Halista caafimaad daawooyinka dalka

Bulshadii somaaliyeed oo ka liitA
jiirka daawooyinka lagu tijaabiyo marka loo eego isticmaalka dawooyinka dalka dibada uga yimaada pharmasiyada sii badanaya baadhis la anta dekedaha dalka siyaasadii caafimaad ee dawliga ee maamulka daawada oo luntay hayadii u xilsaarna oo iyana lumiyey masuuliyadoodi shaqo cusbitaaladii iyo rugahii caafimaadka dalka oo ay ka hawl galayaan
Shaqaale ajanib ah oo aan lala socon aqoontooda caafimaad

Fariin caafimaad xogta dhibaatada caafimaad ee dawooyinka
Dalka dibada uga yimaada mooganaanta dadkeena dayacnaanta masuuliyadeed ee hayada daka ee u xilsaaran ka socodkooda tayo

Qore dr buux fariin caafimaad

Xogta dahsoon ee ku saabsan waxyeelada caafimaad daro ee kasoo gaadhaysa bulshadeena tayo xumada daawooyinka dalka dibada inooga yimaada oo hada ku dhaw arin aan marna indhaha laga qarin karayn oo sababay kor dhimasho caafimaad daro cuduro aan hore u jirin oo ku soo badanaaya dalkeena sida xanuunka kalyo istaaga cudurka cancerka

Tirada pharmaciyada ee ka jiray dalkii hore loo odhan jiray somalia oo xadidnaa dawooyinku waxay ku jireen gacanta dawlada soo dajin iyo la socodba wakaalad markaas ayaa dawooyinka ay ka iibsan jireen wakaalada dawooyinka dalka sidoo
Kale pharmasiyadu waxayku shaqayn jireen maamulka iyo shiruucda dawliga ah ee dalka u dajisnaa

Waxa sidoo kale jiray cusbitaaladii iyo mch yadii dawliga ahaa oo
U shaqayn jiray sifo maamul dawladeed oo bulshadu ay kala xidhiidhi jirtay baahiyaadkooda aasasiga ee caafimaad
Ma jirin daawo aan lala socon tayadeeda waxtar oo dalka soo gasha
Ama ay iska keeni jirtay ganacsato xor ah oo aan lala socon sida maanta dalka ka jirta iyadoo shaqaalaha caafimaad ay ka mishahar yaraayeen shaqaalaha maanta jira ayaa qof kastaa uu u hogaansana sharciga iyo ku dhaqankiisa dawladnimo waxaan meesha ka maqnayn laalushka iyo musuqmaasaqa

Maanta waxa sii batay pharmasiyadii dalka waxa limay siyaasadii caafimaad ee dawliga waxa samaysmay wadaad keena daawooyin aan lala socon tayadooda oo furtay shirkad daawo ah
Waxa ku dhacay jahawareer ku yimid bulshadii somaaliyeed ee
Xanuusanaysay waxa dhacday nin buka boqol u tali waxa samaysay schools caafimaad oo ay kasoo baxayaan arday aan lahayn wax aqoon caafimaad aan lahayn sidoo kale bulshadii markii daawadi ay waxba ka tari wayday caafimaadkooda waxa ay talo ula tageen goobo cusub oo iclaajyo loogu yeedho
Sidoo kale shaqaalahi ajanibka oo ka shaqaynaaya rugahii caafimaad ee dalka halka dr dalka u dhashay ay ku shaqo la yahiin
Gobolada dalka waxay taas ay iftiiminaysaa la socod la aanta iyo mooganaanta maamul xumo ee wasaarada caafimaadka dalka iyo hayada tayada oo aan soo kordhin wax talaabo shaqo

WQ: Dr Buux
Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com
0634130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso