KAALINTII AY HOOYADU KU LA HAYD NOLOSHII REER GUURAAGA IYO DHIBAATOOYINKII AY KA DHAXASHAY.

​Cumar Axmed Cali. Q/2aad
2) Hirgalinta aqalka Soomaaliga;  Soomaalidu markii ay ku tafiirantay gayigan aynu maanta ku nool nahay, waxay kala kulmeen caqabado ka horyimid  habsami u socodka hamigoodii ahaa in ay dhidibada u taagaan nolol xasiloon oo ka hirgasho dhulkii xeebaha ah. Waxaana taa ugu wacnaa dadkii ay ugu yimaadeen dhulkan  oo aan la hayn   xadaarad iyo ilbaxnimo  ay ka dhaxlaan, taa soo  sababtay in ay waayaan adeegyo badan oo ay baahi weyn u qabeen, sida  helida guryo la jaanqaadi kara nolosha reer guuraaga. Hadaba waxaan halkan si kooban ugu  tilmaami doonaa, sidii  hooyooyinkii hore ee Soomaaliyeed ugu  guulaysteen in ay gufeeyaan baahidii guri la’aaneed ee la soo daristay  markii ay bulshada Soomaalidu ka aas aasantay geeskan Africa ee aynu maanta ku noolanahay. Waxa kale oo aan isdultaagi doonaa haddii RABI ogolaado sidii ay hooyooyinku ugu dhabar-adaygeen howshii aan dhamaad lahayn ee ka qabsatay taabo galintii Aqalka-soomaaliga.

 

Guryihii  dugsoonaa ee Soomaalidu soo kala dhaxlijirtay fac ilaa fac,  waxa injiineero iyo farsamayaqaanba ka  ahaa haween Somaliyeed oo aan nuuxsiga aqoon, ku waa soo mar walba  heegan u ahaa sidii ay u hirgalin la haayeen aqaladii quruxda badnaa ee Soomaalidu ku soo hanaqaaday.
Dhisida guriga-dasadu maaha hawl si  dhib-yar loo fuliyo, ee waxay ku midho-dhashaa  waa  tacab iyo dadaal badan oo aan nasasho lahayn, waxaana  howshaa heegan u ahaa hooyooyin ku xeeldheer  nashqadaynta iyo samaynta Aqalka-soomaaliga, ku waa soo ka curin jiray cowska iyo dhirta   oo ay si farshaxannimo leh  iskugu habeeyeen.
Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidu waxa kaalin mihiim ah kaga  jirey  hirgalintii  Aqalka-soomaaliga,  kaa soo daboolay baahidii la soo daristay markii dhidibada loo taagay noloshii reer guuraaga,  xiliyo aanay jirin magaalooyin camiran iyo maamul lagu tiirsadaa midna. Inkastoo abyidda Aqalka-soomaaligu  ahayd howl midho dhashay,  hadana waxay  dhiigbax iyo dhabar-jabba  ku  ahayd, hooyadii la kacaa-kufaysay sidii ay u hirgalin lahayd  hoy laga dugsado  Dhaxanta  iyo Hanfiga jiilaalka.  Dhisida  iyo samaynta Aqal-soomaaliga maaha howl marnaba  dhamaata, ee waxay u baahan tahay  shaqo joogto ah oo habeen iyo maalinba loo taagnaado, waxaanay taasi   warwar badan ku haysay hooyadii  jiif iyo joogba ku wayday howshii aan dhamaadka layn ee taalay noloshii baadiyaha.

3) Geediga iyo waayihiisa; Geedigu waa astaan ka mid ah astaamaha lagu yaqaano reer guuraaga,  waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay ka ugu dhibta iyo rafaadka badan nolosha  baadiyaha, marka la eego diiftii iyo daalkii ay kala kulmijreen xiliyada ay reeruhu guurayaan.
Geedigu waxa  uu ku yimaadaa siyaabo badan oo kala duwan, waxa’se  ugu caansan seddex marxaladood oo keena geediga la guuro, midda  koobaad  waa  xiliga kaliisha ee  xooluhu abaarsadaan islamarkaana  loo raadinayo meel ay ku yaalaan geedo qoyan oo xooluhu ku doogsadaan, midda labaad  waa xiliga dayra-dhaafka oo loo guuri-jirey meelaha Biyaha agtooda ah, si ay dadka iyo duunyadaba  ugu dhawaadaan ceelasha laga cabo,  midda  sadexaadna waa  marka ay beeluhu isqoonsadaan dhexdoodana colaaduhu ka qarxaan ee qolo waliba dhinac u firdhato.  Si-kastaba  ha  ku yimadee waxa hubaal  ah in  dhibta ugu badan ee geedigu ku  dhici-jirtey  hooyadii  Soomaliyeed ee  la daalaadhacaysay duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee ku haystay noloshii baadiyaha, taa soo dhibta iyo rafaadka ay la noolayd uu  ka muuqan jirey oogadeeda . Hadaba marka uu roobka gugu ka ka hooro dhulka daaqsinta ku haboon, waxa  loo  hayaami-jirey  halka  ay  deegaantu ka  curatay, si loo gaadho kaymo rays iyo ugbaad leh oo xooluhu ka gu’yaad sadaan. Sida uu dhigayo sharciga reer guuraagu, waxa go’aanka geediga iska  leh   odayaasha reeraha u taliya,  iyagaana cayimi jirey xiliga la guurayo iyo meesha loo guurayo. Waxa kaloo  iyana qasab  ahayd in la rarto  guryihii  ay ka dugsan-jireen  dhaxanta iyo milicda jiilaalka.
Markay ay hooyodu maqasho  go’aanka geediga waxay u diyaar garoobi jirtay sidii ay  waabariga u raran lahayd awrteeda,  iyadoo islamarkaaba  bilaabi-jirtay  howsha geediga ee hortaala, waxaanay u kala horaysiin jirtay hadba sida ugu suuragalsan ee ubadkeeduna u sii dugsan lahaa guriga, iyaduna  howsha iskaga sii fududayn la hayd.
Hooyadu habeenkaa may seexan jirin  ee waxay la xarbiyi jirtay sidii ay iskugu dubaridi lahayd howsha geediga ee sugaysa, waxaanay raridda awrta bilaabi jireen intaan waagu baryin,  caawimo mooyee hooyadu iyadaa u taagnayd rarashada awrteeda.  Waxa kale oo suuro gal ahayd in hooyadu qabto   duruuf iyo waayo u gooni ah oo ay la tiicayso, hase yeeshee  wakhtiga iyo  waahaya la joogaa  u  ogolaan waayay   in ay hesho daryeelkii iyo caawimadii ay u baahnayd, sababta oo ah xiligaa wax waliba  way xadidnaayeen mana jirin wax lagu daryeelo oo halkaa yaalay. Hooyada  lafteeda  way u muuqatay in aanay jirin meel kale oo ay u ciirsataa, oo aan ahayn noloshaa geediga iyo galab carowga ku dhisan.
Si-kastaba xaalku ha ugu  adkaadee hadana  hooyo waliba  waxay salaada-hore hogaanka u qaban jirtey  awrtii  ay  u saarnaayeen   aqalka iyo ubadka yar yar ee lugayn kariwaayay.
Iyadoo hooyadu diifta iyo daranyada ka muuqata aanay cidi qiyaasi karaynin  ayay hadana gali jirtey boqolaal mayl oo socod iyo soomal-haad ah, waxaayna  maalintii oo dhan  sii dhex jibaaxi jirtey dhul oomana ah oo ci’da shimbiraha iyo duurjoogta mooyaane aanay jirin wax kale oo la weheshadaa.
Hooyada socodka daalka badan ee haystay  waxa u dheeraa oonka iyo gaajada ay la qama-dhacyoonayso,  maxaayeelay halkaa kamay jirin hudheelo iyo dukaamo marka la gaajooto loo doonto cunto iyo biyo nafta lagu sabaa.

Waxa kasii darnaa markay reeruhu guuraan hooyadu waxay xambaari-jirey ilmaha yar ee awrta iyo lugta midna u qaban waaya, waxaanay dhabarka ku sidi jirtey maalin oo dhan iyadoo mararka qaar xanbaarsanaan jirtey cadeed-soobax ilaa gabal-dhac.

Waxay hooyadu ilmaha yar ee ay dhabarka ku sido, kala gudbi jirtey  dhul aad u kala fog oo ay adag-tahay in ay cidiba ku noolaato, taa soo iyada iyo ilmaha yar ee ay xambaarsan tahayba hanfiga iyo milicdu ku leefaysi-jirtey dhulka omoska ah ee ay la lugaynayso.
Inta badan markuu gabalku sii dhacayo waxa reeraha la furi jirey meel cidlo ciirsila’ ah oo aanay ka jirin  goryo ay dadku seexdaan iyo xerooyin ay xooluhu u hoydaan midna.
Hooyadii xalay oo dhan la xarbiyaysay furfuridda iyo raridda aqalka,  ee  maanta oo dhan awrta raran gadhka jiidaysay, ee ka soo gudubtay boqolaal mayl oo gaajo iyo haraad yaalo, ee daalka iyo gaajada haysa cagaha dhulka la waa waayaysa, ayaa hadana  laga sugayay in ay dhisto gurigii loo hoyan lahaa, iyo in ay kariso cuntadii la quudan lahaa, taa soo baahida loo qabaa ay tahay mid heerkeedu aad u sareeyo,  sababtoo ah sabiga  gaajaysani ma awoodo in uu u sii adkaysto dihaalka gaajada ee uu la dubayoobay.
Waa Hooyo 24saacdood oo  xidhiidh ah la ladgamaysay howl aan kala go’ lahayn, oo hadana ay u bilaabmayso mid kale oo oodeheedii wadataa, oo ilowsiisay  daalkii iyo gaajadii ay la  ciirciiraysay. Waxa kasii daran halkaa inta badan ma oolin mahadnaq iyo hadalo beerqabiwsi  leh oo hooyada samirka u xoojiyaa. Waxa’se wehel u ahaa  adkaysigii iyo yuhuuntii ay ka dhaxashay jiilkii iyada ka horeeyay ay ka midka ahaayeen hooyadeed iyo ayeeyooyinkeed, ku waa soo ay u garaadaysatay iyagoo la xarbiyaya howl aan dhamaad lahayn. By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed 331@gmail.com/0634244802.

Advertisement

Ku Xayeysiiso