Wakaalada biyaha Hargaysa iyo Madaxtooyadu maxay iska Shabahaan

Wakaalada biyaha Hargaysa iyo Madaxtooyadu maxay iska Shabahaan :

Bari ayaa Macalin aad u Maskax badnaa oo Jamacada Hargaysa ka dhigi Jiray Somaliland Economic Development , uu na waydiiyey sababta Mareeyaha Hargaysa looga dhigi waayey Nin ka soo jeeda Koonfurta ,Bariga Hargaysa ,runtii su’aashaasu way nagu adkaatay inaanu ka jawaabno ,waayo waa su’aal adag manay ahayn mid siyar looga jawaabi karaayo ,waana su’aal inyar oo bulshada kamidi is waydiiso intaasina jawaab uma helaan shaafida.

Cabaar kadib ardaydii qaar ayaa isku dayey, ku waasuna may ahayn qaar u hayey jawaab ku haboon ,lakin waxay ku jawaabeen uun dareen koodii markaa ka dhax guuxaayey iyagoon sababna raacinayn .

Macalinku qudhiisu wuxuu isku dayey inuu na qanciyo isagoo isticmaalaya fikir iyo xeel dheeri maskaxeed ,waana ta aadamuhu badanaa isticmaalaan markaanay shaygaa u haynin daliil xujo u ah .

Waxaanu yidhi kaba soo qaad waxaa loo magacaabay wakaalada biyaha Hargaysa masuul ka soo jeeda Koonfurta Hargaysa , masuulkaa waxa u dhaamisa biyaha booyad, waligiina qasabad ka muu Cabin.

Habeen iyo maalinba masuulkaasi waa uu shaqaynayaa ,Maalintii danbe gabadh aad u yar oo uu dhalay baa waydiisay aabaheed, Aabo maxaad ka shaqaysaa horta waadigan Xiiqsan uune ?

Aabihii ayaa ugu Jawaabay Aabo Waxaan ka shaqeeyaa biyaha Hargaysa .

Tiiyarayd :oo aabo sawtan booyadu inoo dhaamiso.

Aabihii: waa run aabo

Tiiyarayd:OO Aabo ma booyadaha ayaad soo dhaamisaa.

Aabihii: maya Aabo.

Tanina waa sababta keentay masuulkasta oo wakaalada biyaha Hargaysa loo magacaabo uu ka soo jeedo Waqooyiga Hargaysa .

Takale

Madaxweyne kasta, masuulka ugu sareeya Guriga madaxtooyada inuu u dooro masuul ay isku Hayb yihiin waa su’aal fudud,.

Waaana Hal xidhaalaha ay wadaagaan Wakaalada biyaha Hargaysa iyo Masuulka madaxda looga dhigayo qasriga madaxweynaha.

Mohamoud503@gmail.com
+01742097086

Advertisement

Ku Xayeysiiso