Madaxweynaha Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, Wakiilada  Iyo Axsaabta Qaranka Somaliland

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID  iyo WADDANI,  Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

 

 

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

 

 

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 


Advertisement

Ku Xayeysiiso