Dhawra bilicda wadankeena W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

 

Waxa  aad la yaabaysa marka aad bulshadeena barbar dhigto bulshooynka  lamidka ah ama wadamada inala midka ah bulshooynka  ku dhaqan sida ay u dhawrtaan bilicda dalalkooda iyo sida ay kuweenu u dayacaan dalkooda waxa kuu cadynaysa hadii aynu ugu horaynba  milicsano kuwa kudhaqan magaalooyinka wadanka .

 

Waxa aad arkaysaa kuwo inata  ay xashiishka iska xaadhan hadana ku qubay jidadaka ama hordhigaya kuwa la  jaar ka ah  waxa aad arkaysa kuwo biyaa xalka iyo saabuunta ku daadinaya jidadka laamayga ah kadibna ay saabuunt jeex jeexayso daamurka wadada  waxad arkaysa kuwo caagadaha ay sharabka ka caban ku tuuraya jidadka kadibna ay qashin isku rogayan marka ay baabuurtu jiidho waxad arkaysa  kuwo garaabada ku daadinya jidadka waxad arkaysa kuwo kaartoonta iyaguna ku daadinaya jidadka waxaad arkaysa iska rogo ciid sida dabaduna u furantay ciiduna kaga qubanayso wadada ay marayso,

 

Dhanka miyiga hadaynu u yara leexano iyaguna may yaraysan oo dhankooda  waxay wadan haawlo kuwanba kadaran waxa ay jareen dhirtii oo ay labo ukala  qaybiyeen qayiib dhuxul laga shiday qayiib seerayaal lagu ooday  waxa aad yabaysa marka aad argato kaymo xidh ahaan jiray shiniduna malabka dhigi jirtay midhah noocyadooda  kala duwani ay kabixi jireen oo duur joogta quruxda lehi joogi jirtay oo xoolu  gu’  iyo jiilaalba ay ku Noolaan jireen oo dugsoonka adan waxba huwnjirin oo udgoonka ubaxa dhirtu sanka aad laraaci jirtay  oo hadh macanida aadan katoosi jirin oo dab la galiyey  oo dhuxul laga shiday ama seere laga dhigay ama banaan cadba noqday  oo aad hanfiga iyo kulaylka aad haraadayso oo aadan moodaynba dhulkaad taqaanay  oo xooli uugamayaan  markii ay waayeen kayn ay galaan ama geed ay daqaan oo naf leh .

 

Ugu dambayntii wadaniga dhabta ahi kan maha ee waa ka wadankiisa dhawrta ogow hadii aad wadankaaga dhawrato waa gurigaagi oo aad dhawratay haadii aad dhawran waydana waa gurigaagi oo aad dayacday  hadaba bal fikira bulshoy oo dhawra wadankeena .

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan

                                           Hargeysa somaliland

                                       Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso