaan badhtamaha africa sida Congo DRC (oo dakadeeda dhawaan DP world la wareegtay ), iyo Nigeria oo ku taala galbeedka Africa oo dakado kuyaala dhawaan Dp wada hadal kula jirtay si ay ula wareegto lagos port), waxa loo aaminsanyahay meelahaasi inay yihiin halbowlayaasha fududayn kara isku xidhka dhaqaale /ganacsi ee dhex mari kara wadamada Asia iyo Africa.( Asian African Trade) , reer galbeedkuna waxay qorsheeyeen inay ka hor tagaan iyagoo adeegsanaaya ama ku dhuumanaaya UAE.

___________________________________________

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh , ee aan la wadaago aragtidayda iyo faalooyinkayga aan waqtiyada qaar kusoo bandhigo mowduucyo kala duwan , oo ka hadlaaya arimo kala duwan , oo ku saabsan badanaa Somaliland iyo geeska ay ku taalo.

Mowducan maanta xaga sare ku xusan, waxaan rabaa inaan si kooban u guud maro , koboca dhaqaale ee Africa ee waayadan danbe ku socda jaho wacan , sababta , wadamada qaybta ka ah, in Africa dhaqaaleheedu kordho , ama fursadaha u abuuray , dagaalka lagula jiro kobocaa dhaqaale ee Africa ka hanaqaaday iyo jidkaa wacan ee ay qabsanayso , wadamada ka shaqaynaaya ragaadinta dhaqaalaha Africa ,iyagoo ka wakiila reer galbeedka ( UAE),heshiiyada iyo weerarka lagu yahay dakado badan oo African ah sida somaliland , somalia, congo , Nigeria iwm. Intii alle qadaro Ayaan guud mari doonaa.

Qaarada Africa waxay la liicliicaysay, gaar ahaan 100 sano ee u danbeeyey Gumaysi , mar ay gumaysi shisheeye iska xoraynaysay iyo mar ay gumaysi sokeeye iska xoraynaysay ( Gumaysi sokeeye waa kali talisnimo xad dhaafa oo ku dhisan xukun milatri iyo kursi jacayl , taasoo curyaamisey hal abuurkii bulsha Africa ).

Africa markii ay badi xornimada qaadatay , reer galbeedka iyo gumaystayaashii waxay dajiyeen siyaasad ku dhisan inaanay Africa horumar gaadhin dhinac kasta , una ahaadaan dad la quudiyo oo aan ka faaiidaysan khayraadkooda dabiiciga ah iyo xoogooda shaqaale midnaba.

Siyaasadaas waxaa saldhig u ahaa , in wadan kasta oo xoriyad helay ,loo sameeyo hogaamiye kaligii taliye ah , aaminsana mabaadii’da reer galbeedka , oo iyaga danahooda ka shaqeeya .

Waxaa Africa loo soo abuuray ugu yaraan 50 sarkaal oo milari ah, kuwaasoo wadamadii xoriyada helay qabsaday , iyagoo reer galbeedka ka helaaya mucaawino dhinac kasta leh.

30kii sano ee u danbeeyey Africa waxay ku jirtay Halgan ay iskaga xoraynaysay kalitalisnimo iyo siyaasado ku dhisan Kala qaybin , colaado, gaajo iyo qaxoonti oo dal walba dusha ka saarnaa, halgankaas Africa ku jirtay waxa uu ahaa mid hubaysan iyo mid siyaasadeedba.

Africa waxay gar waaqsatay inay qayrkeed ka hadhay , inaanay ka faa’iidaysan nimcada ilaahay siiyey , ee deegaan leh ,khayraad leh bad iyo bariba ee xoog leh ( human capital) , waxaanay ku sabaaysay sidan:

1.   Kalitalisnimo maamul oo qaarada aafaysay (Government by a dictator),

2.   Musuqmaasuq Baaxad leh (Corruption or dishonest or fraudulent conduct by those in power, typically involving bribery).

Dareenkaas ka abuurmay bulshada ku dhaqan qaarada Africa , waxa uu sababay in xididada loo saaro dhamaan kali taliyayaashii qaarada qayrkeed ka reebay , waxa kale oo ay abuurtay wadamada qaar inay la yimaadaan siyaasado furfuran oo horumarineed , iyagoo sal uga dhigaaya inay wadamadii ay ka rideen askarta , ay u sameeyaan dib u heshiisiin rasmiya oo bulsho .

Taas waxay abuurtay in la helo wadamo badan oo ka mida shucuubta Africa oo suuragaliya sawir siyaasadeed oo xasilan ,oo aduunka soo jiidan kara , aduunkana wax la qabsan kara ,lana jaan qaadi kara isbadalka siyaasadeed ee aduunka , masaalixda jirta Fahamsan .

Waxa yaraatay fikirkii reer galbeedku ku dhex lahaayeen dowladaha Africa, sabab reer galbeedku iyagaa sabab u ah inaanay Africa horumar gaadhin waxaanay ka horjeedeen in bulsha africa ku dhaqani horumar gaadho.

Taasi waxay keentay inay wadamo badan oo Africa ahi fahmaan cida wax u qabanaysa iyaguna wax u qaban karaan .

10 sano ee u danbeeyey waxay Africa badi muujisay siyaasado furfuran oo ay ku horumarinayso bulshooyinkeeda , waxay soo jiidatay quwadaha ku cusub saaxada siyaasada aduunka sida CHINA , TURKEY , INDIA oo qaarada si xowli ah usoo galay , kana fuliyey mashaariic fara badan oo wax ku oola , oo dhinac kasta leh. 

Wadanka China ayaa noqday wadanka sababta u ah korodka dhaqaale ee Qaarada Africa, waxa uu ka fuliyey mashaariic fara badan oo ay ku reeyeen shucuub badan oo African ah sida Ethopia , sudan , Rwanda , Ugandha , Kenya, Nigeria , Togo , iwm. Taasoo abuuratay shaqo abuur badan , kordhisay dakhliga wadanka , dadkuna kaga soo kabteen saboolnimada haysay xaga nolosha .

Waxa jira wadamo wali qalbiga kala socda Gumaystayaashii reer galbeedka , Africana ku dhex leh awood oo wali dhanka reer gabeedka u janjeedha sida Egypt, morocco , Algeria iyo wadamo kale iyagoo ka shidaal qaadanaaya siyaasadaha ay hogaamiso KSA ee dabadhilifnimada reer galbeedka, kuwaas oo wali cagta haya horumarka Africa , dagaalna kula jira wadamada china ,Turkey ,India iyo Iran oo ah quwadaha casriga ah ee aduunka kusoo biray waqtigan xaadirka ah.

Wadanka China ayaa laf dhabar u ah koboca dhaqaale ee qaarada Africa.

Ganacsiga ka dhaxeeya china iyo Africa waxa uu gaadhay 150 billion USD, isagoo kobca sanadkiiba 19%.

(The total trade volume between China and Africa is about more than 150billion USD, Trade between Africa and China is shooting up by 19 percent every year).

CHINA waxa uu Africa ka qaataa alaabta caydhin , waxa uu maal gashadaa beeraha , kaluunka ,waxa lagu qiyaasaa waxa uu Africa ka soo iibsado ugu badnaan 50b sanadkii ugu yaraana 30b sanadkii.

(China imports from Africa nearly 50 to30 billion USD per year).

Dhaqaalaha Africa waxa uu ku socdaa sidan :

2016= growth 2.2%

2017= ,, ,, 3.0%

2018= predicted to be 3.7% as per the updated forecast released by the African Development bank .

Waxa hada la saadaalinayaa inay sii kordhayso ganacsiga ka dhaxayn doona Asia oo china hogaaminaayo iyo Qaarada Africa , taasoo meesha ka saaraysa ,saamayntii ay reer galbeedku ku lahaayeen qaarada Africa .

Reer galbeedku waxay dagaal toosa kula jiraan qaarada Africa , oo ay kala dagaalamayaan inay isku filaansho gaadho ,gacantoodana ka hoos baxdo, iyagoo wadamada sida china , turkey iyo india kala dagaalamaaya isdhexgalka dhaqaale ee ay la wadaageen ama la sameeyeen qaarada Africa.

Dagaalkaas reer galbeedku waxay u samaysteen wadamo ay kusoo dabo dhuuntaan , wadamadaas oo ku yaala bariga dhexe iyo Africa . wadamadaas waxaa ka mida UAE , dagaalkii dhaqaalaha Africana ka bilowday halbowlayaasha waawayn ee Africa sida Somaliland ,Somalia, C

ongo, Nigeria , Eritrea iyadoo ilaalinaysa maslaxada reer galbeedka ee ah in china laga ilaaliyo qaarada Africa , melaha halbowlyaasha ah ee uu ka soo gali karana laga hortago oo ay ugu horeeyaan dekedaha kuyaala marinada ay Africa iyo Asia iskaga dhowyihiin uguna istaraatijisan sida Berbera oo kale.

La soco qayb kale oo kooban insha allah oo aan kusoo gudbin doono, (Western Asian Trade), iyo (Asian Asian Trade),oo ah laba aragtiyood oo dagaal dhexmaray iskana soo horjeeday oo ku salaysnayd ganacsiga labadaas qaaradood reer galbeedka iyo wadamada wax soo saara ee qaarada asia iyo mida imika ay reer galbeedku dagaalka kula jiraan ee weerarka loogu yahay wadamada geeska africa ee ah NEW AFRICAN ASIAN TRADE.

Abdirashid Hussein Yusuf,

Email-gahaydhle@live.com,

Doha,Qatar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso