Venezueli ku guuleystay abaalmarinta sawirka ugu wanaagsan sannadka 2018

Sawir Qaade Ronaldo Schmidt oo ka tirsan AFP, ayaa helay abaalmarinta ugu fiican ee Sawirka sanadka 2018 “World Press Photo of the Year”.

Sawir Qaadaha reer Venezuela Schmidt ayaa sawirka qaaday intii lagu jiray mudaharaadyo rabshado ah oo ka dhan ah madaxweyne Nicolas Maduro oo ka dhacay caasimadda Venezuela ee magaalada Caracas sannadkii hore isaga oo sawir ka qaaday nin dab qabsaday intii uu socday iska hor imaad bilayska iyo dibad baxayaasha.


Abaalmarintan waxaa lagu dhawaaqay fiidnimadii caasimadda Holland ee Amsterdam, iyada oo sawir qaadayaal kale ay soo gaadheen kama Damabaysta kuwaas oo ay ka mid yihiin Evor Breckett iyo Adam Ferguson oo ah sawir qaadayaal la shaqeeya New York Times, Patrick Brown oo ka tirsan Wakaalada Panos Pictures iyo Toby Melville oo ka socday Reuters.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso