Sakaaro Xaar Muuqday Aas-aastaa!!!. Guul-darrooyinka musuqmaasuq + sharci jabineed ee ku gadaaman!!!!


Sakaaro Xaar Muuqday Aas-aastaa!!!.

Guul-darrooyinka musuqmaasuq + sharci jabineed ee ku gadaaman!!!!.

“Somaliland investment company Limited”. Wuu Ka weynyahay wax go” lagu qariyo.

Hadaan wax yar idinka xasuusiyo xiligii ololaha doorashada waxyaalihii xisbiga kulmiye ku galay kaambeynka waxa ka kaw ahaa la dagaalanka masuqmaasuqa & cidhib tirkiisa isla markaana xididada loo siibo.

Hadaba mudooyinkii u denbeysay waxay hadal hayntiisu ku badnayd baraha bulshada & goobaha bulshadu ku kulanto, company maalgashi oo laga abuurey dalka dibadiisa siiba dalka isu tagga imaaraadka carabta.

Company ayaa la sameeyay lacagta lagu sameeyayna ay bixisay wasaaradda maaliyaddu. Xiligii ay wasiirka ka ahayd Samsam Cabdi Adem, isla markaana aanu company-gu ka mid ahayn

Xil wareejintii labada wasiir company-ga maalgashi ee lagu magacaabo “Somaliland investment company”.

Inuu tuugo ahaana waxa cadayn ugu filan qarinta la qariyay.

Board of directors-ka company-ga waxa waxa ka mida Wasiir & masuuliyiin kale oo xilal ka haya xukuumadda magacyadooduna ku xusanyihiin.

Waxyaalaha lala yaabo waxa ka mid ah talo soo jeedinta lagu aasaasay company-gan somaliland investment company limited. Waxa iska lahaa shirkadda DPWORLD. Magacaabista liiska directors-ka. Oo noqonaya: 
Directors:
1. Saad Haji Ali Shire
2. Bashe Awil Omar
Shareholders:
1. Somaliland Ministry of Finance
Company Secretary:
1. Abdirahman Hussain Abdalla.
Iyana waxa lahaa DPWORLD & Safiirka Somaliland u fadhiya dalka imaaraadka. Mudane bashe cawil.
$50,000-Kii kun ee u horeeyay ee deebaajiga ahaana waxa dhigtay DPWORLD oo ku dhigtay magaca Somaliland. (Amount of Paid Up Share Capital
USD 50,000.).

Masuulka xil umadeed haya uma banaana inuu qabto shaqo private ah oo gaar loo leeyahay. Waayo waxay noqonaysaa conflict of interest (danihii ayaa iska hor imanaya).

Waana denbi & wax aan banaanayn.

Qof denbi galayna maaha inuu hayo Xil umadeed.

Ugu horeyn waa in xilka laga xayuubiyaa  lana maxkamadeeyaa oo sharciga la horkeenaa denbigiisiina lagu qaadaa.

Haddii maca uu is casilo lagaga hadhi maayee waa lagu daba galayaa waana lagu maxkamadeynayaa.

Jawaabihii xukuumaddu ka bixisay-na waxay ka dhig-naayeen sakasradii la yidhi “sakaaro xaar muuqday aas-aastaa”. Imika xukuumaddu tuugtii qaranka denbiga ka gashay ayay badhi taarayaan halka intay xilka ka qaadaan ay sharciga la tiiqsanlahaayeen.

Jawaabihii ay bixiyeena maaha jawaabo ku haboonaa waayo indhaha ayay iska soo ridayeen.

Sideedaba Xukuumadi company way samaysan kartaa mid u gaara iyo mid ay la wadaagto shakhsiyaad muwaadiniin ah.

Laakin Waxa lagu qorayaa magacyada haayadaha hoos imanaya sida tusaale ahaa:

Wasaaradda maaliyadda

Wasaaradda maalgashiga caalamiga ah.

Wasaaradda ganacsiga &

Xarunta ganacsiga.

Mana banaana in lagu qoro magacyo shakhsiyaad leeyihiin sida imika ku cad.  Waayo shakhsiga Berri baa la bedeli karaa Oo meesha kamuu bixin xilkuna waa meerto.

Ugu denbeyn:-

Waxaan madaxweynaha qaranka JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo iga mudan milgo & maamuus-ba u soo jeedinayaa inuu sharcigu sareeyo.

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi. 

Advertisement

Ku Xayeysiiso