Ina-Kaahin Ma Dan Buu Leeyahay? W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Ina-Kaahin Ma Dan Buu Leeyahay? W/Q: Mohamed Hassan Daacad


Waa xilli barqo ah,dadkuna saaka waxay u muuqdaan inay Hurdada iskaga raageen intii aanay wax hawl ahi ka baylahayn,maadama ay Magaaladda ka jirto xiliga habeenkii dhaxan aad u daran,taas xili hore Magaaladda kala seexisa,Subixiina inta uu ruux kastaaba is-leeyahay dhulku hayaraya diiro ay saacado baddani sii macaansiga Hurdada kaga lumaan.

Waxa la joogaa Maqaaxi yar oo ay dadku barqaddii usoo shaah doontaan,taas oo ku taalla Shacabka Magaaladda Hargaysa. Dadka goobta jooga;waa in Xafiisyaddii ka timid oo doonaya intay Koob-koob Shaah-baraad ah ku dhuftaan,ka dibna ay shaqadda  dib ugu noqdaan,maadama ay Xukuumad cusubi waddanka ka dhalatay,taas oo dardarteeda leh,masuul kastaana uu u shaqaynayo si ka duwan masuulkii ka horeeyay,waxaana uu is-leeyahay yaan laguu arkin Ruux shaqadda ka seg-seega,si aan marmarsiiyo booskaaga shaqo lagaaga saara meesha u iman.

Qaar kalena,meesha waxay u yimaadeen bal inay cid uun ay arkaan maanta ay Qaadka iyo Qedada ku qoraan,maadama suuqa dhaq-dhaqaaq ee waddanku iska liito,Dalkuna kasoo baxay Doorasho aad u cuslayd oo saamaysay kobicii dhaqaale ee Dalka,iyada oo aanay wali si rasmi ah isu-jaan-qaadin Dawladda cusub iyo habsami-socodkii nololeed ee Bulshadda Somaliland.

Qaar kale waayaha Siyaasaddeed ee waddanka iyo tallaabooyinka ilaa hadda uu Madaxweynaha cusub iyo Xukuumaddiisu qaadeen iyo jawiyadda soo fool leh ayay musawiraad kala duwan ka bixinayaan,kuwo kalena sheekooyin maad, qosol iyo kaftan-wadaag ah ayay meel halkan ah ku camirteen. Qaar kale kalligood ayay meel halkan ah iska yururaan,waxaanay u muuqdaan qaar toodu cuslaysay oo la baaxadda degaya xaaladda nololeed ee meelin waji cusub la imanaya ee ay guud ahaan dadku la baaxaadagayaan.

Iyadda oo jawigu sidaas yahay,ayaa waxa sheeko kala heer ahi dhexmaraysaa saddex Nin oo ka mid ah kuwii madasha joogay oo u muuqday qaar waji-garasho iyo macrifad hore ka dhaxaysay.

Mid ka mid ah Raggii hadalka bilaabay,ayaa kii kale ku yidhi; “ Waar Hebel,Gurrigii horta maxaa helay ayaamahan wuu xidhnaaye?

Kii kale ayaa ugu jawaabay; “ Haa,waa Run,waana xidhan yahay,sidaasna kollay wuu ku xidhmay ”.

Kii kale ayaa isaga oo kasii dhaqaaqaya,una muuqda mid ka niyad-jabsan warkaas uu saaxiibkiis u sheegay yidhi ; “ Ah! Inuu xidhnaado muu ahayn”.Intaas markii uu yidhi meeshii wuu ka dhaqaaqay,waxaana uu guud ahaanba ka tagay Goobtii”.

Labaddii Nin ee isku soo hadhay,ayaa kii  labaad ee sheekadda dhegaysanayay,waxa uu isku dayay inuu ogaado xog ku saabsan Gurrigan ay Labaddan Nin ka wada hadlayaan,kaas oo u muuqda inuu yahay Goob muhiim hore ugu ahayd marka la eego sida dareenka leh ee ay labadoodu uga hadleen. Balse Ninkii kale ayaa arrintii ka gaws adaygay,waxaana uu ku koobsaday ; “ Haa,dee Gurri la xidhay oo aanu ka guurnay weeyaan hadda”.

Ninkii aad buu ugu celceliyay hadalkii Saaxiibkii,isaga oo aad ugu adkeeyay inuu arrinta u faahfaahiyo.

Ugu danbeyntii Ninkii ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrinta Gurriga,waxaana uu yidhi; “ Haa,Gurigaasi waxa uu ahaa mid aannu fadhiisan jirnay,isla-markaasna aanu ku qayili jirnay anniga iyo rag badan oo reerka ah,halkaasna aanu kaga hadli jirnay arrimaha Siyaasaddeed ee waddanka iyo masiirka reerka,balse gurrigaasi wuu xidhmay,ka dib markii aannu Kiraddii loo waayay cid bixisa”.

Halkaas marka uu marinayo,ayaa Saaxiibkii hadalkii ka dhex-galay,isla-markaasna uu weydiiyay su’aal ahayd sida tan; “ oo markii hore yaa bixin jiray”?

Ninkii kale si fudud uunbuu u yidhi; “ Dee Siilaanyo ayaa laga soo qaadi jiray”.

Saaxiibkii ayaa si deg deg ah ugu hal-celiyay ; “ Dee Imikana Ina-kaahin kasoo qaada,maxaa idin dhibay!”

Isna waxa ugu jawaabay; “ oo Ina Kaahin ma dan buu leehay,Siilaayo danbuu lahaaye”.

Halkaas-na waxa kusoo xidhmay Doodii labadda Nin.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso