Mahadsanid Nabi Muusoow! (1)

Mahadsanid Nabi Muusoow! (1)

Akhrinta, dheehashada iyo dhugashada casharrada laga baranayo taariikhda tagtada ahi, waa mid lafdhabar u ah; hagaajinta iyo tayaynta taaganta iyo timaaddada nolosha aadamaha.

Qormadan waxa aynu dul istaagi doonnaa murti badan iyo mahadhooyin laga dhaxlay sheekada ugu badan ee Rabbi “Korreeye” Qur’aanka kariimka ah ku xusay. Sheekadaa oo ku soo aroortay suurado badan oo Qur’aanka kariimka ah ka mid ah. Waa sheekada Nabi Muuse “Calayhi salaam”.

Waxa aan qaybta hore ku soo gudbin doonaa 15 cashar oo nolosha qofka bini aadamka ah wax badan ka beddeli doona haddii si ridan loo dhugto!

Bal hadda si xeel-dheer iila dhugta:

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in adduunkan Ilaahay maamulo, waxa uu samada ka go’aamiyo oo keli ahna ay dhulkiisa ka dhacaan. Fircoon waxa uu gawracay oo dhegta dhiigga u daray kumannaan ubad ah, si’ aanad adigu u dhalan oo u iman, markii aad dhalatayna isaga oo cabsi qaba, qaddarta Rabbina ay ku timi, ayuu qasrigiisii kugu barbaariyay!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in haweeneydu marmarka qaar go’aan qaadashadeedu ay u dhigmi karto “go’aan qaadashada” kun nin oo la iskudaray. Hooyadii Rabbi kaa beeray, waxa ay qaadatay go’aan adag oo ah; “in ay webi ku gu tuurto”.! Walaashaa kula dhalatayna, waxa ay qaadatay go’aan ah; “in ay sanduuqii lagugu riday dusha kala socoto oo isha ku hayso, si’ ay u ogaato halka aad ku danbayn doonto”! Aasiya oo xaaskii Fircoon ahina waxa ay qaadatay go’aan ah; “in ay saygeeda ka hor istaagto go’aan uu ka qaadan lahaa in lagu badbaadiyo, gurigeediina ay kugu koriso”!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in cidda keli ah ee dhiirranaan iyo calool adayg bixisaa uu yahay Rabbi“ Korreeye” oo kali ah. Haddii aanu Rabbi hooyadii uu kaa beeray ugu deeqi lahayn calool adayg, kuma ay dhacdeen in ay webiga kugu tuurto adiga oo beerkeedii ah!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dhammaan abuurta “Makhluuqa” Ilaahay abuuray ay ka mid yihiin ciidamadiisa gaarka ah, maxaa yeelay, webigii lagugu riday marka uu fataho hortaa, reer banii-Israa’iil waxa ay ku dejin jireen oo ku ridi jireen hablahooda ta ugu qurux badan, adigana webigaas ayaa Ilaahay kuu sakhiray oo kuu noqday gaadiid aan adiga waxba ku yeelin, walibana ku gaadhsiiya gurigii cadawgaaga si’aad “timaaddada” u baabiiso kibirkiisa!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in adduunka oo dhami uu ka macno yaryahay hooyo ubad Rabbi ka beeray! Hooyadii Rabbi kaa beeray wadnaheeda waakii Ilaahay kusheegay “Mid madhan” markii adiga lagaa qaaday, iyada oo dhammaan walaalahaa ay la joogeen. Sababtu waa in Hooyadu ubadkeeda ugu jeceshahay ka ugu yar inta uu ka waynaanayo, ka maqan inta uu ka soo noqonayo. Adiguna waxa aad ahayd midkii yaraa oo maqnaanshana ku sii darsaday! Waxa se abaal-celintii Rabbi noqotay, in Alle kuu soo celiyay oo ay kugu indho-doogsatay.

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dadku kolka ay dhibaataysan yihiin ay u baahanyihiin cid laabta u qaboojisa oo garab istaagta.
Rabbi “Korreeye” hooyadii uu kaa beeray markii lagaa qaaday waxa uu ku yidhi “Ha baqan oo ha murugoon” Suurat Qasas;7. Taasi laab-qaboojin iyo dajin nafeed uga badnayd! Aadamahana dhibaatooyinka iyo murugta nolosha la soo darsaa, waxa ay iftiimiyeen in “qofka” waxa qudha ka jara ama jidh dilaa, aanuu xanuunka jidhka ku dhaca oo kaliya ahayn, se xanuunka nafta iyo ruuxda soo gaadha oo cid iyo garab la’aan ku haleeyaa uu yahay kan aafada ugu badan gaadhsiiya bini aadamka, baqashada iyo murugadu kow ha ka ahaadaane !

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in aanan xaqdarro ugu hiilin mid tolkay ah iyo mid saaxiibkay ah toona. Maalintii nin tolkaa ah laga-gardarnaa waad u hiilisay, markii labaad ee aad ogaatay inuu gardarro wadana waataad ku sigatay in aad isagana disho!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in xaqa iyo xaq-darradu kolka ay dirirayaan aanan dhex-dhexaad ka noqon’ se aan xaqa garab-joogsado, haddii aan wax ka qaban kari waayana, marka ay ugu yartahay aan sheego oo aan afkayga ugu hiiliyo xaqa. Ninkii Rabbi ku sheegay sheekadaada, in uu magaalada koonaheeda ka soo cararay, waxa uu la ordayay ee uu gurmadka kuugu ahaa in uu kuu sheego; “Madaxdii way kuu tashanayaan si’ay kuu dilaan’e, magaalada ka carar” Suurat Qasas; 20. Waxa uu ninkaasi xaqa ku garab istaagay in uu ku soo gaadhsiiyo farriintaas badbaadadaadu ku jirtay!.

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dadka qaarkii aanay qiimayn wanaagga aad u fasho, kaba daran’e marar badanna harraati iyo nabar ay ku gaadhsiiyaan, dad aad shalay kaalmaysay!. Ninkii aad tolka ahaydeen ee aad awgii naf u dishay, ayaa haddana kaa war-sheegay adiga! Waxa aan ku bartay abaal-celintii ninkaa tolkaa ah; in aan aniga oo wanaag sameeyay, wax badan oo taban haddana aan filan karo.

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; diinta iyo farriinta Alle, cidda qaadaysa in Ilaahay doorto oo uu xusho, Alle kaligii. Yaa kaa nasiib badan marka Rabbi “Korreeye” ku leeyahay ; ( Waxa aan kuu abuuray naftayda ) Suurat Daaha; 41, si’aad u noqoto “Rasuul Ilaahay” oo waajib ballaadhan dusha u rita.

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in abaal-marintu mar walba ay u dhiganto falka aad samayso. Gabadhii Ilaahay dartii ilmaheeda wabi ugu tuurtay waxa uu Rabbi ku abaaliyay in uu ilmaheedii usoo celiyo, dhagar-qabihii ka shaqeeyay in hooyooyin badan ay ubadkooda waayaanna, xaaskiisii, adiga Ilaahay kaaga yeelay hooyo labaad!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in wanaag, itaalkay wixii aan sameeyo, aanan cidna abaal ka sugin. Waatii aad hablihii “kaalmo-rageed” –ka u baahnaa aad u dhaamisay, kolkii aad dhammaysay kaalmadoodiina aad geed iska hoos fadhiisatay, adiga oo u baahnaa cid ku caawisa oo socoto ku ahaa, magaalo kugu cusbayd!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dhaashi ama wax gabadhi isku bisho, kan ugu qurxoon uu yahay “Xishoodka”. Rabbi kolkii uu nooga warramay inantii kuugu timi geed hoostiis si’ay ku soo gaadhsiiso farriin aabbaheed kaaga timi oo ahayd “abaal-celin” tii caawintaada, waxa uu Rabbi noo sheegay xishoodkii gabadha oo keli ah, se ma uusan sheegin wajigeedii, dhererkeedii iyo dharkeedii midna, sidii ay u yaalleen!

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in isdhexgalka ragga iyo dumarka ay tahay in loo eego hadba baahida nololeed ee jiri karta. Ninka gobta ahina waa kan aan is odhan ka faa’idayso, duruufta adag ee haysan karta gabadh u baahan in ay shaqaysato. gabadhuna si kasta oo ay rag u dhex gasho waxa fudud in ay ilaashato dhawrsoonideeda.
Bal hadda dhugo labadii hablood ee adhiga waraabkiisa u yimi iyo Nabi Muuse Cs wixii dhex maray.

• Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in awood aan ammaano wehelini ay dhasho keli-talis nimo, ammaano aan awoodi la soconna aan umad waxba loogu qaban karin! Adiguna waxa aad ahayd mid labadaas sifo ee nolosha laf-dhabarka ka ah ee “awood iyo ammaano” kulan saday.

La soco qaybta 2aad

W/Q: Qoray Adham Sharqaawi
W/T: Xamse Cumar Kujoog
Hkujoog@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso