Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Oo Baaq Culus U Diray Bulshada iyo Xukuumada Somaliland

 

Hargeysa(ToggaHerer)-Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhawra oo ay kamid yihiin, Midnimada iyo wadajirka bulshada, Nabadgalayada dalka iyo baaqyo uu u diray xukuumada Somaliland

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ayaa ugu horeyn waxa bulshada reer Somaliland ku booriyey inay ka fogaadaan waxbaaha cunfiga iyo kala qaybsanaantooda sababaaya isla markaana ay u midoobaan si ay usii xoojin lahaayeen wadajirka iyo isku-tiirsanaanta qaran-nimo ee ay abidkood caanka ku ahaayeen,isla markaana ay ka koraan kana gud-baan caadifada qabyaalada ee dhawaanahan dib ugu soo noolaanaysa bulshada dhexdeeda.

 

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi ayaa sidoo kale Xukuumada cusub ee Kulmiye usoojeediyey inay ka hawlgalaan sidii loo bogsiin lahaa saamaynta xanaftii doorashadu ku reebtay bulshada Somaliland , isagoo isla markaasina usoojeediyey inay ka hawlgalaan sidii loo jihayn lahaa loona midayn lahaa bulshada bari ilaa galbeed,

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi ayaa sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa cusub waxa uu ugu baaqay inay dalka ku hogaamiyaan sinaan iyo cadaalad wada deeqda guud ahaan bulshada, isla-markaana la yimaadaan qorsheyaal ay ku jihaynayaan shaqana ugu abuurayaan dhalinyarada tirada badan ee dalka camal la’aanta uga tahriibaya.

 

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi ayaa gabagabadii waxa uu bulshada Somaliland ku adkeeyey inay u midoobaan isla markaasina meel uga soo wada jeestaan Adkaynta iyo ilaalinta nabadgalyada iyo waxkasta oo wiiqaya midnimada Qaran-nimada Somaliland, 

 

Dhanka kale Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi waxa uu bulshada Somaliland ilaahay uga baryey in ilaahay quluubtooda mideeyo, Abaaraha ,Sixir bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana alle si degdega uga dulqaado

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso