Madaxbanaani (da) , Aqoonsi Raadis (ka) , iyo Maalgashi (ga) 

Madaxbanaanida , Aqoonsi raadis(ka), Maalgashi(ga) Somaliland

____________________________________________

.( Sovereignty ,Recognition and Investment of Somaliland).

________________________________

   (Waa mowduuc ka kooban Sadex qaybood oo aan diirada ku saaraayo , sida aan looga shaqayn himilada somaliland ee ahayd aqoonsi in la helo , lagana shaqeeyo madaxbanaanida somaliland, ee hawlo kale lagu mashquulsanyahay, waa warbix ku dhisan xaqaa’qa wadanka ka jira ee dhinaca madaxbanaanida , aqoonsi raadiska iyo maalgashiga ).

Waa sadex eray oo xidhiidh leh , oo aan doonayo midba gaarkii naan wax uga idhaahdo sida ay u kala horeeyaan.

Dhamaan akhristayaasha sharafta badan , inta ila soo xidhiidha ,inta fikirkooda isoo gudbisa iyo inta ila wadaagta fikirkoodaba iyo guudahaan bulshada Somaliland waan salaamaya .

Muwaadin ila wadaag mowduucaas kor ku xusan, inaad tacliiqiso, wax ku darto ,ka reebto intuba waa kuu furantahay.

Madaxbanaanida somaliland waa rukunka ay ku dhisantahay qadiyada shacabka , Waana mabd’a guud ee uu ka shidaal qaato dastuurka dalka u dajisan.

Sida dhamaan shacabka Somaliland quluubtooda ku jirta , mudo badan ku seexanayeen , kuna soo toosayeen , waa jiritaanka iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland( The Sovereignty and the Existence of the Republic of Somaliland) , shacabkuna waxa uu muddo dheer ku taamaayey ama naawilaayey inuu mar uun helo aqoonsi caalamiya ,si ay uga mid noqdaan beesha caalamka , kaalintoodana ka ciyaaraan arimaha caalamka iyo kuwa gobolkaba.

Akhristayaal waxaan jecelahay bal inaan sharaxaad ka bixiyo , mabd’aas dhamaanteen aynu laabta ku hayno ee ah “Madax banaanida “ , “ Aqoonsiga” IYO “Maalgashiga” sida ay u kala horeeyaan , Anoo qiimaynaaya aragtidaydana ku cabiraaya , in Somaliland fulisay , una hawl gashay in laga midho dhaliyo mabaadi’daas aasaasiga u ah qaranka, barbardhigaayana waxa hadba laynoo sheego .

1. Madaxbanaanida; (Sovereignty; Self-governing state);

Madaxbanaanida waa eray loo adeegsado ama halbeeg lagu qiyaaso , in bulsha waliba awood iyo xaq u yeelato inay howlaheeda maamul, dhaqan, dhaqaale, bulsho iwm ,iyadu maamulato , jaangoyso , iyada oo aan cidna u dabo fadhiisanahayn ,ama aanay cidna faragalinahayn , raacaysa habab ama wadooyin , waxna iyada u gaar yihiin ,waxna ay caalamka kalamid tahay, (dhanka mabaadiida iyo shuurcda ).

(Sovereignty is the full right and power of a governing body over itself, without any interference from outside sources or bodies and it’s a power to control & adjust all your social affairs ,directs or orders what is to be done within a territory).

Marka guud ahaan laga hadlaayo madaxbanaanida iyo qoraalada laga sameeyey , doodaha ku saabsan madaxbanaanida ,madaxbanaanida waxa loo sameeyaa sifooyin ay bulshooyinka hadii laga arko xaq u yeelanayaan inay helaan madaxbanaani siyaasiya iyo mid bulsho ba , iyo sifooyin hadii laga helo aanay xaq u yeelanahayn inay helaan madax banaani iyo ixtiraam ah in lagu qadariyo hadafkooda ,dhulkooda ,dadkooda iyo siyaasadoodaba.

Madax banaanida iyo aqoonsiga waa laba shay oo kala duwan macno ahaan , sawir ahaan , ficilahaanba.

Waan soo kookoobayaa , waqtigii Africa ay helaysay xoriyada ama siday u kala horeeyeen xoriyada, waxa loo siin jiray , dalkasta marka la eego bulshadiisa ,kolba intii isku fillaan karta ,maamul ahaan iyo masuuliyad ahaanba , markaas gaaladu waxay halbeeg uga dhigi jireen erayga ( masuuliyad ) mid bulsho iyo mid gobo liyo guud ahaan caalamka ,in dadkaas xoriyada la siinayaa ,yihiin dad la jaan qaadi kara arimaha caalamka iyo hadba gobolka ay ka tirsanyihiin maamulina kara danahooda .

Hadaynu aragtidaas qaadano , madaxbanaanidu waa masuuliyad ayaynu odhanaynaa, Tusaale wiilkayari Ilaa uu qaangaadho ,oo uu masuuliyad qaadi karo ,ma madax banaanaado ,laakiin markuu Masuuliyad qaado ,macnaha waa madax banaanyahay , sidaa waxa loo soo qaadan karaa, (madaxbanaanidu inay tahay masuuliyad , masuuliyaduna inay tahay ilaalin ).

(Sovereignty is a Responsibility & Responsibility is a Protection of the People; If there is no Protection, there is no Responsibility, in the same case, If there is no responsibility, sovereignty may not be possible). This is as per my personal interpretation and understanding level.

Laga soo bilaabo 2000 ilaa waqtigan xaadirka ah ee aan joogno , waxaa aduunka ka socday doodo fara badan , oo mid waliba meel ay khusayso ,doodahaas kala duwanaa waxaa ka mid ahaa ;

#Isdhexgalka bulsho , dhaqan, dhaqaale ama Ganacsi ee caalamka oo waxyaabo lagu kala duwanyahay la soo dhexgaliyey how badnaadaan dhanka dhaqanka iyo diimaha,ama waxa loo yaqaano (Globalization), ama (Cawlama) ,oo ay dood dheer ka qabaan khubarada iyo mufakiriintaislaamka iyagoo sheegaaya ,inaan lays dhexgali Karin laakiin wax la wadaagi karo sida ganacsiga oo kale( Integration and respect to certain extend), islamka iyo gaalo,

#Nabadgalyada caalamka iyo sidii colaadaha gaamuray meesha looga saari lahaa ee bulshada caalamka ,diimaha iwm, (Eradication of International hostilities between the Nations around the World)

#Dabeecada , deegaanka , cimilada iyo horumarka aqoonta ; ( Nature , Environment & Knowledge System), oo ah marka aqoontu horumartaba ama heer wacan gaadho , waxa wax yeeloobayaa waa dabeecada , deegaanka ,oo wadamada warshadlayda ahi leeyihiin si cimilada loo wanaajiyo yareeya warshadaha oo noqda dad waxii aanu soo saarno uun quuta ooisticmaala ,idinku hadaad tihiin dunida sadexaad iska daaya warshadaha ,gaar ahana wadamada Asia iwm (Consumers but Not producers ) oo reer galbeedku wataan ,waa dood taagan ,ooshekadeedu dhertay, eek u saabsan cimilada iyo xakamaynteeda,

#Doodaha jira waxa ka mida oo aan uga dan leeyahay arimaha xuquuda aadamaha ( Human rights debates ), waxa la soo ururiyey wadamo badan oo dadkoodii laayey , xidh xidhay , dulmiyey, siyaasiyad ahaan , dhaqaale ahaan , bulsho ahaan iwm. Dooda ka dhalatay waxay tilmaantay oo ay sharaxaysaa madaxbanaanida lafteeda . waxa laysla gartay wadankasta oo dadkiisa ku ciyaara, xidh xidha , ka soo bixi waaya masuuliyada shacabkiisa , inaanu xaq u lahayn inuu helo madaxbanaani , dadkaasna masuuliyadooda ay saarantahay caalamka oo dhan , waajibna tahay in laga badbaadiyo. Doodaas midhihii ka soo baxay wadamo dhan ayaa ilaa hada lagu la’yahay oo lagu sameeyey faragalin, madaxdoodiina la cuny qaarna hada ay kawaanka saaranyihiin ,si loo badbaadiyo shacabkii la dulmiyey ,ujeedooyinkalena how wehelliyaan , laakiin halka laga dabqaatay waa halkaas.

Dalalkaas ilaa hada la galay , ee loo aqoonsaday inaanay madaxbanaani iyo ixtiraam xaq u lahayn , #sabab dadkoodii ayay ixtiraami waayeen ,oo xuquudoodii ku ciyaareen , ku tunteen, ka dib xaq u yeeshay in la faragaliyo ,maamuladaas ka jirana la dumiyo , waa wadamo waawayn oo la aqoonsanyahay ,faragalina lagu sameeyey ku dhisan ,mabda’a ilaalinta iyo xoriyada xuquuqda bani’aadamka.

Waxa mudan inaynu is waydiino suaashan hoose ;

#Goorma ayay bulsho xaq u yeelataa inay hesho madaxbanaanida ,maamul ,maaraynta iyo jaangoynta amuuraheeda kala duwan ? #Waa marka sawir noocee ah ay yeelato ?.

#Waxay Ila Tahay :

Si loo helo madaxbanaani , waxa mudan in laga shaqeeyo airman hoose ,xoogana la saaro in la dhiso sawir qurux badan oo soo jiidan kara indhaha caalamka:

* Degenaansho ,xasilooni rasmiya ,nabadgalyo dareen nabadgelyo oo bulshada dhexdeeda ka muuqda ,( Stability and Peace of mind ,Feeling love and Kindness toward Others),

* In la ilaaliyo xuquuda bani’aadamka , la tixgaliyo muwaadiniinta oo dulmiga laga ilaaliyo, ( human rights aspects , including civil ,political and socio economic rights)

* In la Tixgaliyo xoriyada fikirka iyo hadalka ( Freedom of speech ),

*In la wadaago awooda dowladnimo ,oo aanay koox gar ihi xuurtaysan, ( Sharing the power and employmentschemes ),

* Is dhexgalka bulshada iyo dareenka ah inay wax wada leeyihiin, dareen qaranimo inuu jiro ( Social integration and sense of Nationalism),

* In ay jirto Garsoor ,cadaalad rasmiya oo bulshadaasi ay leedahay, meel ay ku kala baxdo , oo ay aaminsantahay ( National Judiciary System ,confirmed by the people of the country ),

* Hanaanka siyaasadeed ee wadanku inuu yahay mid ku dhisan tartan iyo mabaad’i, kursigana lagu koro hadbarabitaanka shacabka ( The political platform of the country should be based on democracy and ideology ),

·* Inaad Tixgalin muujiso ku dhisan dariskaag ( Dariswanaag ) ( Perfect neighborhood philosophy),

Sawirkaas guud marka la akhriyo , ee uu noqdo wax lagu qanci karo ,ayaa waxa loo gudbayaa dhanka isku filaanshahadalkaas noloshiisa , dhaqaalaha soo gala guud ahaan qaranka , dhaqaalaha soo gala mustamaca , ilaha dhaqaale ee wadanku leeyahay , ganacsiga , nadaamkiisadhaqaale , shaqo abuurka , beeraha iwm arimahan hoose ayaa la daraasaynayaa ,oo ah tii keenaysay aqoonsiga,qiimaynaysayna meesha dalkaasi ka gali karo caalamka. Intan danbe waxay khusaysaa aqoonsi raadinta .

Waxay ila tahay in Somaliland, dhamaan qodobadaas aan hore kusoo sheegay oo dhan inay ka dhaawacanyihiin , loona baahanyahay intaan aqoonsi laga hadal , miisaaniyadna aan lagu bixin aqoonsi raadin aasaaskeedii dunsantahay, in laga hawl galo sidii qaranka madaxbanaanidiisa iyo sawirkiisa loo wanaajin lahaa , loogana dhigi lahaa wax indha bulshada iyo ta caalamkuba qabtaan.

Marka aad qiimayso sawirka guud ee Somaliland ,waxa kuusoo baxaaya ,inaan laga shaqayn qadiyada Somaliland ee rasmiga ah , hogaankana ay hayeen uun siyaasiyiin aan fahamsanayn sababta somalia looga yimid iyo masuuliyada la rabo in laga soo baxo ,aragti wacana aan ka haysan ama si badheedha u hagrada qaranimada , beena ka sheega qadiyada ,kana door bida dano gaara , shacabkiina isku mashquuliyey si ay uga jeestaan.

Sawirka guud ee Somaliland waxaad ka fahmaysaa inuu yahay “ mustaqbal been ku dhisan iyo malo awaal”, waa dunuubta waawayn ee laga galay dhalinyarada soo koraysa iyo shacabka samirka badan ee omaliland ilaahay ku uumay.

Madaxbanaanida waa masuuliyad aad u howlgasho , fuliso oo aad fududayso ,si loo gaadho ,loogana midha dhaliyo qadiyada qaranka, bulsho kasta oo masuuliyad muujisa ,tii dadkeeda ,gobolkeeda iyo caalamkaba waxa kaga beegama , waxay xaq u yeelataa inay hesho madaxbanaani,aduunkuna uu aqoonsado, waxii uu ku darsankarona la wadaago ,dhaqaale ,ganacsi iyo siyaasadba .

( Responsibility is the International Measurement of Sovereignty).

Maasuuliyadaas oo laga soo baxo loona howlgalaa waxay kaalin weyn ka ciyaari doontaa ,in beesha caalamku u soo istaagto Somaliland, lana dhagaysto doodeeda ,aakhirkana agu qanciyo caalamku inuu Somaliland aqoonsado.

Waxaan kusoo koobayaa madaxbanaanida = waa masuuliyad la muujiyo > waxay keenaynaysaa inay fududayso helida aqoonsi caalamiya .

Qaybta danbe waxaan kusoo qaadan doonaa AQOONSI (Recognition). Hadii eebe idmo.

Lasoco aybta 2aad…………………..

Abdirashid Hussein Yusuf,

Email:Gahaydhle@live.com

Doha ,Qatar

Advertisement

Ku Xayeysiiso