Adduunka Waddamada Ugu Biyaha Yar: Qalinkii Abdirashid M. Jama Belel

 

Dalalka adduunka oo ay biyo-yaridu heysto waxaa ugu horreeya kuwa afrikaanka ah iyo guud ahaan kuwa kale ee soo koraya. Waddamada ku yaala Bariga Dhexe iyo Wuqooyiga Afrika ayaa ah kuwo ay biyo-la’aantu aad u saameyso. Israa’iil iyo Jordan oo labadaba ku yaala Bariga Dhexe waxay ka mid yihiin waddamada ugu biyaha yar dunida. Arrintani waxa ay sababtay in israa’iiliyiintu ay dib u isticmaalaan biyihii ay horey u cabbeen.

 

Waddanka Jabuuti ee aynu jaarka nahay ma u malaynaysaa in uu noqday waddanka ugu biyaha yar adduunka. Biyaha ay isticmaalaan reer Jabuuti qaarkood waxay ka yimaadaan biyaha badda oo la macaaneeyey ama cusbada laga saaray, ayaga oo maalin walba soo saara 400 m3 oo biyo oo cusbada laga saaray. Kheyraadka biyaha ee Jabuuti waxaa lagu qiyaasay 10 milyan m 3 oo keliya, waxa kale oo xusid mudan in  dhawaan Jabuuti uu waddanka Itoobiya ceelal uga ogolaaday in ay ka qotaan gudaha dalka Itoobiya. Qoraalka af-ingiriiska ah ee hoos ku qoran oo mardhaw la soo saaray waxa uu caddeynayaa in baadhis iyo saadaalin mardhaw la sameeyey ay sheegeyso in shanta waddan ee ugu soo horreysa ee tobanka sano ee soo socda ku biiri doona waddamaha ay biyola’aantu haysato ay shantooduba ku yaalaan qaaradda Afrika, dhulka soomaalidu degtaana ku jiro waddamadaas. waxaa kaloo ka mid ah Kenya, Marooko, Ruwaanda iyo Koonfur-Afrika.

 

While the Middle East and North Africa are the regions most affected by water scarcity  today, sub-Saharan Africa will be increasingly affected over the next half century, as its population doubles or even triples in size. Within the next ten years, all five countries projected to join the ranks of the water scarce are in Africa: Kenya, Morocco, Rwanda, Land of Somali People and South Africa. (Source: PAI & FAO)

 

Namiibiya, Botuswaana iyo Burundi ayaa iyaguna ka mid ah dalalka ku yaala qaaradda

Afrika oo ay biya yaridu haysato. Waddamada ku yaala bariga fog ee Aasiya ayaa ah kuwa ay iyaguna biyo-la’aantu fara kulul ku hayso. Dalka Singabuur waxaa aad ugu yar biyaha, inkastoo dalkaasi ay xitaa ku yar yihiin kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

Dalalka Khaliijka (Sacuudi Carabiya, Qadar, Kuwait, Cumaan, Imaaraaadka iyo Baxreyn) iyo Yemen waxaa aad ugu yar kheyraadka biyaha macaan, waxayna arrintani ku qasabtay in ay biyaha dhanaan ee badda ay cusbada ka saaraan (desalination) si ay u cabbaan.

 

Sacuudiga oo kaliya wuxuu maalin walba macaaneeyaa 3 milyan oo mitirkubo oo biyaha badda ah, ayada oo ay warshadda Al-Jubeyl kaligeed nadiifiso 1 milyan oo mitirkubo maalin walba. Cusbo ka saaridda biyaha badda (macaaneynta biyaha badda) waa howl qaali ah oo u baahan quwad koronto oo fara badan, balse nasiib wanaag dalalkaasi waxay leeyihiin shidaal ay u isticmaali karaan arrintaasi. Cusbo ka saaridda biyaha badda waa arrin aanan u fiicneyn degaanka.

 

 

Nasiib-darro dalalka dunida ee faqriga ka ah dhinacyada dhaqaalaha iyo warshadaha ayaa waxay, haddana faqri ka yihiin kheyraadka biyaha macaan, ayada oo ay ugu wacan tahay in dalalkaasi intooda badan ay ku yaala dhulalka ay cimiladoodu kulshahay oo ay roobabku ku yar yihiin.

 

Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)

governance002@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso