Adeegga Zaad Service Shirkadda Telecom .

 

Waxaaa xusid mudan in shirkad telesom ay si mug leh uga shaqeyso xaaladaha sicir-bararkadalka ka jira, oo ay waliba wakhtiyo kala duwan Xukuumadda Somaliland & Baanka Dhexe ba ku barbar istaagtay lacag Malaayiin Dollar ah si loo xakameeyo sicir bararka, isla markaana si joogto ah uga bixisay tallooyin af iyo qoraalba oo kuwajahan kor-u-qaadista qiimaha shilling-ka Somaliland.

Waxa kale oo xusid mudan in shirkadda telesom ku maalgelisay dhaqaale culus “Adeegga ZAAD Somaliland Shilling” si ay uga qayb-qaadato dhiirigelinta Shilling-ka somaliland

Waxa marag-madoon ah in Adeegga ZAAD uu kaalin weyn kaga jiro horumarka Ganacsiga iyo isku-tiirsanaanta Bulshada, taasi oo tusaale ay u tahay inta gurmad Abaareed ay kaga qayb qaadatay iyadoo bulshadeeda wax dib ugu celinaysa.
Sidoo kale, adeegga ZAAD waxa uu noqday hawl-fududeeye kaalin lafdhabar ah kaga jira wax kala iibsiga iyo isu xawilka lacagaha

Sidaas darteed, waxaa cad oo inta caqligu sida saxda ah u shaqaynayo og tahay in adeegga ZAAD aanu marnaba sabab u ahayn “Sicir-Bararka” iyada oo 8-dii sannadood ee adeeggu uu shaqeynayay marxalado kala duwan uu sarifku soo maray oo qaarkood uu gaadhay halkii u hooseysay
#HADABA
Iyadoo u heelan shirkada telesom bulshadeeda ayay adeeg cusub u keentay iyadadoo qofkastaa lacagta dollarka ah ee ugu jirta mobilkiisi si dhib yar ugu sarafan karo mobilkiisa dhexdiisa uguna badalan karo somaliland shilling

✔Si aad Zaad-Dollar ka Sim card kaaga kugu jira ugu baddalato Somaliland Shilling,
fadlan garaac *886*Lacagta#, ka dibna number kaaga sirta ah gali.

Waa fursad iyo adeeg kale oo qiimo badan oo ay Shirkadda Telesom bulshadeeda u soo kordhisay sidoo kalena kor loogu qadaayo qiimaha Shiling ka Somaliland.

Ugu dambayntii,
____________
Shirkadda Telesom waa shirkad Qaran, oo ka shaqaysa danaha iyo horumarka bulshada, markastana u keenta adeegyo waxtar u leh, kana fog waxkasta oo dhibaateynaya ummadda somaliland

ZAAD-ku waa adeeg ballaadhan oo bulshada Somaliland oo dhan isticmaasho miyi iyo magaalaba, muddo kooban oo 48 saacadood ah in lagu xadido waa mid aan marnaba caqli ahaan, farsamo ahaan iyo sharci ahaan toona suurtogal ahayn.

W/Q: BURAALE JAMA ESSA

Advertisement

Ku Xayeysiiso