Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan yey dani ugu jirtaa qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan yey dani ugu jirtaa qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

 

Sida aynu wada ogsoonnay dal walba waxaa uu tiirsanyahay dadkiisa iyo  sida ay daacad ugu yihiin goorma ayey bulshadu dalkeeda daacd u noqon kartaa waa marka ay nadiif ka tahay qabyaalad, nin jecalaysi, is dulmi,macsida, tuugada, boobka hantida ummaddu wada leeday,xasadka ,xanta.

Haddaba maxay dantu ku jirtaa waa marka aad muwaaddinka dalka wada leedihiin aad ka dhigato walaalo haddii aad hoggamiyey tahayna ku hoggaamiso xaqa oo aad u wada ilaaliso kuuna simanyihiin bulshadu dhammaan,danyartana oo si gaara loo ilaaliyo

Aan iswaydiinno yey dani ugu jirtaa qarannimadu dantu waxay ugu jirtaa shacabka  Somaliland dhammaan waxaana ku wada waajib ah in ay wada ilaashadaan dalka aanay kala lahayn ee ilaahay ku wada beeray, sida xududihiisa nabadgelyadiisa,aqoonsi raadintiisa.

Allah ayaa mahad oo dhan iska leh

Deeq Cabdi Digaale

Advertisement

Ku Xayeysiiso