Daawo: Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Cafis u fidiyey maxaabiis gaadhaysa 1500 oo Maxbuus

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis ufidiyay in kabadan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jirtay xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kaladuwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI. Sidaasna uu madaxwaynuhuna qalinka ugu duugay.

Dhinaca kale maxaabiista heer federal kuxidhan waxay isugu jiraan laba qaybood:-

  1. Kuwo ay maxkamadaha heer deegaan xukumeen oo adaraa ahaan loo geeyay heer federal cafiskooduna uu kuxidhan yahay gudiga cafiska heer deegaan.
  • Iyo kuwo ay maxkamadaha federaalku xumukeen oo kuxidhan heer federaal. Sidaadarteed, xukuumada deegaanku waxay kacodsanaysaa heer federaal in maadaama oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee kadambi badnaa lasiidaayay sidoo kalena in maxaabiista soomaalida ah lasiidaayo dambi kasta oo ay uxidhan yihiin.

Ugudambayntii waxaa xusid mudan in aysan talaabadani ahayn tii koobaad, labaad, sadexaad… iyo tii ugu dambaysaytoona ee waa mid looga bartay islamarkaana dhaqan u ah xukuumada DDSI inay cafis ufidiso maxaabiis badan

Warqabadka Togaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso