DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA QABTAA LAALUUSHKA IYO LUNSASHADA HANTIDA QARANKA Q. PROF. MOHAMED JAAFAA

Ilaahay ayaa mahad leh isaga ayaan Ku shukriyeynaa, oo kaalmaysanaynaa, oo dambi dhaaf weydiisanaynaa, llaahay ayaan ka magan galaynaa nafteena sharteeda iyo acmaasheena xun. llaahay wuxuu waajibiyey waxyaalo waajib ah oo aysan banaaneyn in la dayaco, wuxuuna jeexay xuduud aysan banaaneyn in la dhaafo.Islaamku wuxuu meel adag ka istagay laaluushka iyo maalka dadka oo si xaqdaran u cuntid. Waxay ka mid tahay danbiyada waa weyn ee lagu halaagsamo, Dadka caadada ka dhigtana waxa loo balan qaaday halaag adduun iyo hoog aakhiro, bal eeg aayada ilaahay quraankiisa inoogu sheegay وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَىْءٍ مِّنَ ٱلْخَوْفِ وَٱلْجُوعِ”  ..Waxanu idinku imtixaameynaa baqdin, gaajo iyo in ilaahay raxmadiisa idinka dheereeyo.. Waxa laynaga xarimay laaluushka, Mana jirto cid loo baneeyay inay laaluush qadato iyo lunsahsada hantida qaranka. Laaluushku wuxu lumiyaa miisaankii cadaaladda ee mujtamaca dhexdiisa.Madax iyo masuuliyiin ayeynu aragnay kutubka quraanka kariim ka ah gacanta saaray, kuna dhaaranaya in caddaalad wax ku maamulayaan (subxaanallaah),  uma arkaan inay tahay danbi Alle hadey fulin waayaan, Sidoo kale uma arkaan iney cadaab aakhiro ku muteysan doonaan, taasi waxay keentay in qof walba siduu doono ugu tagri falo, xoolihii ummada. Wuxu Abu Hureyra ka soo weriyey Nebigeena suuban (SCW), xadiis saxiix ah, waa uu nacdalay ka bixiya iyo ka qaataba
لعن الله علي الر اشي والمرتشيQALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)
KRISTIANSAND, NORWEY

Advertisement

Ku Xayeysiiso