Digtoonida Muuse, Dagaalka Djibouti, Duullaanka Farmaajo, Dulsaarka amxaarka

Digtoonida Muuse
Dagaalka Djibouti
Duullaanka Farmaajo

Dulsaarka amxaarka
Dilaal shilimeedka

Amiirada duubka
Cigaal ku dahaadhay

Dantii shacabkaygu
Ka weyn dubay woole (Dubai world).

Qoraal badan odhan maayo, waayo dadkayga iyo xukuumadda Somaliland waxay la socdeen beryahan dagaalka dhinacyada badan leh ee lagu wada socda dalkana lagu soo qaaday.  Taas oo u baahan in farsamo iyo si xikmadaysa loo waajaho fursadahana  looga faa’iidaysto. Waayo mar la arag aad qaali ah oo aan Somaliland dib u soo mari doonin.

Maadaama intaasi jirto waxaan halkan ku soo gudbinaya qodobo tallooyin ah iyo inyar oo jacbur suugaaneed ah oo aan dabdhah uga dhigayo.

1-      Dagaalka Djibouti wado waa mid dhaqaale, waxayna geed dheer iyo geed gaaban u fuulaysaa in somaliland la burburiyo, waxana tusaale kuugu filan colaadda ay toddobaadkan ka ridi doonto xudduudaha Somaliland iyo Soomaaliya , gaar ahaan dhinaca Puntland oo ay kula talisay inay dagaal bilaabaan, Farmaajona taageero.

2-      Mooshinka ka socda baarlamaanka Muqdisho ee uu hagayo Guddoomiye ku xigeenka Jawaari ee uu magacowday Ina Cumar Geele. Kaas oo fulinaya danaha Djibouti oo lala kaashanayo, Turkey iyo Qatar dhaqaale ahaan.

3-      Danaysiga Itoobiya oo danteedu ka fogtahay mid saami ay ku yeelato Dekeda Berbera uun ee hadhoowto arinteeda meel fog laga dooni doono. Haddaynaan si farsamo ah uga siibanin oo aynaan u dhigin. Si hadhoow la isaga difaaci karo sharci ahaan waa inay ku dhawaaqdaa citiraafka Somaliland, hadday nasteexo jirto ay dal ahaan inoo hayso.

4-      DP WORLD iyo dawlada Emarites hadday dhab ka tahay inay dano dhaqaale doonayaan, si ay taasi u hirgasho waa in ay si degdega u citiraafaan Somaliland, si heshiiska sawirka ugu weyn ee la dhaafsanayaa taas u noqdo.

5-      Madaxwayne adiga iyo xukuumadaadu xigmad wayn oo aynu fursadan qaaliga ah kaga faa’iidaysano ayaa lagaaga fadhiyaaye, la yimaada.

6-      Xisbiyada mucaaradka ah waxaa looga baahan yahay marka ay taagan tahay danta qaranka inay ku dabo faylaan xukuumadooda, taas oo aan ahayn inay wax walba ku raacaan laakiin waa inay la yimaadaan toosin caafimaad qabta sida tan aan imika wado oo kale.

Suugaantan Jacburka ahna ila wadaaga.

Digtoonida Muuse

Horaan ugu doortay

Haddeerna ma diidin

Midh baase digniin ah

Aan daaha ka qaado.

Dagaalka Djibouti
Kamaan demenayne
Horaan dirir baasta
Duruus uga qaatay
Dir bay shalay eeday.

Duullaanka Farmaajo
Dibnaa warka dhaafay
Dammiin ma ahayne
Ninkii dirtay mooyi.

Dulsaarka amxaarku
Ka dheer dulucdiisu

Duntaa dhumucdeeda

Halkuu ku deyayaayo
Dibaa mari doona.

Dilaal  shillimeedka
Qadayn iyo doolar

Dib aynu u eedno

Raggoow dalqadiina

Digniin li’ideeda
Dab baa ka holcaaya.

Amiirrada duubka ,
Cigaal ku dahaadhay,
Dammiir uma noola

Duwaalka carbeedna
Dun kii la wadaagay
Dabkaa ka holcaaya

Ciraaq ma dunsheene
Sancaaba ku daysay
Bal Suuriya daawo.

Duruufaha yaale,
Dhamaanba isdiidan,
Dantii shacabkaygu,
Ka weyn dubay woole (Dubai world).

Dabuubta warkaygu

Dalkoo citiraaf leh
Haddaan lagu duugin,

Baasboorka dadkeenu

Dayuurad ku raacin
Dammaanad ma hayno,
Heshiis dibindaabyo,
Dadkaygu ma qaato.

Mubarak Qoorubaxay

Sweden.

Advertisement

Ku Xayeysiiso