Sheekadii Cuqaasha iyo Arinta Buuga Guri -Barwaaqo.Caaqil Caydaruus. W/Q: Ibrahim Xabbo

Sheekadii Cuqaasha iyo Arinta Buuga Guri -Barwaaqo.Caaqil Caydaruus.
Waar saw xaalladii Buugu iskamay degin ayaamahan.

Waan garanaayey maraka loo aamuso inay iska daallayaan.

Caaqil Miyir.
War la,aan ayaa coll hoday.

Waan ogahay inaa waxaas isku maaweelisaan laakiin maalinta ay xaajadu xumaato ayaad ogaan doontaa!

Caaqil Caydaruus.
Abti miyaad hanjabaysaa?
Abti Wadanku Dawlad ayuu leeyahay gacan bir ah wax ku qabata.
Horraa loo soconayaaa !

Caaqil Miyir.
Waxaan u haystay inaad dadka kalla taqaanaan.

Anaga xaafadayda waa ku ceeb hanjabaada iyo faanku.

Xaaajada waanu ka hortangaa intaanay xumaan, haday dhabaqdana ma callaacalno.

Caaqil Caydaruus.
Ina Guri -Barwaaqo markuu ka tago shaqada soo dacweeya oo suga.
ileen maanta waa Wasiir oo Maxakamadu uma yeedhi kartee.

Caaqil Miyir.
Waxaabad moodaa inaad ku hanjabayso Dawalada.

Maxaayeellay?
Aad ayaad ugu celcelisay Maxakamada iyo Dawlada.

Miyaanad ogayn sidan aad u dhaqmaysaan ay tahay kaallay is dilnee.

Waxaaban arkayey inaa Ciyaalkiinii soo fadhiisiseen Tv yada oo aa tidhaahdeen difaaca Guri – Barwaaqo waa Adeerkiine.

Caaqil Caydaruus.
Adeer dhalinyaro aqoon yahan ah oo iskeed isu xilqaantay ayey ahayde, maxaa ulla doodi waydeen?

Caaqil Miyir.
Adeer anagu Ciyaallka lama murrano, Arimahana kallama Doodno Caruurta aad soo fadhiisiseen TV ga.

Ciyaalkayagana anagaa fadhiisinay, mar hore ayey is heli lahaayeen Guri -Barwaaqo iyo ciidankiisa.

Markaa anaga tallo nama seegin marnaba Somaliland oo dhamina waa ka markhaati.

Caaqil Caydaruus.
Waxaan arkayey Caaqil Rashiid M Jaanbiirkii Waddani oo TV ga ka hanjabayee, miyaaad kulla socotaa adiguna arintaa?

Caaqil Miyir.
Adeer Arintani ma laha Waddani iyo Kulmiye toonee, nin Reerkiina ah ayaa Khaladamay oo odinkuna ku wada taageerteen madax iyo Mijaba.

Rashiidna waxa uu sheegay in waliba aa dadka xidhaysaan wixii hadla.

hadhawbay odhan layma Heesine.
laylama hadline.
Doob hurday hellay.
Hoobeeyooy hobay caashaqa.
Haa ha hilmaamine.

Awr Xamilkii ayuu qaaddaa, Xadhig se qalloocan ma qaaddo !!

 

W/q: Ibrahim Xabbo

La soco qaybaha danbe…….?

Advertisement

Ku Xayeysiiso